Dalladda ay ku mideysan yihiin Ururada Somaliland ee dalka Holland (SSNL) waxay si buuxda u taageerayaan labada go'aan ee kala ah :-

 

 


1. ansixinta Heshiiska Dekedda Berbera iyo

2. Go'aamada iyo heshiiska wadahadalka beesha gobolada Beriga Somaliland.


Runtii waa tallaabooyin fiican oo xagga hore loo qaaday. Waa go'aamo xagga horumarka iyo midnimada jamhuuriyadda Somaliland wax weyn ka taraya.


ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO

Waa cusub baa Somaliland u baryey


Somalidu waxay ku ducaysataa CAANO iyo NABAD, waxayna ka ducaysataa COL iyo ABAAR,
maanta labadii Ilaahay laga baryeyey baynu isla helnay.


waxannu haddaba halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaan Xukuumadda, Baarlamanka Somaliland iyo gobolada arrimuhu khuseeyaan ee muujiyey xilkasnimada, mas'uuliyadda iyo ku dhac.


Somaliland Guul iyo Gobanimo


Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL)