Dallada
suxufiyiinta somalilnd oo maanta sha aca ka
qaaday in ay iskugu yeedhi doonaan
Haldoorka Ummada
Hargeysa(Longlivesomaliland news) masuuliyiinta midawga suxufiyiinta
Somaliland ayaa maanta Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, shir
balaadhan qaybaha kala duwan ee war-baahinta uga xog warameen halka
ay marinayaan hawshii dhex dhexaadinta ee ay ka dhex wadeen
xukuum ada iyo axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland. Waxa ay
sheegeen in maalinta arbacada ee todobaadka soo socota ay iskugu
yeedhayaan hal-doorka umada. Waxaanay tilmaameen in ay qorsheeeyeen
in ilaa sagaash an qof oo ka mid bulshada qaybaheeda kala
duwan ay iskugu keenayaan huteelka xaraf ee magaalada Hargeysa. Waxa
aanay xuseen in ay marka ay isku keeenaan qaybahaasi kala duwan ay
ka dhex xulli doonaan guddi iyagu hawsha gasha.
Guddoomiyaha midawga suxufiyiinta Somaliland C/laahi Ibraahim
Daahir(cukuse) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay hawshan ugu
talo galeen sidii xal loogu heli lahaa qabsoomida doorashada soo
socota oo khilaaf uu ka dhashay.
Mr.cukuse, waxa uu tilmaamay in
ay hadii hannaanka dimuqraadiga ahi uu meesha ka baxo in ay taasi ay
keenayso in ay waxba kala socon waayaan. Sidoo kale, waxa uu xusay
in ergooyinkii hore ee dhex gali jiray siyaasiyii nta
Somaliland(mucaarid iyo Muxaafid) aanay fashilmi jirin hasa ahaatee,
marka ay dhameeyaan hawsha fullinteeda uu qalooc gali jiray.
Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay sida ay suurto-gal u noqonayso in
saxaafadu ay ergo noqoto oo ay wax asturto iyo in ay tahay in ay
ummada xaqiiqda jirta u soo bandhigto waxa uu tilmaamay in ay haboon
tahay si labadaasi la isku waafajin karo in xaqiiqda jirta la sheego
wixii turxaan leh ee ka muuqda hadalka siyaasiyiinta aad loo darso
oo si wayn loo tifaftiro isla markaana laga saaro kalmadaha dadka
sii kala fogaynaya.
Ugu danbayntiina suxufiyiinta halkaasi ka soo qayb gashay ayaa
su’aalo tiro badan oo la xidhiidha arintan halkaasi ku waydiiyay
iyada oo masuuliy iinta dhammaanba su’aalahaasi ka wada
jawaabay.
Ergegadan suxufiyiinta ah ayaa noqonaya ergedii ugu danbaysay ee soo
kala dhex gasha masuuliyiinta xukuumada gaar ahaan Madaxwayne
Rayaa le iyo Xasbiyada Mucaaridka ah.
Mustafe Future
Longlivesomaliland news Reporter
Hargeisa, Somaliland
|