Bannière SSE - Sociétés Somaliland en Europe | Connecting Communities Somaliland

 

 

Taariikh: 24/01/2018

Tixraac:  SSE/DK 070/24012018

 

Dallada SSE oo mudnaanta koowaad u aragta isku duubnida iyo wada-jirka

ummada reer Somaliland

 

Ugu horreyn Dallada SSE waxay baaqan ku muujinaysaa dareenka taban iyo sida looga xunyahay khilaafka iyo colaada ku xeeran deegaanka Ceel-afweyn. Waa arrin tiiraanyo iyo walaac wata in muwaadiniin reer Somaliland ahi ay markale naftooda si sahlan ugu waayaan khilaafka ka soo cusboonaaday deegaanka. Dallada SSE waxay sida guud tacsi ugu soo direysaa shacabka reer Somaliland si gaarana qoysaska iyo asxaabta ay ka bax een muwaadiniinta naftooda ku waayay dagaalka iyo khilaafka Ceel-afweyn. Waxaanu idinka codsanaynaa in khilaafka si degdeg ah loo soo afjaro. Dallada SSE waxa ay idink u garab taagantahay inaad nabada iyo samaha ogolaataan oo aad u tudhaan danta de egaanka iyo ta guud ee dalka iyo dadka reer Somaliland. In badan ayaa arrinta colaada la isku dayay in lagu xaliyo dhinaca dhaqanka, balse lagama gaadhin xalkii loo baahnaa. Dallad ahaan waxa naga talo ah in xalka lagu daro iyada oo la adeegsanayo dhinaca Maxkamadaha iyo in tallaabooyin adag oo sharciya loo adeegsado.

Sidoo kale Dallada isku xidha Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) waxay baaqan idin kula wadaagaysaa dareenka taban ee ay ka qabto haddalada xajiinta leh ee ka soo yee dhay qaar ka mid ah Madax dhaqameedyada Somaliland oo wax-u-dhimaya wadajirka iyo midnimada ummada reer Somaliland. Dallada SSE waxay dareensantahay sida ay waajib inoogu wada tahay in laga wada shaqeeyo isku-duubninada ummada oo aasaas u ah jiritaanka iyo horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.

Dallada SSE waxay aad uga xuntahay in warbaahinta iyo baraha bulshada lagu fidiyo qa ar ka mid ah madax-dhaqameedkii reer Somaliland oo ku wada hadlaya wax aanay geyin dadka reer Somaliland ama wax u dhimaya karaamadooda iyo sharaftooda. Dallada SSE baaqan uguma ay talo gelin inay magacyo ku xusto, laakiin qaar ka mid ah madax-dhaq ameedyada reer Somaliland haddaladii ay la wadaageen warbaahinta waxay ahaayeen wax werwer iyo walaac ku ridey qof kasta oo danaynaya wadajirka ummada reer Somaliland.

Dallada SSE waxay baaqan ku muujinaysaa in madax-dhaqameedyadaa qaabkii ay u hadl een uu yahay mid ku lid ah kana soo horjeedda xilka ay bulshada u hayaan iyo waxa ay iyagu u taaganyihiin. Waajibaadyada iyo mas’uuliyadaha saaran waxa kow ka ah in iya gu ay had iyo goor u taagnaadan midnimada shacabka iyaga oo u maraya arrimaha dha qanka. Maahmaah ayaa ah “Geela duqdiisii durdurisay maxaad Aarankiisa u malaynays aa?” Si gaara waxa aanu Madax-dhaqameedyada uga codsanaynaa inay ka dheeraada an wax kasta iyo ficil kasta oo kala fogeynaya midnimada dadka reer Somaliland. Waa lagama maarmaan in Madax-dhaqameedyadu ay ogsoonaadaan in danta Somaliland ay ka weyntahay danta qof kasta isla markaana uu sharcigu ka sarreeyo qof kasta.

Waxa la soo gaadhay wakhtigii Golaha Salaadiintu ay si degdeg ah, iyaga oo la tashana ya xubnahooda isla markaana kaashanaya Golaha Guurtida iyo Wasaarada Arrimaha Gu ddaha, ay ku heshiiyaan oo ay soo saaraan Xeer-anshax cusub oo haga Madax dhaqam eedka (new Code of Conduct for Communities’ leaders) oo aan ahayn kan hadda jira ee ah hab-dhaqankooda arrimaha dhaqanka ee beelaha oo ay giddi ogsoonyahiin, ee laakii n ka hadlayaha doorka madax-dhaqmeedka ee arrimaha cusub ee siyaasadda, Xisbiyaa da, Dimuqraadiyada, Qarranimadda Somaliland iyo isku-duubnida ummada Somaliland, iyo saameynta warbaahinta cusub ay ku leedahay arrimahaasi xasaasiga ah. Talo ahaan waxa fiican in Salaadiintu ay markaas xeer-anshaxaas (ama habdhaqaankaas) iyagu soo saaraan, oo aqbalaan isla markaana ay ku daraan habka ay iyagu u marayaan anshax marinta xubintooda ku gefta xeerka anshaxaasi.

Xukuumadda Somaliland

Xukuumadda Somaliland waajib gaar ah ayaa ka saaran inay si gaar ah iyo si guudba u ga warhayaan waxyaabaha wax-u-dhimaya isku duubnida ummadda. Wakhti aad u koob n ayaa ka soo wareegay markii aynu ka soo dhammaanay doorashadii Madaxtooyada oo duruufaheeda laheyd. Shicib iyo xukuumadba waynu wada ogsoonahay sida ay lama mahuraan u tahay in la helo ummad isku kalsoon oo leh yool iyo himilo isku mid ah. Waajib gaar ah ayaa xukuumadda ka saaran inay hormood ka noqoto in la helo ummad quluubtooda iyo laabahoodu ay meel u wada jeedaan. Nabada iyo xasiloonida ay Somaliland ay haysato waxa aasaas iyo fure u ah wadajirka ummada oo ay tahay in aan la dhayalsan. Dallad ahaan waxa naga xasuusin ah in waxa keliya ee bani’aadamka kaafiyaa uu yahay caddaalad. Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inaynu noqono kuwo isku cadaalad fala oo ka dheeraada dulmi iyo xaq-daro.Sidoo kale Golayaasha kale ee xukuumadda iyo axsaabta Qaranka Somaliland ayaa loo baahanyahay inay doorkooda togan ka qaataan sidii looga wada shaqeyn lahaa xoojinta iyo adkeynta is-huwanaans haha iyo wada-shaqeynta dadka reer Somaliland, maadaama xaalado abaareed iyo qaar colaadeedba ay gobolka ka jiraan.

Warbaahinta Somaliland:

Dallada SSE way ogsoontahay in warbaahinta ka hawl gasha Jamhuuriyadda Somaliland ay kaalin muhiim ah ay kaga jiraan nidaamka geeddi socodka dalka iyo dadka reer Somal iland. Wakhti adag ayaad la soo marteen dalka, waana mid la idiin ogsoonyahay door kiina. Dallada SSE waxay baaqan idinkaga codsanaysaa inaad taxadar dheeraad ah ka yeelataan baahinta haddalada wax-u-dhimaya isku duubnida iyo wadajirka Somaliland. Tani macanaheedu maaha in aan ka soo horjeedno xorriyadda haddalka, laakiin haddana waxa waajib gaar ahi idinka saaranyahay ilaalinta xasiloonida iyo isku duubnida dadka reer Somaliland,waana waajib ina wada saaran.

Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aannu baaqan kula wadaagaynaa in iyaga laftoodu ay qayb ka yihiin fahanka sida loogu baahanyahay in dadka reer Somaliland ay yihiin sida ul iyo diirkeed. Baaqan ayaanu idinkula qaybsanaynaa in idinku udub dhexaad u tihiin aasaaska ay Somaliland ku qotonto. Waxa aan idinkula dardaarmaynaa in aad ku baraarugsanaataan in isku duubnida wax lagu yahay.

Alle ayaa mahad leh,

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

www.sseuro.com

Tel:45 25 53 93 15