Dalka waa la wada leeyahay iyo dooga, laakiin garaadka waa la kala leeyahay lama wadaago

 


 

Maxaa dan ah Maxaa daran

Dalka waa la wada leeyaha iyo dooga, laakiin garaadka waa la kala leeyahay, waa intuu qofba  Ee bba gashaa, aragtiyah siyaasadeedna waa lagu kala duwanaada. Waxaase reeban in cid lagu dilo amma lagu daadufeeyo waxay ula ekoonaatay iyo fikradiisa.

Tolow maxaa la odhan lahaa inj. Cusman Jaamaca Cali iyo inta la halmaashaa, hadday noqon  lah aayeen xawaladlayaal dantoodu ku jirto qaxa, qalalaasaha iyo dhiig qubta oo aan raali ka ahayn dawlad iyo cashuurteed, oo ka ganacsada meelkasta oo uu joogo qof Somaliyeed islamarkaana  aa n xuduud lagu xujeyneyn?

Tolow maxaa la odhan lahaa hadday noqon lahaayeen siyaasi kursiga u doonta dantiisa gaarka ah ee aan u doonan in uu dadka ugu adeego, oo hadday tiisa noqon weydo beeshiisa dabka saara, oo dagaal ooga iyo danbaaburo naareed?

Tolow maxaa la odhan lahaa hadday noqon lahaayeen wadaad qandi wax ku rita oo qiil u  banays ta kol ay qori caaradii ku tahay oo ummad jabtay ku baqamaala xarafka diimeed?

Waxaa liisan aan xuduud lahayn loo haystaa in Afqaanistaan, ciraaq, Bariga dhexe, dunida  musli nka iyo danaha reer galbeedka laga faaloodo oo fikrad laga dhiibto. Maxaa looga didayaa meel ka dhaw oo saamayn weyn ku leh deegaankiisa haddii fikrad laga dhiibto?

Bal in ay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray waxaa weli taagan su’aashii Cabdi Aadan Qays uu soo bandhigay sodon sano ka hor ee ahayd:

Xeebtaa
Jabuutee Somali laga xaday, haddii aan xagaa tegey, maan jebinin xeerkee maxaa la igu soo xidhay, maxaa la igu soo xidhay, maxaa la igu soo xidhay?


Wiyilee, wiyil naasa caddee, weligaa allahaa wax ma kuu dhimay? ma ku diley ma ku dagay? Dadkoo oon la tuban biyihii toon iyo tamaandho ma ku beertay? Adigoo daalaa dhacaya oo dulug lahaa dibada meeraayo, oo dirqi ku nool miyaan xilkaad ii diratay horta daaro ka jeexday, gudaha iyo debadaba la wda ogyahay? Miyaan kordhistey mushahar anigoon irbad dhuub gelin? Miyaan xil kordhistey oo aan xuquuqdaadii codbixineed ku duudsiyey?

Horta yaa danbiil ah iyo dhagar qaba, ma ku dhex jooga mise ku ka dheeraday agtaada?

Intaas waa wadhwadh iyo haa hee! Waa weydiimo jawaabloo qof waliba siday tahay ha u qaato leeyahay. Nin walooba kitaabkaagii qumanaha ahaa ee lagu sudhay qoorta la kaasho oo axadh.

Immikana ku soo durug warkii taarane, dabuubtii qalin caano iyo biyo ma daasha ah, qalin aan jil  is la tooxayn darjo iyo xil raadis ah, qalin dooc iyo dareen hogaamiyo oo aan cidna u dudin cidna ka dudin, hayin gibil ma daasha ah, dacar, naxli, godob iyo utumo hore midna lagu khadayn, samo lagu gardaadiyey oo ayeydii ka soo jeedo hablo rag isdhaafsaday oo colaad dami weydey lagu soo  afja ray, oo ay ahayd godob reeb nabad waarta lagu gudoonsadey. Qalinkan ayeydii, habeenkii  daba aldegga arooskeeda, haween garasho dheer ayaa, iyaga oo waxana dhamin waxna dhaafin, ku  ga lbiyey: “Ha daganee hooy daadow wallaahigaa, ma hongoodo daacadi.” Iyaga oo uga gol leh maad dooran ee waa laguu dooray, laguma tixgelin ee nabada ayaa la tixgeliyey oo laga  maa rmi waayey, sidaa daraadeed daacad baad tahay oo guurkan ku hongoobimeysid, wiilala baa ka dhalan doone, alla aamin noqo. Dabuubta Qallin aan geyin geedo sare waab.

Akhristow, abtirsiimo waa la wadaagaa ilaa xaawa iyo Adan ninba meel uu ku joojistaba. Dadka qaar ayaa kaga hadha awoogood oo aan meel kalaba u sii dhaafin. Qaar kalana waxay aaminsan yihiin: “Quruumaha adduunyada iska daa qabiiloo qoys baan ka dhigi laa”


Dal iyo doogna waa la wada leeyahay oo qofna qof kale kama xigo, laakiin waa bulsho waliba  xu duudeed iyo xaadhinteed, inkasta oo maanta Somalida ay haysato dhalashoonyin kala duwan oo ay ku dhaqan tahay qaaradaha kala duwan ee adduunyada. Ubadka debadaha ku dhashay  dalkoo da hooyo waa kay ku dhasheen, lagama laha oo lagam xigo.


Waxaa iyaduna jirta dan oo ah tay habiil iyo qabiil oo Xaawa iyo Adan ka alkunmay ay qudha  is kaga jareen. Danta lama wadaaago ee waa la wada ilaashadaa, ta guud iyo teeda gaarka ahni  wa y isku xidhan yihiin, xeer iyo xuduud ayaa laga yeeshaa oo dhaabado ayaa laga samaystay. Hadday dhinac ka dheelido waa lagu rafaadaa.



Waxse aan marnaba gorgortan gelin oo aan la wadaagi, waa garaadka iyo maanka qof walba  Il aahay ku manaystay iyo wuxuu aqoon iyo waayo aragnimo taransaday intuu joogo dunida  guudk eeda ee aanu aakhiro u guurin. Iib laguma daydayo ee waa intuu qofba eebbe gashaa, taana  Som alidu waxay ka tidhi: “Tol waxaan ku maamuli aqaan amma ku maamuusi, maso in aanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay” iyo weliba halhayskii kale ee ahaa “Muslin kuma cabiidsamo Walloon madax kaa goyn.” Waa laga maarmi waayey in uu qof waliba aragtidiisa xor u ahaado, lagu tixgeliyo oo aan lagu coloobin.

Waxba yaanan araarta dabayl raacine aan ku soo laabto godkaan degey shaxda la isku  maandha afay ee ku saabsan booqashada mudane Inj. Cusman Jaamac Cali ku tegey Somaliland oo lagu  eed eenayey aragtidiis Siyaasadeed ee gaarka ah ee uu ka dhiibtey arrimaha geeska Afrika iyo  wax yaabaha hareerihiisa ka dhacaya, tuu ka leeyahay guud ahaan caalamka, iyo tuu ka leeyahay  cul amaa’u diinka. Waxaa aan aaminsanahay in uu xaq u leeyahay oo siday ula muuqato uu sheegi karo islamarkaana uu xaq u leeyahay in haddii uu u xiisoodo qadhaabkii dalkiisa, sida dhawanka, midhaha gobka, yicibta, mudhacaanta, gacayrta, yamaaruga, likaha, tamayuluqda, hunguri  dhubu qda iyo dhabaqa dacarleyda, uu xaq u leeyahay in uu guran karo markuu doono.


Haddii uu jiro xeer u diidani oo Somaliland dhigatay “Quraan iyo Xadiith” ma eh dib ha loo  e ego oo duruufta iyo waayaha ha la waafajiyo. Ilayn dil iyo xadhig laga cabudhinayo afkaarta  dad ku waa wixii laga dagaalamay.

Cusmaan jaamac iyo inta la halmaasha ee aragtidooda ku waajahan tahay sidii xal loogu heli lahaa siyaasada geeska afrika iyo dagaalada, waa waajib in lagu tixgeliyo fikradooda. adiga oo weliba islamarkaana diidan oo ka soo horjeeda. Xamil iyo dulqaad ayaa loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay hogaan gibil ma daasha ah oo lagu soo hirto oo isku wadi kara dadka kala aragti duwan iyo beelo kala dano duwan, islamamarkaana ku dhaqma oo fuliya hadba tii loo badan yahay, ee aan waxyeelo lahayn.

Haddii Cusmaan jaamac shakhsiyan lama erey ka idhaa, Cusmaan waa nin laab xaadhan. waa nin saaxiibtinimada jecel. Taasi oo dadka Somalida nadir ku ah. Saaxiibkii in uu isagu ku wacad fura mo oyee isagu kuma wacad furo. Cusman waa nin nabada jecel oo aan colaada jeclayn. Laakiin fuley ma ah oo haddii ay ka fursad weydo in la dagaalamo safka hore gelaya. Meelmihii halganka ee  Mu qdisho lagu sugnaa habeena ka gaban in uu u halgamo isbedel oo waa la wada ogaa kaalintuu ka qaatay. Wuxuu jecel yahay suugaanta, gaar ahaan ta halganka iyo nabadoonka. Abwaanada lagu dhaato haddaan la is dafirahayn sida Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo Maxamed Ibrahim War same wuxuu u ahaa geed weyn oo ay hadhsadaan wuxuu kaga deyraa ishii cawri taqaan iyo  dara nyo. Isaga ayaa bud dhig u ahaa hirgelintii gabayadooda. Guubaabooyinkiisi iyo ka hortagii  nidaa mkii Siyaad Barre isaga oo dhex joogey kaalintuu ka galay waaba loo wada joog.


 

 

 

 

Hamud Duale