Dalka
iyo Dadkuba Waxay u Baahanyiin Isbedel Dhab ah

Dhamaan shacabka Somaliland ee muslinka ah waxaan u dirayaa
salaanta islaamka,waxaanan Allaah inooga baryayaa bisha Ramadaan
inuu barakadeeda iyo khayrkeeda inna siiyo,waxaan idiin raacinayaa
dhamaan inaynu isa-saamaxno.
Hadaan u daadago dulucda qoraalkan,waxa muwaadin kasta ku waajib ah
inuu/inay tusaale ka bixiyo aragtida u miciin ah kobcinta horumarka
dalka iyo dadkaba. Muwaadin kastaaba maanta waxuu qirayaa dalkan
Somaliland inuu ka soo gudbay carqalado badan,korna u qaaday
horumarka dhaqan, hab-socodka siyaasadeed, balse dib u dhac ku yimi
dhinaca
dhaqaale iyo dhinaca caddaalada iyo hogaaminta dalka.
Mudadaa aynu soo marnay dhawrka dawladood uguna dambayso dawladan
hogaanka dalka haysaa,waxay shacabku waayo-aragnimo xooggan ka
heleen waxa u dhaxeeya hababka kelis-talisnimo iyo dimuqraadiyada ku
dhisan xisbiyada badan. Waxa kale ee shacabku ogyahay bud-dhigga
hab-dhaqanka taageerayaasha xisbiyadu inay tahay hab-beeleed. waxa u
raacay shacabka Somaliland jiritaanka khilaafaadka ka dhasha kooxaha
mujaahidiinta SNM ee xisbiyada mucaaridka ah iyo kooxaha NSS-tii ka
tirsanayd ee xisbiga talada haya u badan.
Arrimahaas waxa ka dhashay oo shacabku ka dhirgay hab-fikirka
saddexda hogaamiye ee xisbiyada qaranka kala hogaamiya. Hadaynu kala
qaadno saddexda hogaamiye,kuna horayno Madaxweynaha dalka hogaamiya,
ahna hogaamiyaha xisbiga UDUB waxaa hubaal ah inay shacabku aad u
barteen hogaankiisa oo aan la mahadin muddada dheer ee uu marna
Madaxweyne-ku xigeen ahaa haatana uu Madaxweynaha yahay,kana soo
jeedo kooxaha NSS-ta ka tirsanaan jiray,taasina ku tusayso inuu
shacabku ka dhadhansanayo aqoontiisa siyaasadeed inay ku
salaysantahay
habka keli-talisnimo.
Dhinaca kale hadaynu soo qaadano hogaamiyaha xisbiga mucaaridkaa ee
Kulmiye, waxa shacabka u muuqda inuu ka soo jeedo kooxaha SNM-ta ee
isku bahaystay xisbigaas,waxa kale oo shacabku inaan hogaankiisa la
mahadin waqtigii dheeraa ee uu hogaanka SNM soo hayay,dhibaatooyin
badan oo laga soo gudbayna ka jireen ururkaa xornimada dalka u soo
dagaalamay,waxa kale oo shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ku qabsaday
Burco shacabka ugu markhaati furay inuu hogaamiyaha xisbiga
hab-fikirkiisa siyaasadeed yahay habka keli-taliska.
Hadaynu eegno isna xisbiga kale ee mucaaridkaa UCID hogaamiyahiisa,
markuu shacabku jaleeco hab-dhaqanka iyo hab-socodka siyaasadeed ee
xisbiga dhexdiisa waxa hubaal ah isna inuu ku dhaqmayo habka
kelis-taliska.
Intaa waxa saddexda xisbi hogaamiye u raaca,iyagoo hore shacabku ugu
codeeyay,isla haatana u diyaar yihiin inay mar labaad
tartamaan.Welina dalku waxuu ku jiraa xero xidhan oo aan aqoonsi
lahayn.Markaa doorashada innagu soo fool leh ee lagu dooran doono
madaxweynaha waxa haboon, danta dadka iyo dalkuna ku jiraan in
saddexda xisbi qaran dhamaantood keenaan hogaamiyaal cusub,ama
xisbiyada midkood keeno hogaamiye cusub oo aan ahayn kuwa hore u
tartamay.
Runtii, hadii shacabka Somaliland inuun rajo ka qabo kobcinta
horumarka dimuqraadiyada waxa dalka iyo dadkuba u baahanyinn Isbedel
dhab ah, sidaana waxa laga fili karaa musharax
cusub,hab-fikirkiisuna ku jihaysanyahay
isbedel siyaasadeed,dhaqaale iyo dhaqan.
Ramadaan kariim.
Hussein Badmah
hargeyawi2001@yahoo.de
|