Dahabshiil oo Hirgelisay dhismii u Horreeyey ee Xarunta Carruurta Derbijiifka ah

 

Hargeysa (TNN)-Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabashiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ku wareejiyey ururka ODHA derbi bedkiisu dhan yahay 8352 Mitir oo laba Jibbaaran (96m X 8 7m) oo lagu soo wareejiyey xarun loogu talo galay daryeelka carruurta derbi-jiifka ah oo  shirk addu ka hirgelisey duleedka Xaafadda Maxamed Mooge, Hargeisa.

Munaasibadda hanti-wareejinta ah waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Pr ofessor Ismaaciil Muumin Aar, oo munaasibadda ku dhagax dhigay qaybtii labaad ee hoyga iyo guryaha kale ee Xarunta.

Waxa ugu horrayntii daaha ka rogtey ujeedada munaasibadda kulmisay Shirkadda Dahabshiil, Wasaaradda Caddaaladda iyo Ururka ODHA, marwo Luul Hassan Mattaan oo ah Madaxa  Carr uurta iyo Haweenka ee ururka, iyada oo ku soo dhoweyneysey Guddoomiyaha Ururka ODHA, waxayna tidhi:

“Waxaynu manta hortaaganahay derbigii lagu soo wareejiyey xarunta carruunta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo ah qaybtii hore ee mashruuca. Waxa qaybtan hirgeliyey Shirkadda Dahabshiil. Qaybta labaad ee mashruuca oo nqon doonta hoygii (dormitories) waxa iyadana maanta  dhag ax dhigay Wasiirka Caddaaladda, Prof Ismaaciil Muumin Aar.”

Intaa ka dib, waxa hadalkii ku wareegay Guddoomiyaha ururka marwo Faadumo Saeed Ibrahim, oo ku dheeraatay kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkadda Dahabshiil ka qaadatay mashruucan bini-aadannimo, iyada oo muujisay farxadda uu ururka ODHA ku soo dhoweynayo sida  dhkhsa ha badan ee dhismaha derbiga lagu soo wareejiyey xaruntu ugu dhammaaday.

“Weli ma aannu arkin cid wax ballan qaadday oo sida shirkadda Dahabshiil sida ugu fudud ee  u gu dhakhsaha badan u fuliya ballanka, Saddex bilood iyo qaybo look ala googooyo barnaamijka ayay badiba qaadataa. Dahabshiil maalintii oo noo ballan qaadayba waa bilaabay dhiska isla  la ba maalmood gudaheed,” ayay tidhi marwo Faadumo, iyada oo raacisay in deyrka oo ku  gedaa man dhul aan ka yarayn labaatan baloodh oo yahay mid dhaxal gal ah oo dherer iyo madhax-galba isku darsaday.

“Magacayaga uun ma aha kan aannu mahadnaqa idiinku soo gudbineynaa ee waxa weheliya  ka n carruurta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo idil,” ayay tidhi Faadumo, iyada oo ku hal  qabsana ysa Cabdirashid Mohamed Saeed, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil (Dahabshiil Group).

Faadumo waxay Ilaahay u bariday in xarunta loogu talo galay carruurta ku dayacan suuqyada Somaliland ay noqoto mid ay ku nastaan oo ku nagaadaan oo ay ka soo baxaan carruur  lafah ooda, qoysaskooda iyo dalkoodaba aayo u yeesha.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed, ayaa isaguna ugu horraynba aad ugaga mahadceliyey ururka ODHA iyo hablaha isu xilqaamay carruurta derbi-jiifka kaalinta lama-illaawaanka ah ee ay ka qaateen abaabulka xaruntan iyo sida ay uga go’an tahay ka  mid ho-dhalinteedu. Waxa Cabdirashiid tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in shirkaddu ka qayb qaadato daryeelka carruurta tabaaladu ku raagtey loo fidinayo, ayna u tahay sharaf inay  qa ybtii u horreysey ee mashruucan u fuliyaan sidii loogu talo galay iyo si ka wanaagsanba.

“Carruurtu, sidoodaba, waxay u baahan yihiin daryeen faro badan. Kuwa aan cidna ku  tiirsana yn ee derbi-jiifka ahina waa ka sii xag jiraan,” ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa Cabdirashiid u soo jeediyey bulshoweynta inay ka qayb qaataan sidii loo dhammaystiri  la haa, cagahana loogu joojin lahaa qaybaha hadhay ee mashruucan, isaga oo si gaar ah isu dul taagay ajarka iyo xasanaadka cid kasta oo niyad wanaagsan kaga qayb qaadata uga  jidoobey sa Ilaahay agtiisa.

“haddii aan carruurtan ku dayacan suuqyada aynaan maanta wax ka qaban, kuwa guryaha  joo ga ayaa ku biiri kara oo ah wax suurtagal ah,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid, isaga oo ku daray in kaalinta shirkadda Dahabshiil mar walba ka qaadata arrimaha muhimka ah ay tahay mid u  ba rnaamij ah oo ay aragto shirkaddu wixii dadkeeda, oo ah macaamiisheeda meel kasyaba ha joogeene, u dan ahi inay iyadana dan u tahay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda, Professor Ismail Mumin Aar, oo nasiib ub yeeshay in munaasabaddii u horreysey ee dan guud ah uu kaqaga qayb galo hawl samafal oo lagu daryeelayo, looguna caddaalad falayo, qayb ka mid ah bulshada, ayaa isaguna halkaa erayo kooban ku soo dhoweeyey mshruuca, ujeedadiisa iyo iskaashiga saddex-xagaloodka ah ee ururrada rayid ah, ganacsatada madaxa bannaan – sida Dahabshiil iyo Wasaaraddiisa oo ay hawlaheeda ka mid tahay dhaqan-celinta carruurta ku dayacan suuqyada.

“Caddaaladdu waxay ka mid tahay baahiyihii aasaasiga ahaa, oo guri walba waa geleysaa, cid walbana waa taabanaysaa; waxana aan u arkaa inaad garabyadiinna iska kaashaday hawshan cid walbaba uga horraysaan taabbagelinta caddaaladda,” ayuu yidhi Wasiirku, Professor  Isma aciil Muumin.

Waxa Wasiirku tilmaamay in badani ku dayacan yahay suuqyada oo ama waalidkood is furay, a ma dhaqaale ahaan u maaro waayey, sidaa darteedna cid kasta oo mustaqabalkooda iyo  iftiim intiisa gacan ka geysata ay abaal adduun iyo mid aakhiroba heli doonaan.

“Shirkadda Dahabshhil waxay buuxisay door dhan oo bulshada hiore uga maqnaa oo ah in  gan acsatadu damiir ummadnimo yeelato oo horumarka bulshada ay u adeegto qayb laxaad leh ka qaadato. Samafalku horumarka ayuu ka mid yahay, waxana aan marag ka ahay mashaariic  ba dan oo Dahabshiil qabatay oo aan meel kasta ku arko ama ku maqloba,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo cabbiraya dareenkiisa ku wajahan kaalinta shirkaddu kaga jirto horumarka iyo badhi-taarka bulshooyinka.

Waxa uu Wasiirku ku soo gebogabeeyey hadalkiisii baaq ah in baayacmushtarku ku soo  dhii ra daan horumarinta, samofalka iyo daryeelka bulshada inteeda tabarta daran sida Shirkadda  Da habshiil, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ganacsatadu tahay cududda keli ah ee la isku hallayn karo ee bulshadani manta leedahay si ay karaamadeeda iyo hankeeda horumarineed u kasbato, una dhawrato.

Ugu dambayntii waxa Wasiirku mar kale u mahad celiyey ururkii soo abaabulay, shirkadda  Daha bshiil iyo cid kasta oo kaalin ka geysata fulinta hawshan mugga iyo meeqaamka sare leh.
 

 

Source:Somaliland.Org