Dagaallo dimasho iy
dhaawacba sababay oo barqadii ka dhacay degaanka u dhaxeeya
waqooyiga Gabiley iyo degmada Baki
Hadaba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanka dagaalku
saaka ka dhacay.
Dagaalo sababay dhimasho iyo
dhaawac oo ay isku hujuumeen laba ciidan beeleed oo mudooyinkanba
isku hor fadhiyey dhul-beereed la isku haysto oo ah deegaanka u
dhexeeya waqooyiga Gobolka Gabiley iyo Degmada Baki ee Gobolka Awdal
ayaa saaka barqadii ka dhacay isagoo socday mudo kooban .
Waxana ku dhintay dagaalkani ay labada dhinac isku hujuumeen ciidan
beeleedka maleeshiyada dhinaca Gabiley ka soo jeeda oo ay ka
dhinteen laba marxuum oo ay magacyadoodu kala yihiin Xasan Xaaji
Raage iyo Sayid Cismaan halka ay shan kalena ka Dhaawacmeen kuwaas
oo dhaawacooda la keenay cusbitaalka Gabiley oo lagu dawaynayo ,
halka ay ciidan beeleedka maleeshiyada ka soo jeeda dhinaca Degmada
Dila uu dagaalkaasi kaga dhintay hal marxuum oo aanaanu ilaa hada
magaciisa helin iyo laba kale oo dhaawac ah oo lagu dawaynayo
cusbitalka Boorame ee xarunta Gobolka Awdal .
Hadaba sida ay sheegayaan wararka
ka imanaya deegaanka dagaalku saaka ka dhacay waxa uu dagaalku
markii hore ka bilaabmay labada ciidan beeleed oo sahankoodu
subaxdii barqanimadii saaka isku haleelay meel la yidhaahdo Burdi oo
dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Dilla halkaas oo labada dhinacba
khasaaraha intaa leegi ka soo gaadhay , hase yeeshee aanay jirin wax
khasaare ah oo intaa ka badan oo sida wararku sheegayaan ka soo
kordhay dagaalkaasi .
Balse dhinaca kale wararka ilaa galabnimadii ka soo kordhaya dhinaca
jiida dagaalkani ka dhacay iyo goobaha kale ee labada ciidan beeleed
isku hor fadhiyaan ayaa la sheegay in xabado la isku waydaarsay
dagaalkan ka dib balse aan wax khasaare ahin soo gaadhin labada
dhinac iyadoo dhawaqa xabada la maqlayey ilaa gabal dhacii caawa .
Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay ilaa labadii maalmood ee
ugu danbeeyay ay ku gudo jirto dadaalo xoog ah oo ay damacsan tahay
in ay ku dhamays tirto muranka dhul ee ka jira deegaankaasi oo imika
mudo dhawr bilood ku dhawaad ah ay labadaa ciidan beeleed isku hor
fadhiyeen , waxana hadal haynta dagaalkani saaka dhacay u badan
yahay in aanu ahayn weerar toos ah oo ay labada dhinac isku qaadeen
, laakiin se ay isku fakadeen labadaa sahan ee labada ciidan beeleed
waxaana ilaa galabta jiidaasi colaaadu ka soo cusboonaatay u
qulqulayey gurmad xoog leh xukuumadu u dirtay oo ciidan iyo guurti
odayaal ahba leh .
Wixii ka soo kordha dagaaladaasi wararkayaga danbe kala socda .
Gabileynews
|