Dagaallo ka soo cusboonaaday degaanka
Ceelbardaale

 

Warar Xogogaal ah oo ku dhaw dhaw deegaanada dagaal ku dhacay ayaa She egay in Laba Sahan oo ay kala direen labada ciidan beeleed isku dheceen, halk aasi oo ay ku dhaawacmeen Seddex ka mid Ciidan beeleedka Gabiley......

Gabiley (Longlivesomaliland News)- wararka naga soo Gaadhaya Deeganada Ceelbaradaale ayaa sheegay in Saaka isku dhac ciidan ku dhexmaray halkaasi labada Beelood ee ku muransan Lahaansha Deegaanka Ceelbardaale.

Warar Xogogaal ah oo ku dhaw dhaw deegaanada dagaal ku dhacay ayaa  She egay in Laba Sahan oo ay kala direen labada ciidan beeleed isku dheceen, hal kaasi oo ay ku dhaawacmeen Seddex ka mid Ciidan beeleedka Gabiley, kuwaasi oo ay noo xaqiijiyeen Dhaawacooda Dad ay Qaraabo yihiin oo aanu la xidhiidhnay.

Dhinaca kale Masuulyiinta Labada Dhinac ee Shaqaaqadu ka dhexayso oo  ay Longlivesomaliland News  la xidhiidhay ayaanay noo suuro galin inaanu ku hel no khadka telephone-ka.

Ilaa hada lama oga khasaaraha Dhabta ah ee uu gaystay Dagaalkaasi balse  w arar kale oo aan lagu kalsoonayn ayaa sheegaya in khasaaruhu intaa ka  bad an yahay.

Dagaalkan Saaka ayaa waxa uu ka dhacay meelo ka mid ah deegaanada  Ceel bardaale oo ay ka mid yihiin meesha magaceeda la yidhaa Baysaaray.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Shabakada Wararka ee Longlivesomaliland News


 


Weriye Nimcaan Dheeg
Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomliland.com
Gabiley Somaliland