Dagaalka
qabow ee Udub Iyo
Kulmiye
Taariikhdu way soo noqnoqotaa, nabsiguna wuu gaatamaa-(Sahan shalay,
maantana Kulmiye).
Qofka siyaasiga ah oo doonaya inuu ku guuleyto dorashooyinka, ama
doonayaba inuu meel dheer ka gaadho siyaasadda waddanka wuxuu u
baahanyahay inuu fahmo hadba xaalka siyaasadeed meesha uu marayo.
Waxaana muhiim ah inuu darso taariikhdii hore iyo sida guusha lagu
gaadho, ama lagu seego. Waxaa noo muuqata in xisbiga Kulmiye
siyaasiyiinta hogaanka u haya ay innaba ha yaraate diyaar u ahayn
inay darsaan dariiqii iyo taariikhdii dhaweyd oo keentay in Dahir
Rayale kaga guuleystay doorashoonkii madaxtooyada ee nasoo dhaafay.
Khilaafka soo kala dhex-galay madaxda Xisbiga Kulmiye oo u sii
siqaya inay u kala jabaan labo garab oo mid waliba sheeganayo inuu
yahay hogaanka sharciga ah iyo jileyaasha dibeda ka hurinaya iyo
cidhibta dambe ee arrinkan, waxuu na soo hordhigay
taarikh-nololeedkii Ururkii Sahan iyo dariiqii ay mareen
Sanadkii 2002 bilowgiisii ayaa rag door ah oo u badnaa labeenta
aqoon-yahanada S/land (dhakhaatir, injineero, garyaqaano, iwm) ayaa
waxay aasaaseen ururkii ugu horeeyey ee dalka lagaga dhawaaqo
(S/land Islamic Party) oo Dr. Gabose Gudoomiye ka ahaa.
Wuxuu Ururku si fudud ugu baahay dhamaan gobolada dalka, wuxuuna
hantay quluubta dadweynaha maadaama uu iftiiminayay boogta iyo xalka.
Yididiilahaasi wuxuu u soo jiiday ururka inay ku soo qulqulaan dad
badan oo doonayay inay ku soo biiraan.
Si loo ballaariyo madasha Ururka, shirar ka dib wuxuu u
dhalan-rogtay Ururkii Sahan. Waxay mas'uuliyiintii ururku isku
raaceen in mudo aan ka badnayn seddex bilood la qabto shirweynihii,
si rasmi ahna loogu doorto hogaanka ururka. Waxa ku soo biiray
ururkan xubno faro badan oo can ahaa, oo Cigaal ay is qabteen,
shaqadiina uu ka eryay, sida Cli Warancade, Muse Biixi, Ismaaciil-yare,
Abiib-timacade, Ina Skeerso, iwm.
Waxa xusid mudan inaan waqtigaas dalka aanay ka jirin ururadii Udub,
Ucid, Kulmiye, Asad iyo Hormood toona. Wuxuu ururku ku ahaa keligiis
saaxada isbedelka, waxaanu inta u hirgeleyo shirweynaha sii dooranay
in Prof. Maxamed Cumar Jiir si ku meel gaar ah u sii wado hawla
maamul ee ururka.
Cigaal waxa galay werwer kolkuu arkay quwada ururka iyo raga
miisaanka leh ee isku aruursaday, balse dadka qaar baa u bixiyay "cadho
aruurtay" oo ay ula jeedeen rag Cigaal ay is-qabteen balse aan wada
shaqayn karin.
Mudo ka dib waxa abuurmay Ururada Kulmiye iyo Udub, iwm., Cigalna
wuu geeriyooday. Waxa saaxada soo galay Rayale iyo Silanyo, labaduba
waxay u gacan haadiyee xubnihii ay isku ficnaayeen ee Sahan ku jirey.
Waxa ka dhex abuurmay gudaha Sahan khilaaf salka ku hayay in aanu
qabsoomin shirweynihii Sahan, maadaama ay raga la soo taabtay u
arkayeen in aaney ku guuleysaneyn jagooyiinkii ay doonayeen.
Waxuu Rayaale adeegsaday Cali Waran-cade, Ismaacil-yare iyo Abiib
timo cade oo loo balan-qaaday xubno wasiiro, hadii ay ku guulaystaan
burburinta Sahan. Waxa Rayale laga dhaadhiciyay in HY, hadii ay
waayaan musharaxooda aanay codka siindoonin Silanyo iyo Calancas ee
isagu uga dhawyaha.
Wuxuu Silanyana adeegsaday Muse Biixi, Ina Skeerso, iwm,oo ayakana
loo balanqaaday mustaqbalka xilal hadii Kulmiye adkaado, ayna soo
burburiyaan Sahan. Waxa Silanyo ku kalsoonaa in hadii musharax HY
aanu jirin in codka Isaaq meel wada maridoono oo ah isaga. Sidaana
wuxuu ururkii Sahan u kala jabay labo garab oo midkood doonayay in
laga guuro Sahan oo loo dhigo rogto Kulmiye iyo Udub, Garabka kalena
doonayo inuu ururku sii jiro oo ay qaataan cidii ku soo hartaa.
Waxa ururkii Sahan ku dhacay dagaal labo geesood ah oo culus, waxay
xubnihii Sahan gudahooda isla gaareen gacan ka hadal. Waxay isu
bedeleyn waraabayaal meel lagu wada xidhay oo aan isu tudhayn,
dadweynihiina waxay isu bedeleen daawadayaal suga bal wuxuu ku
dambeeyo Ururku.
Waxa is-muquunin faraha lagaga gubtay ka dib, soo shaac-baxday inuu
garabkii taageersanaa Dr. Gabose yeeshay gacanta sare ee hanashada
ururka. Balse subaxdii dambe la keenay waraaq (Muse Biixi iyo Cali
Waran-cade) oo uu u soo fududeeyay Rayaale oo ka timid Gudoomiyahii
Maxkamada Sare, Mr. Saciid-gacanlow ee odhanaysa:-
"Kala jabka ku yimid ururka Sahan iyo khilaafkooda sii xoogaysanayaa
wuxuu halis ku yahay nabadda iyo xasiloonida, sidaa awgeedna waxa la
hakiyay hawlihii Urur Siyaasadeedka Sahan ilaa inta ay maxkamada
horteeda ku kala baxaan ee go'aan laga gaadhoyo".
Halkaana waxa lagu burburiyay Sahan, xubnihii la soo taabtayna waxay
ku kala biireen Udub iyo Kulmiye. Xubnihii Sahan ku soo hadhay waxay
qabsadeen shir looga dan lahaa in la sii wado hawlihii ururka, Dr.
Gaboosena gudoomiye u noqday, balse Komishankii iyo Maxkamadiiba
diideen inay aqoonsadaan ama shirweyanaas inuu sharci ku qabsoomay.
Sahan waxay noqdeen garab mintid hadhiwaayay, wuxuu dagaalkaasi ku
dhamaaday in la curyaamiyo ololihii.
Wuxuu arinku sidaa u jiitamaba waxay komishankii iyo maxkamadiiba
aqoonsadeen in Ururku sharci yahay, kana qaybqaadan karo ololaha
doorashooyinka ayadoo ay ka harsantahay labo usbuuc oo keliya
waqtigii loo dareeri lahaa santuukha codbixiyeyaasha, bacdamaa ay ku
kalsoonaayeen in aanu joogno waqti "Ciyow gabal ka dhacay".
Tartankii iyo dadaalkii Sahan wuxuu noqday mucjiso inay keenssn tiro
lama filaan ah oo aan ku soo baxaan Xisbiga sedexaad, balse markaana
si cad oo hada Xubno ka mid ah komishankii Hore, waqti ay
cadhaysnaayeen, cadeeyeen in si kas ah loo reebay Ururkii Sahan.
Maanta iyo xaaladda Kulmiye
Waxa la yidhi "labadii xaq-darro ku heshiiyaa xaqay ku coloobaan".
Waxay xukuumaddu ku hawlantahay sidii Kulmiye looga dhigi lahaa labo
garab oo is-barbar yaaca oo mid waliba yeesho musharaxiintiisa
madaxtooyo oo isku qabqabsaday Komishanka hortiisa, isku
dacaayadeeya warbaahinta, kuna dhamaato arinkoodu inay maxkamad isla
galaan, taasoo ku noqota caqab lagu carqaladeeyo hawlihii kambayn ee
Silanyo, murankaas oo jiitama ilaa iyo inta waqtigu cidhiidhi ku
noqdo, hadii la doonaba hadhow ha loo xukumo Silanyo aakhirke,
isagoo ah "ciyow waagii ku baryay".
Waxaan filayaa in hantida lagu burburinayo Kulmiye inteeda badan uu
bixindoono Rayale.
Sawirka noocaas ah ayaa soo iftiimaya, khilaafka Kulmiye dhexdiisa
ahina wuu qotodheer yahay, ayaan darradu waxa weeye, cadawga ugu
weyn ee Kulmiye maanta ma aha Rayale ee waa Kulmiye dhexdiisa.
Caqliga suuban wuxuu keena wanaag iyo dariiq wanaagsan, Kulmiye
madaxdiisu waxay u baahan yihiin iney ka laabtaan wadiiqadaan
qalloocan oo ay qaateen, haddii kale waxay ku dambeyn doonaan meel
ka duwan meeshey filayeen.
East Africa Policy Institute
www.eastafricapi.com
info@eastafricapi.com
|