Dagaal Siyaassadeed Qadhaadh oo ka Dhex Qar xay Xoghayaha Cusub ee Xisbiga UDUB Iyo Xubno ka Tirsan Wassiirada Xukuumad

 

Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow xarunta dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro dagaal siyaasadeed xoogan oo ka dhex qarxay Xoghayaha cusub ee xisbiga UDUB iyo xubno ka tirsan golaha wassiirada ee xukuumada madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Kaasi oo la sheegay in uu salka ku hayo Kalsaarista Hawlaha xisbiga UDUB Iyo masuuliyada wassiirada xukuumada oo isku mulaaqmay, taasi oo la sheegay in uu xoghayaha UDUB Jaamac Yaassiir Faarax uu ku dooday in hawsha xisbiga loo daayo isaga iyo hawladeenada kale ee UDUB, hasa yeeshee dooda xoghayaha ayaa la sheegay in ay ka cadheeysiisay qaar ka mid ah Wassiirada xukuumada oo aany arintaasi ka farxin.

Xoghayada Guud ee Xisbiga Mr Yassiin Faarax ayaa waxa kaloo wararku tibaaxeen in uu Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ka dalbaday in wasiiradiisu ku eekaadaan habsami u socodsiinta hawlaha wassaaradahooda, isla markaasina hawsha xisbiga UDUB loo gacan baneeyo masuuliyiinta kala sareeya ee xisbiga UDUB si looga shaqaysiiyo hawlwadeenada xisbiga iyo xarumahooda.

Hasa yeeshee wararku may xaqiijin in Madaxweyne Riyaale soo jeedinta Xoghayaha aqbalay iyo inkale, balse waxay hoosta ka xariiqeen in soo jeedintaasi ka cadhaysiisay qaar ka mid ah golaha wassiirada ee Xukuumada Madaxweyne Riyaale iyo shaqsiyaas ka ag dhow xarunta madaxtooyada Somaliland, oo iyagu caan ku ahaa ololaha xisbi xaakimka UDUB.

Dooda Adag ee la sheegay in ay ka dhex aloosantah Xoghaye Jaamac Yassiir Faarax Iyo Wassiirada qaar ayaa ku soo beegantay xili uu wadanka ka bilaabmay hirdan siyaasadeed oo culus kaasi oo u dhexeeya Asxaabta mucaaradka ah iyo Xukuumada Madaxweyne Riyaale oo Adeegsanaysa Golaheeda Wassiirada,

Sidoo kale Dagaalkan Siyaassadeed ee u dhexeeya Masuuliyiinta ugu sareysa Xarunta dhexe ee UDUB Iyo Wassiirada Qaar ayaa warar aan si rasmi ah u soo shaacbixin sheegeen in ay sababtay in warbaahinta la soo gaadhsiiiyo War-saxaafadeed la sheegay in uu ku Sexeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Balse la sheegay in ay qoreen shaqsiyaad farta lagu godaayo kuwaasi oo qaarkood Wassiiro yihiin

Warsaxaafadeedkan oo Wiigan gudahiisa laga sii daayay warbaahinta Dawlada Iyo ta Madaxa banaanba ayaa nuxurkiisa ugu weyni xanbaarsanaa aflagaadooyin ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Aflagaadooyin Beelaysan Iyo Xabaalo Faadhis

Taasi badalkeedana waxa dad badani Warsaxaafadeedkaasi ku tilmaameen mid aan u muuqan Aragtidii laga haystay Xoghayahan Xisbiga UDUB oo dad badani qabeen in uu ka aragti duwan yahay odhaahdii lagu yiqiinay Siyaassiyiinta UDUB u ololaysa, Sida ay sheegeen


Isla markaasina waxa wararka qaar sheegayaan in Warsaxaafadeedkaasi ahaa mid ay qoreen Shaqsiyaad kale oo ka mid ah Xukuumada Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo Qaarkood wassiiro yihiin, ujeedadiisana wax ay ilo-xogogaal ahi ku tilmaameen in uu qayb ka yahay is-mariwaaga Wassiirada Qaar Iyo Xoghayaha haatan ka dhex taagin

Ka faaloodayaasha arimahni qaarkood ayaa Warsaxafadeedkasi ku tilmaamay mid uu Gacantiisa ku qoray Xoghaye Yaassiin isla markaasina ay qayb ka ahayd is muujintiisi ugu horeysay ee uu Madaxweyne Daahir Riyaale uu ugu muujinaayay in uu la mid yahay ragii hore u sheegan jiray in ay kaga gudban yihiin mawjadaha mucaaradka, hasa yeeshee nuxurka odhaahdii uu xanbaarsanaa muujinayso miisaanka siyaassadeed ee Xohayaha Cusub ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaassiin Faarax

Si kastaba ha ahaatee wararka qaar waxa ay sheegayaan in xalinta khilaafaadka iyo kala saarista hawlaha wassiirada iyo Xoghayaha UDUB logu balamay in laga kulmo ka dib soo laabashada Weftiga Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo ku maqnaa Gobolada Bari

Arimahani ayaa sii kale waxa ay ku soo beegmayaan xili uu dalka ka jiro muran siyaassadeed oo qalafsan, isaga oo Xisbiga UDUB La daalaa dhacaaya mowjadaha siyaassadeed ee ka soo burqanaaya dhinaca Labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee KULMIYE Iyo UCID
 

 


Somaliland.org