Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Saaka iyo  Galabta mar kale ka bilaabmay Ceelbaradaale


Hargeisa (Longlivesomaliland news)-Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalkii  Sa aka iyo Galabta ku dhexmaray Deegaanadii Shaqaaqadu ka taagnayd ee  Cee lbardaale labada Beelood ee Beesha Borama iyo Gabiley ayaa Sheegay in  Lab ada Dhinacba Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba lihi soo gaadhay.

Wararka naga soo Gaadhaya Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal in Caawa dhakhtarka wayn ee Magaalada Borama la keenay Shan (5) nin oo  dha awac ah oo mid ka mid ah Dhaawaciisu halis yahay oo Xabadi Dhafoorka kaga taal. warar kale oo lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay Jiida hore ee  Daga alka ayaa Sheegay in Ciidan Beeleedka Borama ay ka dhinteen laba ruux oo lagu aasayo Magaalada baki caawa, kuwaasi oo ay Noo xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Ciidan beeleedka Borama.

Dhinaca kale wararka Naga soo gaadhaya Gabiley Xarunta Gobolka Gabiley  ay aa sheegaya in Laba Ruux lagu Dilay Dagaalkii Galabta mar kale ka bilawday deegaanada Ceeriga iyo Seemaal, warku waxa uu intaasi ku darayaa in Seddex ruux lagu dhaawacay Dagaalkii Saaka oo mid ka mid ah Gacantu go,antahay, wararkaasi oo ay Gabiley news u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonayahay oo ku  dha w dhaw deegaanka Shaqaaqadu ka taagantahay, ku waasi oo noo sheegay Magacyada Dadka ku dhaawacmay iyo labada ruux ee ku dhintayba, balse  na ga Codsaday inaan la shaacin Magacyada Dadkaasi.

Dagaalka Ceelbardaale ka dhacay saaka ayaa bilawday Subaxdii hore  waxaa nay wararku sheegayaan in Dagaalkii saaku joogsaday 10:00AM subaxnimo balse galinkii danbe ee maanta dib uga bilaabmay Deegaankaasi, kaasi oo  joog saday sida wararku sheegayaan 5:00 PM galabnimo.

Shabakada Wararka ee Gabiley News ayaa u kuur gashay si ay u hesho Xoggo dheeraad ah oo ku saabsan Inta uu leegyahay Khasaaraha uu sababay  Daga alka maanta iyo Waxa sababta Dhalisay Dagaalka dib uga bilaabmay saaka Deeganada Ceelbardaale ayaa waxa aanu la xidhiidhnay Labada Dhinac ee Ku murunsan Deegaanadaasi ku waasi oo Gabiley News u sheegay warar is  bura nay oo dhinac waliba sheeganayo in isaga lagu soo duulay. Balse lama cadayn karo Sababta rasmiga ah ee keentay Dagaalkii Saaka.

Wararka la isla dhexmaray Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ayaa sheegaya in uu khasaaraha Dagaalkii maantu intaa ka badanyahay, kuwaasi oo  sheega ya in labada dhinacba Dhaawac farabadani jiro balse aanu jirin warar rasmi ah oo sheegaya inta uu leegyahay Khasaarahaasi. Ciidan beeleedyada Maanta ku dagaalamay Deegaanadaasi ayaa wali isku horfadhiya Deeganada Seemaal iyo Ceeriga iyada oo laga Cabsi Qabo in Dagaalku ku sii fido deegaankaasi.

Wixii warar ah ee ka soo Cusboonaada Dagaaladaasi kala soco Shabakada Wararka ee  Longlivesomaliland News

 


Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Somaliland