Dagaal Ka Dhacay Beriga Oog Oo Ay Ku dhinteen 4 qof, 7 kalena Ku
dhaawacmeen
OOG (TNN):- Afar qof ayaa ku dhintay, halka todoba kalena dhaawacyo
kala duwani soo gaadheen, ka dib markii maanta iska hor imaad
hubaysani ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanka God-heeri
oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Wararka ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa sheegaya in 7 qof ee ku
dhaawacmay ay afar ka mid ah dhaawacoodu culus yahay isla markaana
caawa la geeyay cisbitaalka guud ee magaaladda Caynabo oo isla
caawaba looga sii gudbiyay cisbitaalka Burco, halka sadexna kalena
la soo weriyay in dhaawacoodu sahlan yahay oo aan wali laga soo
qaadin jiidii iska hor imaadku ka dhacay.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in shaqaaqadani ay salka ku hayso
muran Ceel biyood iyo dhul oo u dhaxeeya labadaasi ardaa oo ah wada
degan deegaankaasi.
Ciidammadda qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay bariga dalka ayaa
la sheegay inay gaadheen jiidii dagaalku ka dhacay isla markaana la
kala dhex dhigay labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay.
Wararka ka imanaya deegaanka ayaa shabakadda Timacade News u
xaqiijiyay in gurmad kala duwan oo iskugu jira xukuumadda
Somaliland, Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale ay caawa illaa galabta
u baxeen deegaanka dagaalku ka dhacay si ay u joojiyaan colaada
halkaasi ka aloosan.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|