Dadyahoow Iska Jira Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye

 

Waxa dhammaan dadku akhristeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waraysigii ay ka qaatay Ogaal intii aanu ka soo bixin Jamhuuriyadda Somaliland.

Waraysigaa oo lagu weydiiyey ma aqbali doontaan haddii doorashada la idinka helo, maxuu ku jawaabay Guddoomiyuhu, waxa uu yidhi haddii si sharci ah nalooka helo waa aqbalaynaa haddii kale se waa ku dagaalamaynaa.

Haddaba hadalkaas ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waa arrin halisteyda leh oo loo baahanyahay inaanu xisbigaas dagaalka ku baaqayaa aanu qax iyo barakac ku ridin shacabka somaliland dibna u celin geeddi socodka qarannimo.

Waxa hubaal ah in xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyihiisu odhan doonaan nala kama helin doorashada ee waa lagu shubtay si ay sabab ugu helaan dagaalka guddoomiyuhu diyaarinayo ee uu hadda u soo baxay si uu dagaalkaa kharash ugu helo.

Waxa shacabka Somaliland ka dhergsanaa in Guddoomiyaha Kulmiye ku doodi jiray arrinta khilaafka siyaasadeed ha la geeyo Guurtida iyaka oo kharash badan iyo hawl badan geliyey arrinta Guurtida, hasa yeeshay markay soo baxday waxaanu jeclaysan uu diidmo qayaxan ku diiday.

Haddaba dayahow miyay idinla tahay inuu siilaanyo aqbali doono haddii lagaga badiyo cod xalaal ah oo muuqda, waayo kii guurtidaba waa kii diiday markii horena lahaa waan aqbalay.

Waa In shacbiga somaliland keenaa talo la isaga durkinayo xisbiga dagaal oogaha ah ee raba inay somaliland la mid noqoto somalia.
Talada ugu habooni waxa weeye iyada oo cod aanu filayn lagaga badiyo si loo fogeeyo inaanu marmarsiinyo helin, waa in lagaga badiyaa cod aan ka yarayn Konton kun.

Labada xisbi ee kaleba waa ka macquulsan yihiin Kulmiye iyo Hogaankiisa, Ucid iyo Uduba waxa muuqata in lexejeclo badan ka hayso dadka iyo dalkaba.

Somaliland Guul
Alla ha ka qabto waxii dhibtayda wada.
 

 


Mohamed Abokor Ali

warsame23@hotmail.com
Hargeysa Somaliland