Dadwaynaha Wajaale oo Wacad ku maray In Jawaab Cawaaqi bkeeda aan la mahadin ka qaadi doonaan Haddii aan Faraha laga Qaadin Taliyaha Degmada Wajaale ee lagu Xidhay Darajadiisa.

 



Qaar mid ah Madax dhaqameedka Degmada Wajaale iyo Ganacsatada oo Timaacde news la soo xidhi idhay ...


Wajaale (TNN):- Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Wajaale oo illaa maanta hadal haya Dhacdadan ugubka ah ee la kulantahay Taliyihii Saldhiga Degmada Wajaale oo Xukuumadu ku Xidhay Xarunta Birmadka ee hargeysa.

Taliye Muxumed Cumar Suldaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii ururkii SNM isla markaana ka mid ah Xubnaha Sida wayn looga Qadariyo Deegaanka Gabiley ayaa Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Damac ka galay 3 Xidigood oo lagu maamuusay maalintii gudida qiimaynta Darajooyinka ciidanku bixinaysay, taasi oo Taliyaha Qaybtu ku amray in uu soo celiyo hal Xidig oo ka mid ah Darajooyinkaasi.

Qaar mid ah Madax dhaqameedka Degmada Wajaale iyo Ganacsatada oo Timacade News la soo xidhiidhay ayaa Sheegay in Xukuumaddu Dusha uridan doonto waxa Soo Gaadha Taliya Qaybta Gabiley iyo Guud ahaan Amaanka Gobolkaba haddii Faraha laga qaadi waayo Taliyaha loo Xidhay Darajo lagaga noqonayo.

“ Waa Badheedh cadaan iyo Kibir lala beegsanayo Madaxda iyo Mujaahidiinta Gabiley, waa Talaabo xukuumadu ka danbayso oo ay ku doonayso inay bahdisho shaqsi walba oo sumcad ku dhex leh bulshada oo deegaankan ka soo jeeda, waa dhacdo la mid ah tii lagu xidhay Wasiir abiib timacad isaga oo Xil u haya Xukuumada Somaliland, waa dhacdo marwalba lagula kaco dadka ka soo jeeda deegaanka Gabiley oo xukuumadu ku doonayso in ay Sharafta iyo Sumacada kaga qaado sidaa awgeed waa in fiiro gaar ah loo yeesha Hadimooyinka joogtada ah ee lagu hayo madaxda Gabiley, tii boobe ayaa la ogaa oo tii abiib ku dhacday ayaa la ogaa oo tii Mujaahid haybe oo gabay tiriyay lagu xidhay baa la ogaa, maantana ma taliye lagu haysto darajadii la siiyay oo waliba xabsi ku mutaystay ayaynu daawanaa, waa doqoniimo inteed leeg ayaan filayaa waxa danbe ee la inagu dayaa” sidaa waxaa yidhi Mawliid Yuusuf oo ka mid ah odayaasha Deegaanka Wajaale.

 



Timacade News desk
Tog-wajaale,Somaliland