Dadwaynaha iyo Ganacsatada Tog-Wajaale oo Soo Dhawee yay Xil Ka Qaadista Wasiirka Arimaha Guduhu Xilka Kaga Qaaday Gudoomiyaha Tog-Wajaale Cod Sadayna In Ku Xigeenkana La Raaciyo
 


Tog-wajaale (TNN) :-Ganacsatada iyo Dadweynaha kunool Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa,siweyn usoo dhaweeyay talaaba da uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade xilka kaga qaadey Gudoo miyihii Degmada Tog-Wajaale Cabdi Saleebaan talaabadan oo kusoo beegantey wakhti ay mudo lix bilood ah dhabana hays ku aheyd shacbiga Tog-Wajaale kunool sida uu Maamulkiisa ahaa iya doo ay ka muuqatey aqoon la,aan badan oo hogaanka nidaamka dawladnimo ka aradan.

Inkastoo Ganacsatada iyo Dadweynaha Reer Tog-Wajaale la yaabanaayeen sida ay Xukuumada iyo Wasaarada Arimaha Guduhu ugu aamintey Maamulka Degmada Tog-Wajaale Gudoomiyahan ka aradan aqoonta iyo Maamulka dawladnimo labadaba hadana waxa ay dad badani aaminsan yihiin in markii hore loo qariyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xukuumada labadaba haseyeesh ee, ay banaanka usoo baxdey fadeexado iyo ceebo ku gedaaman nidaamka maamulkiisa taas oo sabab u noqotey siweyn loogu hambalyeeyo xilka qaadista lagu sameeyay iyagoo codsi kale ka ga dalbadey Wasiirka Daakhiliga in la raaciyo Gudoomiye Kuxigeenkiisa o isaguna dhibaato bad an ku hayey Shacbiga Mudooyinkii u dambeeyay gaar ahaana, dhinaca dhulka oo lacago badan laga qaado Ganacsatada iyo Shacbiga taas, oo aan ka jirin guud ahaanba dalka intiisa kale.


Mudadii Yareyd ee uu Xilka hayey waxa uu ku kacey talaabooyin qeyra sharci ah islamarkaana, ka baxsan dhaqanka Wanaagsan iyo Haybada Maamulka dawladnimo,waxa uu albaabada u xidh ay oo uu gacantiisa ku qufulay Meherad Ganacsi oo ka furan Gudaha Magaalada Tog-Wajaale, w axa uu ka dalbadey Ciidanka Booliska Tog-Wajaale in loo xidho qof kasta oo ay maalin ku kulmee n kalmad hadal ah waxa uu taxaabay dhamaanba birimageydadii iyo dadkii Reer Tog-Wajaale G ancasato iyo Duqeyba waxa uu bilaabay dhulboob iyo arimo badan, oo kale todobaadkii u damb eeyay waxa uu dhul ku qabsadey Jaamac Mulkiilaha Tuyuub, Wxaa uu dhawaan taxaabay Ganca sade Cabdi Yuusuf Daahir bilaa sabab waxa ay isnaceen Ciidanka Booliska.

Taasina ay Tahay Mid uu intabadan Ku Dhiiri Galin Jiray Gudoomiyaha Ku Xigeenka Wajaale Mur sal Nuux Waxayna inta Badan Bulshadu Sheegtaa in uu Sumcad Xumadaasi Ka Danbeeyay Gudo omiye Kuxigeenku Jeclaayeena In La Raaciyo oo isagana Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo.

Waa markii u horeysay ee ay wadajir usoo dhaweeyaan Ganacsatada iyo Shacbiga Tog-Wajaale xilka qaadista Gudoomiye soo mara Maamulka Tog-Wajaale Balse Su,aasha Iswaydiita Le ay Tah ay Gudoomiyaha Cusub ee Aadan Shiine Ma La Shaqayn Doonaa Gudoomiye Ku Xigeenka Dagm ada Tog Wajaale Madama uu Hore u Masibiday isla markana ka Danbeeyay Xil Ka Qadistii Hore L oogu Sameeyay .
 

 

 

Xigasho: Gabiley News