Dadku waa
Isku Dhoone Ha dhamaado takoorku
Akhriste munaasibadan oo si heersare ah loo soo
agaasimay oo ka dhacday Hotel Maansoor, wa xa lugu
daahfurayey akaadamiga
Madal caways oo xanbaarsan daahfurka akaadamiyada ADEM
iyo soo bandhigida ruwaayad murti badan iyo macno badan
xanbaarsan oo la magac baxday “Dadku waa isku dhoone ha
dhamaado takoorku” oo uu curiyey abwaan Axmed aw geeddi
“Dheeraad” islamarkaana ay matalayeen dha lin Ilaahay
hibo u siiyey qaabka wax loo matalo iyo sidoo kale
dareensiinta bulshada waxaa ay ka helayaan macanaha iyo
miisaanka ay xanbaarsantahay iyo waliba sida ay muhiim u
tahay in buls hada looga dhaadhiciyo.
Akhriste munaasibadan oo si heersare ah loo soo
agaasimay oo ka dhacday hotel Maansoor waxa lugu
daahfurayey akaadamiga horumarinta waxbarashada dadka la
haybsooco oo loo bixyey ma gac aad u soo jiitay
dadka oo dhan oo ahaa ADEM, Waxaana halku dhig u ahaa
dhamaanteen ila ma bini aadm ayaa aynu nahay
Adem-na waxa laga sameyey Ciid. Runtii waxay ahayd
munaasib ad aad u qiimo badan waxaana ka soo qaybgalay
dad faro badan oo ka mid ah haldoorka Umadd an
Jamhuuriayda Somaliland.
Hadaba maxay ahayd Dadku waa isku Dhoone Ha dhamaado
Takoorku?!!!!!!!!
Sidaad ka garnkarto
magaca ruwaayda waxa aya hayd ruwaayad xanbaarsan macno
badan iyo akhlaaqiyaad faro badan, Maxaa yeelay qofka
damiirka lihi waxa uu si fiican u dareemayey isaga oo ka
galiilyoonaya dhibta lagu hayo dadkaa walaalaheena ee
aynu nahay isku diinta, dhaqanka iyo dadnimadba ee aanay
jirin hadaan halkaa wada marno wax aynu ku kala
duwanahay. Ta akhl aaqda waxa ka madhnaa music iyo
qaawanaan kaleba waxaanay ahayd ruwaayad asturan oo
ha bdhaqan fiican ka muuqdo waxxaabad moodaysay in culmo
aw diin ay matalayso iyo-da oo maca nheega guudna
ahaa xagga guurka kaas oo ah waxa koobaad ee dadka la
haybsooco lagu tako oro, waxaana dhacaysa in
inanaka iyo gabadha ruwaayada aktariinta u ahaa oo midna
gobooye yahay midna duriyadaha kale yahay ay is
jeclaanayaan sheekoo dheer ka dibana ay doonayaan in ay
isguursadaan marka ay u soo badhigaan faamaligii inanata
oo ka kooban hooyo, aabo iyo walaalkeed, Ayaa inankii
gabooye waxa uu u imanaya inantii aabheed ka dibna marka
uu arintii u sheego ayuu odaygii oo yaaban inankii ku
odhanayaa bal orodd aan dib iskugu noqonee, Waxaanu u
yeedhayaa inantiisii ninka la soo heshiisay ee Badheedha
waxaanay aabaheed ku qancianaysaa in ay ninka markay
eegtay karateeriyadii nin looga baahnaa oo dhan in uu si
xadkii loogu talo ga lay ka baxsaan uu u
dhaafiyeye uuna qancieyey, kadibana waxay aabheed ku
qancisay in uu iska dhaafo qabiilka uu yahay laakiin ay
doonayso in ay inanakaasi uu noqdo caruurta aabhood
calas haan ninkeedii, inanta aabaheed waxa uu ahaa nin
sheekha waanu aqabalay waayo dadka oo dhan inay ilma
bani’aadam yihiin ay xasuusnaa, inantiisiina waa uu
bixiyey, maadaba uu diinteena suuban ee islaamkana si
fiican u yiqaanay.
Ka daroo dibi dhala waxa safar ka timid hooyo Budeeya
iyo wiiilkeegii, gurigii makray imaadeen w aaba
loo bushaareeyey, mashxarad iyo farxad ayey la
boodboodeen, Ilayn waa Soomaaliye wax ay la soo
booday xaaji inanta ma reer abtigeed mise de duriyadeeda
ayaa inaga guursaday, ka diba xaajigii waxa uu ugu
jawaabay midna, markaasay tiri dee xaaji kolay inanteenu
waa baxsane hablaha badh bay dheertahee waa ayo cida
inaga guursatay hadayna labadaa midna ahayn,Wa
xaanu si dagan oo kalsooni badani ka muuqato u yidhi
xaajiyo waa Gabooye
markaasay tiri yaa yaa !!!!!! oo xaaji ma naanaysta
inankaa, May xaajiyo waa qolodiisa
, markaasay tiri hoogay oo ba’ay ma
midgaan baa ......!!!!!
markaasu odaygii yidhi haaaa ,markasay islaantii
waalatay waxa an ay intay kabihii afka ku qaadatay ee ay
magaaladii dhex carartay tiri uuu u......uuu uu..... uu
u Midg aaan!!!
Midgaaan ......
Midgaaaan, markaasay iskala
garnwayday cirr iyo dhul meesha ay jo ogto.
Inakeegii bay u
yeedhay xaaldu cirka ayey isku shareertay walee wixii
meeshaa ka dhacay dad b adan ooye qaar kale galiilyoode
qaarna madax luxay waxay ahayd waqti dadkii qiimaha
lahaa ee madasha fadhiyey qofba uu xaalad gaar aha ku
sugnaado.
Alxamdulilaah calaa
kuli xaal kama danbaystii hooyo
Budeeya , alle soo hadee iyada oo u soo mari yey
xaaji geeda iyo walaalkeed , oo qurbaha ka yimid oo
magaalada u yimid inuu guursado
min y aro Gabooye ah, Aakhrkiina inankii iyo
inantii way is guursadeen , inantii walaalkeedana waxa
uu guursaday inankii seedigii ahaa walaashii oo
Gabooye ah, abtigoodana
guursay minyaro Gabooye ah
,waxaana halkaa ka soo baxay qoys balaadhan oo reer abti
iyo reer tolba leh. Subag Ilaahay halkaasana ay ku
dhamaatay ruwaayadii uu curiyey Abwaan Geeddi Ilaahay
cimriga ha u dheeree ee, dad badana u noqotay cashar.
Yaa salaam sidaas
ayuu kuY imid lagagna gun gaadhay “Dadku
waa isku dhoone ha dhamaado ta koorku” kuwa
danbenna la socda sxb-yaal fadlan hana dhamaado takoorku
afrta cisho ee dunida safarka lagu yahay ilama
bini’aadamoow, Akhirana qof walaba camalkii baa lagu
xisaabin.
Guul iyo Gobonimo
Qalink:Sahra-Kiin
Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Hargeisa Somaliland |
|