Dadba Saxafi Wada Noqay Sallaan Dheerna wada Fuul Siduu Doono Wada
Yeel ( Qaybtii 1 aad, Dood Furan ) !
Waxaan marka hore aad u salaamyaa
dhamaan shacabka reer Somaliland gude iyo dibadba meel kasta oo ay
dunida ka joogan. Waxaan kale oon aad ugu mahad naqayaa warbaahinta
(Saxaafadda) iyo xukuumadihii Jamhuuriyadda Somaliland ee kala
dambeeyay heerka ay soo gaadhsiiyeen guud ahaan saxaafadda oo ah
meel aad u fiican, si kastaba khaladaad ha u jiree xaqiiqdii ah mid
horumar leh lana sixi karo meel wanaagsanna maraya. Maqaalkaygani ma
aha mid aan ku durayo warbaahinta wuxuu se yahay mid kalgacal iyo
walaaltinimo ku salaysan oon kaga hadlayo in la is dhaliilo lana is
toosiyo marka wax inaga khaldanyihiin. Saxaafaddu waa saxaafaddeenni,
suxfiguna waa walaalkeen xukuumadduna waa xukuumaddeennii ee ma aha
tii car juuq dheh ee kaligii taliyihii Siyaad Barre sidaa darted is
toosinta iyo in la is dhaliila ma xumee si xun wax u sheegaa khaldan.
Saxaafaddu waa maadad Jaamicad iyo college loo galo oo Anshax,
asluub iyo xeer adag oo loo qoro leh. Saxaafaddu ma aha qof kasta oo
af Somali bartayba intuu qalin iyo warqad qaato inuu is yidhaa
saxafi baad tahay ee masalaha ku soo bood ! Saxaafadda Somaliland
waxay noqotay jaantaa rogan, xuduud la’aan, anshax la’aan, xeer
la’aan iyo madax bannaanidii saxaafadda oo si khaladan laga
fahamsanyahay, loona turjuntay in saxaafaddu waxay doonaan qori
karaan.
Saxaafaddu waxay leedahay xeer iyo qawaaniin la adeegsado marka wax
la qoraayo . Qormada saxaafaddu waxaa kale oo ay leedahay dariiqad u
gaara ah oo loo qoro weedhaha kana duwan habka loo qooro qoraalada
kale ee sida warqad aad qof u dirayso amaba report aad qorayso oo
kale. Waxaa baryahan dambe lagu celceliyaa saxaafadda xorta ah iyo
saxafaddii madaxa bannaanayd ayaa la cabudhinayaa. Bal hadaba aynu
in is yara wayddiino akhristow micnaha saxa ah ee ka dambeeya
saaxaafadda xorta ee madaxa bannaan. Saxaafadda xorta ah ama
saxaafadda madaxabannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda aan
xukuumadi maamulin sida Radio Hargeysa ama Telefishanka Qaranka oo
kale saxaafadda madaxa bannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda
gaarka loo leeyahay ama kambaniyo leeyihiin. Waa maxay
madaxbannaanidan hadaba sida khaladan iyo xuduud la’aantan laga
fahamsanyahay guud ahan saxaafaddii ? Aduunyadan aynu ku noolahay
wax walba waxaa la daba dhigay xuduud lagu kala socdo iyo xeer lagu
kala baxo, haddaanu xeer iyo xuduud u dhaxeeyaa ka jirin saxaafadda
iyo qaybaha kale ee qaranka waxaa markaa dhici lahayd in madaxaa la
isla wada gali lahaa saxafadina aanay jirteen . Saxaafadda lama
odhan waxaad u tahay xor in waxaad doonto aad qori karto hadaad
joornaal tahay, amaba aad ka mid tahay mareegaaha internetka, lamana
odhan waxaad doonto ku hadal hadaad Television tahay. Dunida dal
walba saxaafadbaa ka jirta, dal walbana xeer iyo xuduud saxaafadeed
oo lagu kala socdo ayaa dabcan ka jira. Taasaana sabab u ah in
saxaafaddu guud ahaan inay yeelato kala dambayn ah soo saare iyo
tafatire IWM. Dalalka reer galbeedka ah ee inta badan
saxaafadeedooda lagu tilmaamo saxaafadda madaxabannaan xeer , anshax
mihnadeed iyo xuduud saxaafadeed bay samaysteen ay ku kala socdaan
kuna kala dambeeyaan.
Dhaqanka Iyo Xuduudka Saxaafadda:
Waxaan jeclahay inaan qoraalkaga ku kobo muhimadda iyo nuxurka ula
jeedada maqaalkan oo ah is toosin iyo in la is canaanto marka laga
leexdo wajiibka saxaafadeed. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa
shabakado ka mid mareegaha internetka ee reer Somaliland ah oo aanan
doonayn inaan halkan ka magacaabo ayaa waxyaabaha ay qoraan oo ka
soo baxay tafatirayaashooda oo run ahaan aad u malaynayso in qofka
qoray iskaba dhaaf inuu mihnad saxaafadeed leeyahaye la moodo
shakhsiyaad ka aradan diintiinii suubanayd , insaanyaddii, iyo
dhaqankii wacnaa ee reer Somaliland, qoraaladana aad ka dheehanaysaa
dhexdhexaad la’aan saxaafadeed, qarad tafatitiraha u gaar ah, nacayb
shakhsi oo aad arkayso inuu masu’uul qaran oo cay iyo aflagaaddo
dusha lagaga tuurayo sidii oo masu’uulkaasii ceeb looga dhigayo inuu
xanuunsanayo oo kale.
Saxaafadda ama saxafiga taba baran waxaa wajib ku ah inuu ku dhaqmo
marka ugu horaysaba daacadnimo uu daacad uu u yahay mihnadda iyo
mas’uuliyadda ka saran saxaafadda iyo qarankaba. Qofka saxafiga ah
ee tababaran wuxuu mar walba ku khasban yahay in uu dhex dhexaad
noqdo oo aanu dhinac u xaglin. Qofka saxafiga ah waxaa wajib ku ah
in uu runta ka sheego dhacdo kasta oo uu soo warinayo, isla mar
ahaantaasna kala saaro dareenkiisa iyo wuxuu jecelyahay, dhacdada
dhabta ah ee jirta ee uu warkeeda soo warinayana inuu siday tahay u
sheego. Maah maah Somaliyeed baa tidhaa “ Gaal Dil Gartiisana Sii !
“ Qofka tafatiraha ah ama saxafiga ah ee u carbisan suxufinimada
waxaa waajib ku ah inuu iska hubiyo wararka uu soo dirayo ama ku
baahinayo warbaahintooda. Qofka saxafiga ah ee uu tababaran
mihnaddiisa waxaa waajib ku ah in uu doonto oo raadsad wararka saxa
ah soona hubiyo xaqiiqadiisa ee aanu mid uu saaxiibkii ka soo helay
soo baahin, waxaa qofka saxafiga ah ka reebban in uu lacag
saxafinimada u adeegsado oo hunguri ama dad uu lacag ka qaatay ku
amaano. Dhakhtarnimadu waa mihnad mushahaaro lagu qaato,
Saxafinimaduna waa mihnad mushar lagu qaato, Duuliyenimadu waa
mihnad waxaan intaas oo tusaale ah uga jeeda mas’uul kastaa
mihnaddiisa wuxuu ka dhowraa anshax xumida kana ilaaliyaa inaanu ka
bixin xayndaabka ay leedahay.
La Soco Qaybta Labaad Wakhti Aan Fogayn, Fadlan Doodanna si
Cilmiyaysan uga soo Qayb Qaado
Barkhad
Axmed Ismaciil
Jamestown, Newyork |
|