Dad Waynaha Hargaysa oo Walaac Xoogan ka muujiyey Falal Amni Daro oo ku Soo Noq-noqday Magaaladaasi.



Hargeysa (TNN)-Welwel iyo cabsi weyn ayaa soo food-saartay badi dadweynaha ku dhaqan  Caasimad da Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan dadka hub-la'aanta socda xilliyada habeenkii, ka dib markii  hab een hore goobo kala duwan oo Hargeysa ka mid ah lagu dilay laba Marxuum oo aan midna waxba geys an, isla markaana ay weerareen Tuugta dadka Baadhata inta badan wakhtiyada habeenkii.


Mid ka mid ah labada nin ee habeen-hore la dilay ayaa Toorri lagu dhuftay u geeriyooday, kaasoo Allah ha u naxariistee xilliga la dilay oo ahayd abbaaro 9:00-kii habeennimo ee habeen-hore marayey  Agaga arka Istaanka Basaska Xaafadaha Calaamadda iyo Maxamed Mooge ka baxaan ee Suuqa ama  Makhaay ada Tayuub horteeda, marxuumkaas ayaa magiciisa la odhan jiray Cabdi Maxamed Cabdillaahi, waxaana Maydkiisa la dhigay qolka Maydka Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Marxuumka labaad Allah ha naxariistee, waxa la sheegay in isagana nabarro halis ah la gaadhsiiyey Saq-badhkii habeen-hore isaga oo marayey agagaarka Dugsiga Gurya-samo ee magaalada Hargeysa, kaasoo wax yar ka diba la sheegay inuu nabarradaas u dhintay, kuwaasoo Niman Tuug loo malaynayaa ku dhufteen. Ciidammada Booliska aannu la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inay dilalkaas wax faahfaahin ah ka bixiyaan.


Oday Cabdi Qodax Cabdillaahi oo Adeer u ah Marxuum Cabdi Maxamed Cabdilaahi, ayaa Wargayska  Har gaisaStar, shalay u sheegay in aanay haynin ciddii dishay Wiilkooda, isla markaanna wuxuu sheegay in Marxuumka la dilay uu muddo badan ku maqnaa dalka Kenya oo aanu halkan (Somaliland), ku bar-baa rin. Cabdi Qodax Cabdillaahi waxa Xukuumadda ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigto gacan-ku-dhiig laha dilka u geystay Wiilka uu adeerka u ahaa oo uu sheegay inaannu waxba galabsan, isla marka anna soo qabashada Ninka falkaas geystay ay tahay Masuuliyadda dawladda. "Addeer geerida naloo  sheeg ay oo ay illaa Xalay (Habbeen-hore), warka Ninka dhintay marba cidi noo sheegaysey, waxa kale oo jiray isla habeenkaa Nin labaad oo la dilay, markaa Marxuumkaa kalena imika waa la gartay, laakiin ma caddayn karo in la helay ciddii dishay, balse waxaannu ka codsanaynaa Xukuumadda inay soo hesho oo ay Masuuliyaddeeda gudato cidda dishay Wiilka Walaalkaay dhalay ee aan waxba galabsan. Wiilka aann adeerka u ahay waxa lagu dhuftay Mindi oo uu u geeriyooday." Sidaa ayuu yidhi Adeerka Wiilka Suuqa Hargeysa lagu dilay mar uu shalay u warramayey Wariye HargeisaStar ka tirsan oo kula kulmay Cusbitaalka guud ee Hargeysa.
 

Dhinaca kale, Warar aannu ka helnay Dad xog-ogaal ah oo la socday dhaq-dhaqaaqa dhacdadaas, ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska oo markii hore ku guul-darraystay qabashada ninka lagu dilay Suuqa  dhe xdiisa, ayaa la sheegay inay xalay Cawayskii gacanta ku soo dhigeen Ninkii falkaas dilka ah geystay, isla markaanna lagu hayo Saldhigyada Booliska Caasimadda mid ka mid ah.
 


Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo gacanta ku qabatay hoggaaminta dalka Somaliland, waxa soo badanaya dilalka noocan oo kale ah ee ay Tuugtu dadka shicibka ah ku ugaadhsanayaan, iyaga oo u adeegsanaya inay Soodhadh, Middiyo iyo  Baangay aal dhaadheer la dhacaan qofka ay baadhanayaan, kuwaasoo dad fara badan qudha kaga jiray ama ku khaarajiyey Faashashka ay ku dhufunayaan, halka in badan oo kalena ay ku dileen ama nafta kaga jareen. Dhacdooyinka noocaas ah ayaa ah kuwo maalinba maalinta ka dambaysa ku soo badanaya Caasimadda Hargeysa, waxaanay sababtay naxdin joogto ah iyo cabsi aan la qiyaasi karin oo soo food-saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada guud ahaanba.

Source HargeisaStar