Dad ku eedaysan Qaraxyadii 29 Oct  oo Maxkamadda la hor keenay

Qaar ka mid ah dad loo xidh-xidhay eedaymo la xidhiidha Qaraxyadii Magaa lada Hargeysa lala beegsaday 29-kii October ee sanadkii tegay, ayaa shala y la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Inakasta oo aan dhegaysiga Dacwaddan loo ogolayn Saxaafadda, aadna loo adkeeyay amniga Xarunta Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dhegays iga dacwaddani ka socotay, isla markaana ciiddan xooggan la keenay, ayaa haddana sida Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal oo waqtigaa ku sugnaa Maxkamadda ay u sheegeen qaar ka mid ah ehelada dadka eedaysanayaa sha ahi, Dadka Maxkamadda la soo taagay ee dacwaddooda la  dhegays anayay, ayaa dhammayd 16 Qof. Iyada oo lagu soo eedeeyay inay siyaabo kala duwan uga qayb qaateen, isla markaana door kala duwan ku lahaayeen Qaraxyadii 29 October ee ay ku dhinteen in ka badan 25 qof, kuna dhaawacmeen 28 Qof oo kale.

Dhegaysiga dacwaddan ayaa inkasta oo muddo saacad iyo dheeraad ku dhaw ka socotay Xarunta Maxkamadda Gobolka Hargeysa, haddana siday dad goob-joogaal ka ahaa dacwaddaasi Ogaal u sheegeen, waxa la qabtay muddo dambe, isla markaana waxa loo ballamay in kulan dambe laysugu yimaaddo.

"Dacwadda waa la dhegaystay, iyada oo dadka lagu soo oogay eedaymo kala duwan, hase ahaatee, haddana dib baa loo dhigay oo waxa loo muddeeyay maalin kale oo toddobaaddada soo socda ah."

sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ehelada la ah eedaysanayaasha qaarkood oo Weriyaha Ogaal kula kulmay Maxkamadda Gobolka markii dhegaysiga dacwaddaa laga soo dareeray.


Ka dib markii ay dhaceen Qaraxyadii lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya ku lahayd Hargeysa iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa 29-kii October ee sanadkii tegay, ayaa tallaabooyin ay qaadday Xukuumadda Somaliland oo adeegsanaysa Ciidamada Amniga iyo Shacabka Somaliland waxay ku xidh-xidhay dad aan tiradooda rasmi ah la haynin. Kuwaas oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen qaraxyadaas.
 



Wargeyska Ogaal