Dabaal dega xuska 18ka oo si aan abid looga xusin looga xusay gobolka gabiley iyo wacdarihii ciidanka milatariga



Kumanaan Kun oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan gobolka gabiley oo labisan astaanka qaran ee calanka Somaliland, ....... Daawo Sawirro Aad U Tirro badan


Gabiley (TNN) Dabaal dega xuska 18ka maya ayaa maanta si layaab leh oo tariikhda gashay looga xusay gobolka gabiley.subaxnimadii hore ee saaka ayey dadwayaha iyo ardeyda kala duwan ee waxka barata magaalada gabiley oo ay weheliyaan ciidama qabka sida ee kala duwan, ayaa kusii qulqulayey dhinac galbeed ee magaalada gabiley, halkaasi oo ay ciidamada iyo ardeydu gaadis ka ciyaar kusamayanayeen.

Kumaan kun oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan gobolka gabiley oo labisan astaanka qaran ee calanka Somaliland, isla markaan ku dhawaaqayey erayo iyo halku dhigyo ay ku taageerayaan qaranimada somailand, ayaa isuga biyo shubtey fagaaraha khayriya ee magaalada gabiley,Waxaa iyaguna halkaasi dhoolatus layaab leh ka sameeyey ciidamada booliska, asluubta, milatariga, oo ay wehelinayeen kumaan kun oo ardeyda waxa ka barata gudaha magaalada gabiley, waxaan iyaguna meesha ka maqneyna ardeyda jaamacada Timada-ade iyo ururada bulshada.

Waxaa iyaguna socda gaadis ah ku marey dhamaan shaqaalaha wasaaradaha ka hawl gala magaalada gabiley iyo shirkadaha isgaadhsiinta dahabshiil, Telesom, Somtel,Masuuliyiinta maamulka gobolka gabiley ayaa salaam sharaf ka qaatey ciidanka milatariga ee gobolka gabiley, waxaney gabogabdii la isku shubiyo shubtey beerta xoriyad oo xaflada balaadhan lagu qabtey.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka Hadley xoghayaha fulinta dawlada hoose c/raxmaan nuur abokor waxaanu ka sheekeeyey dhacdo xanuun badan oo uu goobjooga ka ahaa ,oo lagu xasuuqay walidiin, ardey iyo culimaa udiin, waxaanu dadweyanah ku dardaarmey inay ilaaliyaan qarnimada Somaliland.

Cuqaasha gobolka gabiley oo ay ka mid ahaa yeen jiif caaqil cabdi ciilde amaan , suldaan ibraahin jaamac samater, suldaan xuseen awmuuse cirdin, ayaa dhamaantooda ka sheekeeyey dhibaatooyinkii loo soo marey dib u xoreynta dalka, waxaaney da,yarta ku booriyeen inaya ilaashadaan nabad iyo humarka uu dalku gaadhay.

Maayerka magaalada gabiley shucayb maxamed muue oo hadalkooban ka jeediyey xaflada ayaa uduceeyey mujaahintii dalka u soo halgan tahay , faahfaahin ka bixiyey qiimaha ay wadaniyadu leedahay, bulshada gobolkana ku hanbalyeey sida qiimaha leh ee ay ugu soo baxeen maalinta qaranimada Somaliland.

Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi, waxaanu kudheeraadey ahmiyada ay leedahay xuska 18ka may iyo dagaaladii qadhaadhaa ee lagu xoreeyey dalka jamhuuriyada Somaliland, waxaanu bulshada u baaqay inay ka sheqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

Si kastaba ha ahaate xuska 18ka may ee gobolka gabiley saaka ka dhacay ayaan caruur iyo ciroolaba aan look ala hadhin, waxaaney dadwayuhu digniino u dirayeen siyaasiyiinta socodka barka ah ee xukumada koonfurta somaliya. Goor dhow la soco vedo dhamaystiran oo kusaabsan xuskii 18ka may ee gabiley.
 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland