Ardayda wax ka barata iyo jaaliyada Somaliland ee Dalka Tu rkiga,oo si weyn ugu dabaal degay maalinta Qaranimada Somaliland ee18 May

 

 

Guddoomiyaha ardayda Soomaliland ee dalka Turkiga, ahna Guddoomiyaha guddida qaban qaabad a xuska 18-ka May, Eng. Maxamed Jaamac,ayaa  hambalyo u diray ..............

 

Istanbul ,Turkey (TNN):-Ardayda wax ka barata iyo Jaaliyada Somaliland ee Dalka Turkiga,ayaa m unaasibad si weyn loo soo agaasimay,oo lagu xusayo,laguna weyneynayo maalinta Qaranimada S omaliland ee 18 May,ku qabtay magaalada Istanbul.Guddoomiyaha ardayda Soomaliland ee dalka Turkiga, ahna Guddoomiyaha guddida qaban qaabada xuska 18-ka May, Eng. Maxamed Jaamac,ay aa  ugu horeyn madasha ka hadlay,una mahad celiyey dhammaan muwaadintii xaflada ka soo qa yb galay,dadkii kala qayb qaatay isku soo duba ridka xafladan ,islla markaan hambalyo u diray Ma daxweynaha Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),iyo dhammaan shacbiga Somaliland ee munaasibada maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

 

Dhammaan dadka ka soo qayb galay munaasibadaasi , ayaa ay wajiyadooda ay ka muuqatay far xad iyo sida ay u jecel yihiin dalkooda hooyo iyo xusida  maalinta Qaranimada Somaliland.Waxaa madasha ka hadlay xubno jaaliyada ka tirsan,waxaa kale oo lagu soo ban dhigay ciyaarihii hidaha iyo  dhaqanka.Xafladaasi oo ahayd mid aad u qurux badan, ayaa waxay ku soo gaba gabawday ja wi farxad leh

 



Timacade News Desk
Istanbul,Turkey