Daaweyntii Hargabka-doofaarka oo lagu guulaystey

 

         

Hay'adda Europe u qaabilsan daaweynta (EMEA) ayaa u aqoonsatay  la bada Shariikadood ee Roche iyo GlaxoSmithKline inay daaha ka rogeen soo bandhigista laba nooc oo daawo ah (Tamiflu iyo Relenza). Kuwaa soo si fudud loogu daweyn karo Hargabka-doofaarka.

Cudurka Durayga Doofaarku wuxuu sifudud ugu gudbi karaa sida  Dura yga caadiga ah ay ukala qaadaan Dadku wuxuuse kaga duwanyahay in noocani ukala talaabi karo Dadka iyo Duunyada hadii ay meel kukulmaan ama neeftoodu isgaadho ama isku qufacaan,maadaama Viruska  cud urkani kugudbo nooc mina qidcado yaryar oo xambaarsan Viruska oo hawada raaca

Siyaabaha ugu fudud ee lagaga baaqan karo cudurkani waxba kama duwana sida kuwa dureyga caadiga ah Sida:


Gacmaha oo Biyo dareeraya iyo Saabuun lagu maydho mudo sodon daqiiqo ah.

Inaanad Hindhisada u isticmaalin gacmahaaga iyo goobaha Dadku kula joogo.

Inaanad marar badan isticmaalin hal Masar.

In si waafi ah loo laydhiyo Guryaha iyo weliba Dhismayaasha lagu kulmo..



Calaamadaha lagu garto:

Dareen Xanuun oo sikediso ah kuula soo dersa,

Xumad > 38 ° C iyo qadh-qadhyo isu kaa bedela,

Hindhiso iyo Sankoo kuxidhma ,

Cunaha oo ku xanuuna,

Qufac iyo adoo Neef qabatooba,

Muruqyada,Xubnaha laabma iyo Madaxa oo kuxanuuna.


Sida maqaalkan hoos kuxusan lagu faafiyey Viruska Durayga-doofaarka oo marka loo abtirinayo Virusyada layaqaano kagala nooca H1N1-Virus way adagtahay in cidii iska talaashay Hargabka culus Sanadkii lasoo dhaafay (Talaal cid kasta oo Germany kunooli xaquleeday inay iska talaasho) kudhaco Durayga-doofaarku,maadaama ay talaalkaas kujiro Maado hakinaysa ama baajinaysa inuu kaaxoog badiyo Viruska Durayga-doofaarku.in kasta oo mudo 3 ilaa 6 Bilood guduhood lagu dhaqan gelin doono Talaal u khaas ah Xanuunkan.

Sikasta arinku ha ahaadee waxaa Xanuunkan sidhamaystiran loogu  daw eyn karaa labada nooc ee lidka-viruska ee loo yaqaan Tamiflu iyo Relenza oo ay soo kala saareen Labada Shariikadood ee Roche iyo GlaxoSmithKline labada nooc midoodna looma gadan karo sicaadi ah iyadoon Dhakhtar kuu qorin iyo weliba iyadoo marka laqaadanayo aan meesha laga saarin goob joognimada Dhakhtar aqoon u leh hab-dhaqanka Virusyada,maadaama aan meesha laga saarin hadii Qofku iskii isugu daweeyo ay dhici karto in ay kusoo hoos dhuuntaan Virusyo kale oo aan la aqoon iska caabis sarena leh,sidaa awgeed waxay geleyaan labadan Dawo Xeerka u yaala Dalka Jarmalka derejada koobaad ee isticmaalka dawooyinka



http://cms.urv.de/web/html/privat/ratgeber/schweine-grippe/


TamifluŽ waxaa qaadan kara caruurta da'doodu kahoosayso hal Sano (Dabcan iyadoo aad loola soconayo xaalada ilmuhu kusugan yahay mar walba),waxaa kale oo loo ogol yahay Dumarka uurka leh iyo kuwa Ubadka Naaska nuujinaya.


Sidoo kale waxaa loo ogol yahay Dawada RelenzaŽ inay qaataan Dumarka uurka leh iyo kuwa Ubadka nuujinayaaba


Xanuunkan oo waxyaalo badan lawadaaga xanuunada caadiga ah ee laftooda lagu daweeyo Walxaha Anti-viruska ah ayaa badiyaa lagu khaldi karaa ifafaalihiisa,iyadoo laga shidaal qaadanayo arintaas ayaa waxaa laga dayriyey in lagu deg-dego isticmaalka Dawooyinkan loona qaato kahortag ahaan,kahor intaan laxaqiijin jiritaanka Cudurka Durayga-doofaarku inuu Qofka hayo.


Ugu dambayn majoogno ayay tidhi Faaladani 1918 xiligaas oo in kabadan Laba Malyuun oo qof ay Dalka Spain kudishey Xanuun loogu magac daray Dureygii Spain,xiligaas oo Dawooyinka iyo aqoonta caafimaad ee Duniduba aad u hoosaysey taa macneheeda oo ah inagoo kaduulayna Fayadhowrka casriga ah iyo heerka sare ee aynu kagaadhney daaweynta aynu sifudud ugala tacaali karno cidii uu haleelo Dureyga-doofaarku.



http://aktien-blog.com/mittel-schweinegrippe-tamiflu-relenza-pandemie-00489.html



Hersi Osman

frankfurt am main/Germany
osam71@hotmail.com