DAAHIR RIYAALE ILAYN LIBAAX LAGA BAQUU AHAA SAWTAN WADA CADAYSATAY SOOMAALIWAYNIMO!!!!!!

 

 

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen


SHirka kenya lagu qabtay ee ay ka qayb galeen masuuliyiinta kulmiye waxa uu hordhac u yahay nida amka awood sheegashada ee beesha isaaqu ku hanjabayso in dhamaan umada kale aanay lahayn w ax xuquuqa kaliya ayagu ay markay doonaana noqonayaan mujaahidiinta snm markay doonaana noq onayaa somaliland markay doonaana noqonayaa soomaaliwayn.

waxa hadaba yaable oo mucjiso ah umada kale ee dalka kula degan sida beelaha , samaroonta , harti ga , ciisaha iyo gabooyaha iwm miyaanay xaq u lahayn in ay sida beesha isaaqa ay markay doonaan
samayn karaan waxay doonaan Maxay tahay awooda ragna siisay inay waxay rabaan ku kacaaan
ragna haday fartaagaan toban indhood lagu godaayo

Ilma samatar oo aaminsan mabda,a soomaaliwayn ayaa had iyo goor waxa lagu maagaa saxaafada soomaaliland ayagoo lagu eedeeyo inay yihiin soomaliland diid balse maanta wufuuda kulmiye waxay ka qayb galeen shir ururka qaramada midoobay qaban qaabiyeen kaas oo soomaaliwayn laysku ark ay.


Waxay somaliland shirka kaga qayb gashay ayagoo ah maamul gobaleed ka mida soomaaliwayn wax aana lagu lafa guray oo meesha lagaga hadlay waa sidii loo soo celin lahaa maamulkii dawlada dhexe ee soomaliya. waxa si gaara looga codsaday in masuuliyiinta xisbiga kulmiye ay wax wayn ka qabata an dajinta soomaaliya

Waxa is waydiin mudan maxay tahay sababta ay cismaan kaluun iyo sifir u yimaadeen hargaysa mar kiii maamulka kulmiye dalka qabsaday.Sidoo kale waxa in la sgeego u baahan in mr buubaa uu marar badan sheegay in uu saaxiibo dalka ku leeyahay muuse biixina ka mid yahay. Taasi waxay ku tusays aa in xisbiga kulmiye iyo axsaabta soomaaliwayntu ay isku fikrad yihiin Nimankan odayaasha ee soom aaliwaynta duuliya marna dalka kamay soo ag wareegin intii libaaxi meesha joogay .


Libaaxa soomaliland mudane ex president daahir riyaale kaahin ayaa ahaa nin aad looga baqi jiray
agtiisana aan lagula dhici jirin ama carabkaba lasoo marin karin soomaaliwayn. dad badan oo siyaasa da indho indheeya ayaa waxay isla dhex marayaan in mudane daahir riyaale saaxada siyaasada ku soo noqon dono mar kale si uu meesha uga saaro raga xamar doonaya.

Baroortu orgiga ka wayn waxa haboon in siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye ay dadka u ca deeyaan fikradooda ku aadan daacadnimada gooni isutaaga soomaliland. Mar la waraystay mudane president axmed maxamuud siilaaaanyo oo wax laga waydiiyay fikradiisa uu ka qabo soomaaliwayn .
Waxa uu ku jawaabay in wax kasta la filan karo wax kastaana macquul noqon karo.nimanka shirka ka qayb galay ee uu higaaminaayay wasiirka arimaha debeda dr maxamed c/lahi cumar kaas oo ay wah elinayeen xubno kale sida wasiirka gaashaandhiga axmed x cali cadami iyo wasiirka shaqada iyo buls hada marwo ilhaan maxamed jaamac iyo ka macdanta iyo biyaha dr xuseen axmed cabdi, iyo gudoo miyaha arimaha debada. dhamaantood waa rag ka siman fikrada soomaaliwayn si kastaba ayagu ha u rakaane

gabagabdii

SHacbiga soomaliland ayaa ku sugan qawda maqashii waxna ha u qaban dadku inta badan ma arko khiyaamada ninka siyaasigi wado si kasta haduu siyaasigu u galo hadana ayagiib a maaha sacab ayay daba tumaan waa dad masaakiina shacbigu oo sida adhi damaanka hadba dhinac loo wadaayo
maalin waa A maalinta kalana waa B.


Waxase mudnaantu ku jirtaa in dadka loo cadeeyo fikarada ay aaminsan yihiin siyaasiyiintu fikirka la ysku raacaa wuxuu dhaliya midho la taaban karo laakiin la gabashada iyo hadba xariijin meel ka tuur ka waxba ku heli maysid.

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
London Uk