Daahir Riyaale Dalka Inay Doorasho Ka Dhacdo Bisha March 29 keeda Diyaar Uma Aha Ee Maxaa Idiin Talo ah ?

 

Waxaa aan shaki ku jirin inaanu Daahir Riyaale Kaahin diyaar u ahayn in dalka doorasho ka dhacdo bisha March29 keeda. Sida aynu la wada socono mudadii Daahir Riyaale loo doortay dalkan inuu madaxweyne ka noqdo waxay soo dhamaatay bishii May15 eedii,2008 kii hadaba waxaa jiray heshiis qodobo kala duwan ahaa oo ay sedexda xisbi ku wada gaadheen maalintaas ay soo dhamaatay xilka madaxweynenimo ee Daahir Riyaale.

Qodobada heshiiskii sedexda waxaa ka mid ahaa in loogu soo horaysiiyo doorashooyinka doorashada madaxtoyada oo loogu heshiiyay inay qabsoonto bisha March 29 keeda ,2009 illa hadana aan waxaba ka soo soo muuqan inay doorasho dhacayso. Hadaan u soo noqdo sababaha xaqiiqda jirta ah ee inuu Daahir Riyaale carqaladaynayo doorashooyinkii dalka waxaa ka mid ah sababaha soo socda oo muran ma doonto ah :

1.Shirqool iyo xadgudub aan geedna loogu soo gaban oo loogula kacay hore gudoomiyaha golaha guurtida Xaji Saleebaan Maxamud Adan( Saleebaan Nuur) iyo shirqoolo kale oo badan intaaanu ka war hayno oo wali laga soo maleegayo guriga Daahir Riyaale isaguna toos mas’uul uga yahay xadgudubyadaas.

2.Fidnad xukuumadu kula dhex jirto xubnihii komishanka doorashooyinka Qaranka oo dab laga dhex shidayo!

3.Dagaalo sokeeye oo xukuumadu ka hurinayso beelaha Samaroon iyo beelaha Isaaq ee galbeedka dalka, halkaas oo illa hada loo raray ciidamo tiro badan si qodobka 83 aad ee distoorka looga shaqaysiiyo.

4. Abaaro iyo aafo beenabuur ah oo Daahir Riyaale uu dalka kaga been sheegayo si u helo mudo kordhin.

5.Lacagtii loogu talagalay doorashooyinka 25% ay ahayd in xukuumadu bixiso oo illa hada aanu bixin daahir Riyaale, wakhtigiina bil wax ka yari ka hadhsanyihiin.

6. Digriitadii doorashada oo laga doonayo Daahir inuu soo saaro oo aan laga hayn illa maanta inuu qoro.

Ilmaha yar ee toban jirka ah ayaa hadaba fahmi karaya inaanu Daahir Riyaale ku tala galin distoorkii iyo doorashadii uu dalkan ku yimid mid la mid ah in lagu soo doorto ama uu ku waayo doorasho xor ah oo xalaalaysan kursigan sare ee dalka. Daahir Riyaale Kaahin yaanu dalkan kula warwareegin talaabooyinkii Afweyne ku jabay ee ahaa beel beel ka horgee amaba xoog wax ku muquuni si kursiga ugu sii fadhiyo, hadaba xeeladaha rakhiiska ah ee noocan ah horay shacabkani uga soo bislaadeen ee mudane ” Duufaan ku Qaadiyo Waa Sahal dabayshuye yaanu Daadku kula Tagin” Waxay xukuuadani ku khasbantahay in doorashadu ku qabsoonto maalintii loogu tala galay ee ahayd March29, 2009 habeenna EBBE ha ka yeele aan dib loo dhigin. Xisbiyada mucaaridkana waxaanu ka codsanaynaa inaanay la galin wax heshiis dambe ah Daahir Riyaale iyo wasiiradiisa midnaba. Shacabka reer Somaliland ee hore codkooda u siiyay Daahir Riyaalena waxaan leeyahay, dimuqraadiyad baa ugu codayseen Daahir Riyaale isna digtaatooriyad buu ku badashay codkiinii ee waa in dalka doorasho xor ah oo xalaalii ka dhacdaa bisha March 29 keeda, wixii maalintaa ka dambeeyaana uu Daahir Riyaale noqdaa shakhsi madani ah oo adiga iyo aniga oo kale ah.








Maxamud Caydiid Lafcanbe

Toronto , Canada