Daahfurka buugga: 'Weerane'; xusuusqorkii Maxamed B aaruud Cali  Iyo xuskii 28-tan guuradii Dhagaxtuurkii dhallinyada

 


Sabtida, 20 Feb. 2010, 4ta galabnimo
Oxford House,
Derby Shire Street,
London, E2 6GH

 


kayd Somali Arts and Culture iyo Redsea-online.com waxa ay kugu martiqaadayaan  daah furka buugga cusub ee: 'Weerane' (The Mourning Tree), xusuusqorkii Maxamed Baaruud Cali. Nagala soo qaybgal; Sabtida, 20 Feb. 2010, 4pm, Oxford House, Derby Shire Street, E2 6GH, soo dhoweyta qoraaga, daahfurka Buugga “Weerane” iyo xuska 28-guuradii  dha gaxtuurkii ardayda ee Hargeysa, mudaharaaddaas oo ay ku dalbanayeen in la sii daayo xubnihii xaqdarrada lagu xidhay ee UFFO.


Xusuus qorkan xabsiga la inooga soo tebiyay wuxuu sawir aad u cad inaga siinayaa  axm aqnimadii, falalkii ku xad-gudubka xaquuqda bi’niaadanka ee taliskii Siyaad Barre.

Mahamed waxa oo ku dhashay geed la yidhaado Weerane oo ku yaal deegaanka Awaare ee ka tirsan deegaanka somalida ee Ethiopia. Maxamed maadaama oo aabbihii geel lahayn waxa oo reerkoodu go’aansaday in uu Hargeysa eeddadii la noolaado si oo magaalada  is kuul uga galo. Waxaad buugga ka dheehan kartaa noloshii adkayd ee bulshada reer  guu raha ah ee markaas ku xeerayd qoraaga. Maxamed waxa oo ka mid noqday ardeydii ugu wanaagsanay faciis dhanaca waxbarashadda, dedaalkaasi waxa oo u furay fursad  waxba rasho oo uu u tagay United Kingdom. Kolkuu dhammaystay jaamacaddii wuxuu kusoo laabtay maagaladiisii Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay aqoonyahanno la fac ah. Waxa ay, isaga iyo aqoonyahannadaasi, go’aansadeen in ay iskaa wax u qabso ugu adeegaan bulshadooda, taas oo ay ka dhalatay ururka caalamku u bartay Hargeysa Self-help Group, degaanka se looga yaqaannay UFFO.


Waxqabadkoodaas suubban waxa ay Maxamed iyo saaxiibtiis ku mutaysteen xabsi dheer oo siddeed sannadood ah. Wakhtiga ugu dheer waxay ku xidhnaayeen jeelkii la odhan  jir ay Labaatan jirow; taas oo geyaysiisay in wehelka qudha ee uu ku maararoobaa noqdo barashada cayayaanka ku nool derbiyada xabsiga. Maxamed iyo Asxaabtiisa waxay jeelka kasoo bexeen ehelkoodii iy xaafadahoodii oo la baabi’iyay oo dhibaatooyinkay  tirsanay een mid ka badan loo gaystay, umaddii laga dhex-kaceeyay 8 sano ka hor. Maxamediyo kooxdiisa waxa fajac gelisay markii madaxwaynihii Somalia ku yidhi “Hargeysa iyo Burco way ku daayeen, ciidankii qaranka wuu ku daayay ( baabi’een) waxaasna idinkaa u sabab ah”


Taariikhda “Weerane” xambaarsan yahay wakhti ma jiro lagu fekero ama lagu murugoodo toona, Maxamed, asxaabtiisa iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland waxa sugaysay oo hortaallay bilaabiddii dib u dhiskii wadanka.


Waxa qoraaga weheliya oo marti inoo ah Jaamac Muuse Jaamac; Isuduwaha RedSea  on line (publisher of ‘The Mourning Tree’), Martin Hill; Isuduwihii hore ee Amnesty  Internat ional qaybta Soomaaliya waa na cilmibaadhe dacwaddan aad ugu dhexjiray, Mark  Brad bury; Qoraaga buugga, becoming Somaliland, Judith Gardner; Qoraaga buugga Somalia--the Untold Story: The War through the Eyes of Somali Women, Aadan Warsame Siciid; qoraaga Maxamed Baaruud saaxiibkii oo ay wada xidhnaayeen iyo Saciid Jaamac Xuseen oo intuba ka hadli doonaan buugga iyo arrimaha la xidhiidha ku xad-gudubka xaquuqda aadmiga, qaybta hore ee barnaamijka waxaa daadihin doona Dr Sacad Cali shire.


Halkeed joogtay 20 Feberweri 1982

Daahfurka buugga “Weerane” waxa ku ladhan xuskii sanad guuradii 28-aad ee ka soo  wa reegtay kacdoonkii ardayda, Hargeysa, 20kii Feberweri 1982kii, Mudaharaadadaas oo ay ku dalbanayeen in la sii daayo xubnihii markaas xaqdarrada lagu xidhay ee UFFO. Xuskan oo iskugu jira qiimay iyo xasuus dhiiridi dhallintaas iyo saadaalin siddii dhallintu  kaalinto oda u buuxin lahayd marka la eegayo dhinaca baraaruga, difaaca iyo horumarinta  wadan kooda. Waxaa doodan daadihin doona Mahamed- Rashiid Sheikh, waxaana ka qayb  qaada naya Rashiid Sheikh Abdilaahi “Gadhwayne”, Foosiya Yuusuf X. Aadan, Isuduwaha Raad, Maxamed Baashe Xaaji Xasan, Abdirisaq Sh, Ibraahim Kooshin (alpha), oo iyagu ka mid ah dhallintii dhagaxtuuraysay, Abdilahi Abdi Jibreil iyo dad kale oo fara badan Maalintan oo ah maalinta dhallinyada (official Somaliland Youth Day) Waxa iyana halkaas tixo  dheerig alin ah ka marin doona hal-abuur ay ka mid yihiin Aisha Luul, iyo Abdiraxman Abees 

Waxa kulankan innoogu marti ah aqoonyahano socoto ah iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin Dr Mahamed Fadal, Abbas, Cabdirahman Barwaaqo, Saeed Ahmed, Mahamed Daahir, Mayor of Tower Hamlets, Clrr Omar, Clrr Abdul Mohamed, Xudaydi, Dararamle iyo marti kale oo faro badan

Maxamed Baaruud Cali oo ah shakhsiyad sare, waxa oo in badan oo innaga mid ah u  yah ay halyey, waa maxbuus ka soo samatabaxay axmaqnimadii rajiimkii Soomaaliya; wuxuu ku nool yahay caasimada Hargeysa, isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisuba, wuxuuna ka  shaq eeyaa arrimaha khuseeya xuquuqda aadamaha iyo xorriyadda bulshada.


The Mourning Tree: an autobiography and a memoir of prison waa buuggii koowaad ee taxane loo yaqaan "Rag & Dumar", oo ah buugaag xusuusqor ah, waxa daabacay oo fidiya Ponte Invisibile Ed. (redsea-online.com), ka dalbo Weerane www.redsea-online.com ama orders@redsea-online.com


Wixii warbixin ah eek u saabsan daahfurka buugga kala xidhiidh 07903712949 ama Email: ayan_mahamoud@kayd.org ama booqo www.kayd.org