Cuqaal reer Gabiley oo quus ka muujiyay in Xuk uumaddu fuliso go’aankii Ergada Guurtida

 


25 xubnood oo ka mid ah Cuqaasha iyo odayaasha beesha deegaamada Gabiley, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay Xukuumadda Somaliland ka sugi doonin fulinta xukunkii Ergada Golaha Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadii iyo dhul-beereedka Ceel-berdaale.

Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal, Caaqil Axmed Cabdillaahi Xariir  (Weerar) oo sheegtay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha iyo  odayaasha as oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Gabiley, ayaa sheegay in  aan ay beeshiisu masuul ka noqon doonin wixii dhibaato ah ee ka yimaada fulin la’aanta go’aamada Ergada Guurtidu dhowaan soo saartay.

Waxa uu sheegay in wixii fulin-la’aanta xukunkaa Guurtida ka yimaada ay masuul ka noqon doonto Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Ergo Golaha Guurtidu u xilsaaray shaqaaqadii iyo qaddiyada muran-dhuleedka Ceel-berdaale ayaa dhowaan xukun ka gaadhay arrintaas. Hase yees hee, waxa xukunkaa qaadacay beesha degmada Dilla oo ku tilmaantay mid aan si dhexdhexaad ah loo qaadin, isla markaana ma jirto  talaab ooyin muuqda oo intii muddadaa ka dambaysay loo qaaday sidii loo xalin lahaa arrintaas.
 


Ogaal