CUQAAL
IYO ODOYAAL KASOO JEEDA GOBOLKA GABILEY OO
JAWAABO KULUL KU WEERAREY WASIIRKA MADAXTOOYADA0
Xubno isugu jira cuqaal iyo duqey
kasoo jeeda Gobolka Gabiley ayaa jawaabo kulul ka bixiyey
Warsaxaafadeedkii Wasiirka Madaxtooyadu ku beeniyey Warkii kulanka
Madexeyne kuxigeenka iyo Madax dhaqameedka Gabiley taas ,oo ay ku
tilmaameen inaan Wasiirka Madaxtooyada Jawaab iyo hadal uga
banaaneyn kulankaasi.
Caaqil Axmed C/laahi Xareed oo
katirsan Cuqaasha Gabiley,oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa
GABILEYNEWS u sheegay in
Wasiirka Madaxtooyadu kulankaasi joogey, haseyeeshee aanu wax
hadal ah iyo wax arin ah midna ku darsan wadahadaladii Madaxweyne
kuxigeenka iyo Madax dhaqameedyada Gobolka Gabiley taas oo aan looga
baahneyn in uu muuqaal ahaan oo kaliya Wasiirku meesha u yimaado
balse looga baahnaa in uu ukala dabqaado sida wasiirada dhigiisu
yihiin dadka uu kasoo jeedo iyo Golaha Xukuumada uu ka tirsan
yahey,oo amarna ha qabee uu hadal uun noo soo jeediyo isagoo
arimahaa kahadlaya wuxu hadlkiisa ku bilaabey sidan .
"Madexweynekuxigeenka waxaan ku idhi maalintaa aanu kulaney Libaaxu
markuu dhinto ayaa xoogiisa latusaa,adigana malha aakhiradaa lagu
tusayaa,wasiirkuna wuu joogey mooyaane wax hadal ah iyo wax arin ah
midna kumuu laheyn kulankaa iyo intii ka horeysaba markaa waxa wax
aad loola yaabo ah jawaabaha danbe ee uu kulankaasi kaga hadlayey oo
aan lagaraneyn cid alaala cid uu ku raali galinayo oo waxa aan
aaminsanahey in aan Xukuumaduna uga baahneyn sababtoo,ah waxa laga
filayey in uu arimaha jirey ka arimiyo oo uu cuqaasha wax
yidhaahdo,oo uu Xukuumada isagoo matalaya arimaha kahadlo oo dhinaca
Madaxweynaha war ku celiyo,talo kalasoo noqdo sida Wasiirada
Dhigiisa ah uu wax dhaqdhaqaajiyo laakiin loogama baahneyn in uu
muuqaal ahaan oo kaliya meesha la joogo horeyso iyo danbeysaba
hadana goor xeedho iyo fandhaalba la kala dhameystey uu
Warsaxaafadeed aan meelna heysan ku jawaabo" Ayuu yidhi caaqilku.
Waxa kale oo isaguna arintaasi kahadley Caaqil
Farxaan Muxumed Taani oo sheegey
in Wasiirku aanu laheyn karaamadii iyo martabadii uu lahaan jirey
ninka Xukuumada u matala deegaanka Gobolka Gabiley islamarkaana uu
yahey nin Horana Taariikh madow u qaatey imikana ku darsadey mid
labaad " magaca wasiirka mooyaane waxan
aaminsanahey in aanu caaqil iyo odey kaliya midna eray u sheegi
karin ,Golaha Xukuumada uu katirsan yaheyna kaba daran baan leeyahey
sababtoo ah ninka shicibkiisa aan kalmad ku odhan karini ma
ina Rayaale ayuu wax u sheegi
karaa,anigaabu hadalkii igala baqaye waxanan leeyahey
Warsaxaafadeedkii Jamhuuriya ku qornaa malha Wasiirka Macdantaa
Qorey " Ayuu Yidhi Caaqilku.
Waxa kale oo isaguna kahadley arintaasi caaqil
Geydh Cige oo sikulul u cambaareeyay Wariyaha Haatuf ee
Gobolka Awdal kaas oo uu ku sheegay in uu had iyo jeer isagu
jeebkiisa ka qorto warar isku ceyn iyo beyd go,an oo dhinac ka raran
sababtoo ah ayuu yidhi Warka uu dhawaan qorey ee uu ku sheegay in
Magaalada Boorame laga hub urursadey waxanu aaminsahey in uu
mashruuc kaga qaatey Xukuumada Rayaale iyo ninka ay ilmaadeerka
yihiin ee Badhasaabka Awdal oo aan iyaga waxba uga cabin dhulkaa
lagu muransan yahey,arintooduna tahey in ay iska Jiheeyaan beesha
reer nuur ee ay Boorame u diidan yihiin waxanan u sheegayaa inaan
idhaahdo madidee hargoolow ha igu tumin durbaanada iyo daasdaha
madhan.
Odey Ibraahim Mixile Abraar ayaa
isaguna gabagabadii hadalo kulul usoo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada
waxana hadaladiisa kamid ahaa " Waxaan
ku leeyahey kolka horeba Nuurow waxad
qaadatey cad quudheed
oo waxad booskiisii tagtey ninkii daraadaa isku casiley,Somaliland
oo dhanbaa dadkeena kula yaabtey ficilkaaga hadan indho
adeygaaga waadigaa jawaabta kabixinaya kulankii aad Goob-jooga ka
aheyd ee aad kalmad ka odhan kari weydey adiga iska daayoo Ubadkaaga
ayey jawaabtaada iyo hadlkaagu Taariikh Madow ku noqonoyaan , hadaa
noqon laheyd nin booska uu joogo wax ku qabana hadlkaagu nama
dhibeen ayaan kusoo koobayaa hadlkeyga "
Ayuu hadlkiisa kusoo khatimey.
Gabagabadiina waxey soo jeediyeen in aqoonyahanka, Wax garadka
,Madax dhaqameedyada ,dhalinyarada iyo guuda haanba dadweynaha
deegaanka Gobolka Gabiley ay gudo iyo dibadba
canbaareeyaan hadalkaa
Wasiirka Madaxtooyada iyo hab dhaqanka uu kula dhex joogo
Xukuumada oo aanu qof jiraba aheyn.
Xigasho: Gabileynews
|