Cukusow ka daa saxaafada caga dam-damta

 

 

Marka hore waxaan salaamaya dhamaan dadka akhrista fariintan.Marka xigta waxaa jirta in la isku ogaa Xisbigii KULMIYE uu dalka qabsadey, hadii uu qabsadeyna KULMIYE waxaa looga  fad hiyey in xisbigaasi uu la yimaado isbadel dhaba oo ka soo burqada balan qaadiyadii ciidaa ka b adanaa ee dadka ay u sheegi jireen markii ay xukunka dibada ka joogeen.
Waxaa loo fadhiyey in la arko dawlad bisil oo bidhaanteedu u egtahey dawladaha caalamka ka jira kana bad qabta bugtooyinka lagu yaqaano dawladaha dikaatooriyada iyo cabudhinta mici in bida.

Ceebaha ilaa hada si cad u muuqda ee xukuumada Madaxweyne Silaanyo ilaa hada lagu hayo waxaa ka mida, shareysiga iyo naceybka ay durba ku hayaan Saxaafada madaxa manaan. Waxaa muuqda in ula booca loogu tugubayo sidii Saxaafada cunaha looga qaban lahaa ama lo ogu qasbi lahaa iney ka dheeradaan waxa ka sheega Xukuumada Silaanyo ee boqolka keledii taliye ka kooban.

May jarin dhaliilo iyo dhaleecooyin beena oo laga sheegi jirey xukuumadii xukunka ka degtey e e Madaxewene Riyaale, ilaa hadii ay jirteyna cida keliya ee sheegi jirey waxey ahaayeen masu uliyinta Xisbiga KULMIYE ee hada xukunka haya iyo Saxaafadii tageeri jirtey, oo abaal gudkii lo oga dhigey in Xilalka Qaranka lagu taxo. Imisa Dube iyo Dollal la qorey, imisa lacag bilaayin Doll ar xaashi dheer lagu taxey, imisa duruuc iyo dumar la gaadhey, yaa loo maxkamadeeyay yaa se u dhintey ama u dhiig baxey.

Waxaa manta wax lagu qoslo ah oo aan la aqbali Karin, in Xukuumada Madaxweyne Silaanyo ee aan dhawrka bilood jirini ,ay durtababa yeelato bayr iyo baalo daymood, iyagoo durtaba noqdey qaar u nugalaada wax 10% ka yar wixii ay sameyn jireen.

Inkasta oo waajibka Saaxafadu yahey, iney qoraan warar xaqiiqa iyo dhacdooyin aan umada jahawareerin, waxaa hadana la is weydiin karaa horta Saxafigu dhacdada runta ah xaguu ka keena?. Waxa uu ka keena marka uu saxafigu awood u leeyay inuu cid kasta wareysan karo ee saxaafadu tahey rukun ka mida rukumada ugu awooda badan dhismaha Qaranka.

Maanta dalkeena iyo Africka toona ka jiraan awoodo isu dheeli taran oo midkastaa waajibkiisa u gudan karo si habrasho la`aana. Gasroor, Barlamaan, Saxaafad iyo Xukuumad mid kastaa a woodisa sharci leeyahey ayaa Qaran Dimiquraadiyada ka badaabisa in cid Gaari awooda ku ga bood fadho. Mar hadii aaney taasi jirin, waxaa haboon in aan la aqbal diktaarooriyad iyo awoo d sheegasho ilaa xad ah.

Gabagebadii waxaan leeyay mudane afhayeen CABDILAAHI CUKUSOW, ka daa Saxaafada caga dam-damta , wixii aad diidi jirteyna cid kale ha ku dayin. Weligaa markaad ka xanaaqdo Saxafi ama Saxaafad ,karbaasheysa masuul ka tirsan xukuumada aad ku jirto, dib uun u halacso wixii lagu hayey, xukuumadii aad xukunka kala wareegten. Weligaa is daad raaci.

Alla mahad leh

 

 

 

 

Qalinkii:Osman Omar Dool
Oslo Norway