Cudurka kaa gala fardaha !!!

 

Dalkii waxaan is bedelin waxan arkay Dabeeraha, wax allaale wixii kale dad iyo duunyo way dhalan rogmeen.

Dadkaad ogeedeen hankooda iyo himiladooda habeen baa u dumey.

Dadkii qabka lahaa qabar baa ku fadhiistay.

Dadkii dareenka sareeyey dednaan baa u danbeesey.

Dadkii damqashada dhowaa Doofaarkaa ficil dhaamey.

Dadkii dooda badnaa dirqibay ku hadlaan.

Tilmaamahaas oo horkac u ahaa qormooyin taxane ahaa oo aan hakiyey markaan arkay maqlayona waagii beryaba dhiillo Riyaale joogtaystey iyo baroor haweenku laasimey.



Saeed Suleman oo degan (America) ayaan uga mahad naqayaa sida fiican ee uu dareemay ugana soo gudbiyey tuducyadan hoos ku suntan.Dhugo oo dheego waatane.

Dadkaygii dareenkiyo qabkiyo , damacu uu buuxshay

Dadkaygii digiigixa jidhkiyo, dubaaqu soo jeedey

Dadkaygii markay dood furtaan, dayaxu dhawraayey

Alaylehe wax baa doorsadoo , dedey hankoodiie

Daamur iyo madowbaa dul koray, duubka oogade

Qalbigiina daxalbaa galoo , daacad laga waaye

Dulinimo damiirkoo dhintiyo, daaf ayaa galaye

Dameera mooyee dad iyo, duunyo may hadhine

Ninkii horuu danaynaayayow, maantay dumayaane

Inta aanay duugtooda noqon, iilka lagu daadin

Dabaqabasho way kuu egtee, hays dayicin maanta.



Waxa Daahir Riyaale ku hanjebayo waxa ku dhiirriyey waa dadkaa ay qormadu tilmaantay tuducyaduna ka marag fureen. Wadaadkanu wuxuu ogaadey in xataa xisbiyadu ka ilduufaan xujaday ku qar-qarsiyi lahaayeen. Taasina ay dhashay in Daahir yidhaado isagoo kibir iyo jees-jees ka muuqdo anigaa dalkan dadkiisu ii doortay 2da Gole iyo cid kale-toona looma joojinayo aqoonsi iyo aduun weynena waanu ka maarmi karnaa.



Daahir Riyaale waxa uu miyirku kusoo noqon lahaa iyadoo ilowye, dhinac iyo dhu-dhunba loogu qoro in aanu iyaga waa Siilaanyo & Faisale' waxba dheerayn, waa in aanay ka maagin madaxweyne-nimo mudadeedii ku ekayd May 15, hadii aanu inqilaab iyo awood ciidan (military coup) sheeganayn waqtigii la doortay dhamaaday waahore oo aanu haysan kalsoonidii Bulsha-weynta Somaliland aduunkuna ka marag yahay.



maxaa u diidaya in Siilaanyo ama Faisal sheegto kalsoonida shacabka S/land? wadhiyeey, waxa Daahir lug-gooyey looxuu liciinku u qoray iyo la-lleemada laab-xoor.



Mucaaradku way ka tarjumi karayaan Dadweynaha diifta iyo dayacu daashadey. Waa inay Daahir Riyaale uga digaan kana waaniyaan inuu hub kadhigto mudadii qardajeexa ahayd ee laab-saarka iyo leef-leefka loogu muquuno kordhiyey.



Ninkan waxa waalay macaaradkan xilka uu hayona xarrago ku doonaya hadana ugu yaboohayey mudo kordhin laga soo bilaabo April 14/2008. Waa in lagula hadlaa luqaduu fahmayo, eeku hadlayo mid u dhiganta si miyirku ugusoo noqdo si maanku ugu negaado madaxiisa,si kibirku keeb u yeesho, iyo an idhaahdo si looga fogaado kadeed iyo kalluun Qorrax lagu dubto.



cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo geed dheer bay saarantahay.

Ammaano Alla,

 


Ahmed Yussuf Dualeh

London,UK