Colka wadhaf ma lagu dayay

 

Tan iyo intii uu hogaaminayay madaxweyne ”Riyaale kaahin” dalka  waxa ynu soo dhex mushaaxanay siyaasado cakiran oo dalka iyo dadkaba  mu staqbalkoodi galiyay mugdi aan laga soo waaqsan karin, saldhigeeduna yahay maanka guracan iyo hogaamin xumada aan cilimi, waayo aragnimo iyo tixgalin laan qaynuunka dalka u yaala, kala saarid la`aanta danta  gu ud iyo danta gaarka ee haysata Riyaale Kaahin, kuwa had iyo jeerna  sa mata bixinta dalka heeganka u ahna ay yihiin madaxda mucaaridka oo had iyo jeer qaata tanaasulka iyo xishmaynta  waayelka,cuqaasha, aqoo nyahanka,indha garadka iyo u dhoorsanaanta shicibka diifta iyo maamul xumadu dilootay u tudha waa madaxda mucaaridka.

Tan iyo wakhtigaas oo madaxweynaha dalkuu kolba wado guracan afka saaraayay marnaba lagama hayo garawshiiyo iyo tanaasul uu sameeyo isaga oo khalad sharci iyo mid bini`aadanimaba galay. Madaxweyne  Riya ale waa madaxweynihii ugu horeeyay ee ergo samatabixin ah ku diiday gartii ay qaadeen kuna af lagaadeeyay maah maah somaliyeedna waxay tidhaa ”Gar diid waa alle diid”.

Madaxweyne Riyaale waa nin aan ehel,diin iyo shacabkii wax ka  dhigay ba aan ka xishoon waxna aan iskula hadhin, Riyaale maaha nin lagu tilmaami karo ”Leader Ship” hogaamin kara qoomiyad dhan, sida ay u muuqatana riyaale waa nin aay ka weyntahay siyaasada dalku oo garan la meel uu wax ka qabto kuna dhex asqoobay siyaasadaha caalamka lagaga dhaqmo wakhtigan xaadirka.

Hadaba dhibtan maanta taagana waxay la mid tahay wadooyinkii  asqay sanaa ee uu madaxweyne riyaale dalka kolba meel afka u galin jiray , walina ku adkaysanaaya go`aankaas jahliga ah taagana anaa  madax wayna maahin. Mar maah oo laba maah afarna maaha inta jeer ay  mada xda mucaaridka iyo shacabkuba tanaasul u sameeyeen riyaale se aanu isagu marna waligii garawshiiyo bixin, mar kastana isagu isku haysta ka sax san.

Laba doorasho uunba u banaan shacabka xalaasha iyo madaxda  mucaa ridka, waana laba daran mid dooro.

1: In ay tanaasul dheer sameeyaan oo u dhigma in la yidhaa aabaw  Riy aale noolaw. Laba sanduuqna la dhigo mid cad iyo mid madaw tabtii  siy aad bare. Heesana loo sameeyo loona mushxarado, taasina caadi ayay ahaan lahayd oo waa wax la garto se Riyaale dalka wax ma u qabanaya oo siyaasada caalamka mala jaan qaadi kara waa maya taasina.



2: Colka wadhaf ma lagu dayay,dawlad xun dawlad laan ayaa dhaanta, hal saac oo dagaal ah taas diyaar ma loo yahay oo meesha lagaga  tuu ro, mise waxaynu caabudna wax la yidhaa nabad. Ninkii aan u diyaar aha ynaw aabaw Riyaale iska qaad markaa, Riyaale wuu cadaysaty wuxu yidhi cadyahaw ku cunay ama ku ciideeyay.


 


Abdifatah O. Abdi (Abdi Kling King)

Oslo,Norway
Kling_king@hotmail.com