CODKAAGA KU CAYMI DALKAAGA-2-
Waxaan maqaalkii hore ku soo qaaday qaar ka mid ah sifooyinka
murashaxiinta Kulmiye kaga mudan yihiin murashaxiinta kale, maantana
gadaal ayaan qaar kale ku sheegi doonaa. Laakiin aan toos ula hadlo
bulshoweynta danyarta u badan ee dalkeena. Wallow horumar lexaad leh
xukuumadda kulmiye dalka gaadhsiisay, haddana saboolnimada iyo shaqo
la’aanta looma helin xal munaasib ah.
Ictiraaf la’aantu waxay toos u taabanaysaa horumarkeena, aniga oo ka
qatan inaynu helno kaalmooyin iyo amaaho caalami ah oo horumarineed,
haddana waxa ku jira barnaamajka talaabooyin cuddoon oo arrintan wax
lagaga qaban doono. Dib u eegidda nidaamla cashuuraha si loo helo
nidaam ku dhisan awoodda muwaadinka, lana hormariyo cashuurta tooska
ah, halka manta cashuurteena badiya tahay tan kastamka ee dadban.
Waxa iyana la xoojin doonaa isticmaalka shilina iyo talaabooyin wax
ku ool ah oo lagula dagaalami doono sicir bararka.
Waxa barbar socon doonta barnaamaj dhismaha danta guud oo iska wax u
qabso ah, kuwaas oo abuur doona kolkay hirgalaan shaqooyin jooto ah.
Xukuumadda Kulmiye waxay heshiisyo maalgashi la gashay DPW iyo
xukuumadda Imaaradka, hirgelinta mashaariicda heshiiska ku qoran ee
2 da bilyan ee doolar ah, waa qaar shaqo abuur lexaad leh laga heli
doono. Waana guulaha KUlmiye. Taas waxa lid ku ah xisbiga Wadani oo
si badheedh ah u sheegay inuu laali doono heshiisyadaas.
Waana mid ay ku kala duwan yihiin labada xisbi. Mid waxuu rabaa in
mashruuca weyn ee caalimeynta dekedda iyo abuurista suuqa xorta ah
ee Cigaal saadaaliyey inay Berberi mustaqbalka noqon doonto
Singaporta Africa oo Kulmiye ah, Wadanina waxuu rabaa in dib loo
noqdo, oo dhulka loo qordeeyey horumarka Berbera eek or u qaaday
ididiiladii Soomaliland guud ahaan, gaar ahaan reer Saaxil ay
noqdaan meel gorayo ka haaday.
Ku dooro Kulmiye mustaqbal wacan oo horumar iyo hiigsi sare leh.
Horaa loo soconayaa ee dibu socod diid, codkaagana ku caymi dalkaaga.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
https://www.facebook.com/aharwo/?ref=bookmarks
|