C/llaahi Yuusuf oo dalbaday inta aanu is casilin in maleeshiyooyinka beeshiisa & qoysaskooda laga saaro Muqdisho & Baydhabo

 

Waxaa maanta soo gaaray magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo dayuurado loogu talogalay in ay qaadaan ciidamadii laga keenay Puntland ee taageerayey dowladda federaalka & qoysaska ciidamadaasi, waxaana ciidamada & qoysaska Muqdisho ka baxay tiradooda lagu sheegay in ay gaarayeen ku dhowaan 120 qofood, halka diyaaradii loo diray in ay Baydhabo ka qaado qoysaska askarta Puntland & taliyayaasha ciidamada dowladda ee ka soo jeeda Puntland ay qaaday xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo ka soo kala jeeda Puntland & Somaliland.

Xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka & waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay madaxweynaha dowladda federaalka Cabdullaahi Yuusuf oo la filayo in labada cisho ee nagu soo fool leh uu ka dego jagada, inuu u muuqanaya shaqsi haddii aanu isagu dalka madaxweyne ka noqoneyn u dhaqmaya sidii cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyey.


`C/llaahi Yuusuf ciidamadiisu ma ciidamo qabiil bey ahaayeen mise ciidamo Qaran`` ayuu yiri C/kaafi C/raxmaan oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, wuxuuna intaa raaciyey in ay hab dhaqankiisa ay tahay hab dhaqanka ugu liita ee laga filan karo qof hogaamiye loo doortay.

Guryaha ku dhowdhow Villa Somalia oo ay deganaayeen qoysaska ciidamada Puntland ayey maanta faaruqiyeen, iyadoo Xaafada X/weyne oo kaabiga ku haya Villa Somalia maanta lagu kala iibsanayey qalabka guryaha oo isugu jira fadhi, jiif & daahyada, waxaana la kala siisanayey qiimo aad u jaban.


 

 

 


Dayniile