CIYAARAHA GOBALLADA IYO DAREENKEYGA-2
FINALKA MAROODIJEEX IYO HAWD.
Waa gabagabadii ciyaariha tartanka goballada. Waxa foodda is daraaya
laba gobol oo isku gobal ahaa muddo yar horteed. Dadkooduna weli
kala garan la’ yahay kan ay yihiin. Waxaan ku koray oon ku barbaaray
labada magaalo ee Hargeysa iyo Baligubadle. Waxaan u aqaan labadeyda
gacmood. Waa deeganka keliya een dhul iyo guryaba ku leeyhay. Waxa
ila mid ah dad badan oo labadaba u arka gobalkoodii. Si gaar ah
Degmada Axmed Dhagax oo ah degmo ka tirsan Gobalka Maroodi Jeex iyo
Baligubdle oo xarun u ah Gobalka Hawd.
Waa farxad iyo faanfaan kol haddii labadan gobal ee haddana isla
gobalka ihi ay muujiyeen sanadkan iyo kii horeyba inay yihiin
hormoodka kubbadda cagta ee qaranka Soomaliland. Waa inoo guul iyo
faan, waa inoo sharaf iyo maamuus, waa inoo xarfad iyo aqoon
isboorti, waxaynu noqonay macalimiinta kubbadda oon cidi inagu
heysan.
Waxaa hubaal ah in taageerada labada gobal ka muuqan doonto iyadoo
la buux dhaafiyo garoonka. Waxa waajib ah in la muujiyo taageero
hufan oo ka marag kacaysa walaaltinimada labada gobol. Walaalo ma
aha ee runtii waa isla qof keliya, waa ruux keliya. Waa asalkii
Hargeysa oo tarmay dhalayna gobal kale. Waxa la gudboon ciyaartooygu
inay taasi ka muuqato. Ciyaar ahaan leysu tudhimaayo, waa se inay ka
maqnaataa xanaaq iyo xurguf aan la qaadan karin. Hab-dhaqanka
ciyaartooga ayaa hoggaamiya akhlaaqda dadweynaha daawanaaya.
Waxaan ahaa nin ku farxasanaa mar kasta oo labadan gobal guuleystaan.
Maanta se waxaan ahayn inaan u sacab tumo marba ka ciyaar wanaagsan,
xarafdda wacan, ka cidhibta ku dhiiba, iyo ka shiishka wanaagsan
maahee wax kale ma jiraan.Waa guul tan ugu wanaagsan kolka caadifad
la’aan aad u daawanayso kubbadda, gaar ahaan kolka labada dhinacba
aad ku faraxsantay.
Xalay ayaan daawanayey ciyar dhexmartay xulka qaranka ee Jabaan iyo
Talyaaniga..walaahi ciyaar ka macaan inaanan arga sannado..maan kala
jeclayn laakiin waxaan daawanaayey xeeladda iyo xarfadda meesha
taala. Xarfad iyo xarago iyo hogaamin kubadeed waxa ku horeeyey
Jabaan, nasiibkuna waxuu la jiray Talyaani oo 4 iyo 3 kaga badiyey.
Birtay dhinac kaga dhacday, haddana dushay kaga dhacday, haddana
farbuu kaga saaray..si walba wey yidhaahdeen weyse diiday inay
shabaga ruxdo. Cidina iskumay xanaaqin ee si wacan ayaa leysu
sagootiyey. Ku darsoo garoonka 80% waxuu taageeraayey Jabaan. Brazil
waxa ku nool laba mjlyan oo asalkoodu ka soo jeedo Jabaan. Haddey
Jabaan iyo Talyani sidan ku ciyaareen, maxa looga baqayaa inay si
wacan oo nadiif ah ay ku ciyaaraan ciyaartooy isla qoys ihi.
Wax kale ayaanu wadaagna aniga iyo labadan gobal. Waa siyaasadda waa
taageerayaashi KULMIYE ee doorashada Madaxweynha, maantana dalka
Madaxweynha ay doorteen ayaa ka taliya, berrina isagaa marti loo
yahay odhanmaayo isagaa marti inoo ah, waaba madaxeenii oo isagaynu
dooranay. Waa iyana Alle mahadi ha ka gaadhee, la soo afjaray
khilaafkii XAQSOOR IYO XUKUUMADDA.
Intaas oo dhammi waxay ii xaqiijinayaan in ciyaarta berrito noqon
doonto mid nadiif ah, mid xarfad iyo xeeladi u sal tahay, mid ka
farxin doonta daawadayaasha gudo iyo debedba, mid koobka loo hanneen
doono oo farxadda lala qaybsan doon kii badiya. Hadda ogow kan
kaleba waa guuleystay oo 11 gobal ayuu boodhka cunsiiyey. Waa guul
iyo guul kale.
Dardaaran kale, waxa habboon boolisku inay hawsha qunyar socodnimo
ku galaan oyna noqon kuwa qaska sii shida, waa in mamulka loo daayaa
garsoorayaasha, askartuna ay noqodaan kuwa ugu dambeeya ee la
miciinsado haddii loo baahdo, Insha Allah loo baahan mayo. Usha
intayna qaadan hadal iyo waanwaan ha ku dhaqaaqaan. Siyaasin loogama
baahan garoonka.
Cidhiidhiga iyo isku xoonka Madaxeynaha ha laga daayo kolka uu
koobka bixinaayo bal dadku si wacan how daawadeen ee madaxdu yeyna
ku xoomin madaxweynaha. Munaasabadaha lama arko lamina maqlo
madaxweynha hadalkiisa, waana mid aan habboonayn,nabadgelyadana uma
fiicna. Arrinkaas waxaan si gaar ah uga codsanayaa saaxiibkey Wasiir
Xirsi inoo ka hawl galo. Ma aha in madaxdu iyagu abuuraan buuq.
Maan iloobin sidii sharafta ahyd eey u ciyareen isla laba gobal oo
isla mid ahaa waa Maroodijeex iyo Gabiley, caawana mar kale ayey
isku hirdiyayaan koobka kubbadda koleyga. Waxaa hubaal ah inay sidii
ay tan cagta ka yeeleen ay tana la mid noqon doonto. Waxaan ahay nin
farxad ku jiray ayaamahan. Waa la tartamaa mise gobalkeygiiba
guuleysta. Waa MAROODIJEEX maroodijeex kale ay koobka isku haystaan.
Ma sha Allah, waa guul. VIVA Gabiley, Hawd iyo dabcan halka magacu
ku hadhay Maroodijeex. Waa Hargeysa iyo dhasheedii.
Salaani korkiina ha ahaato, hanbalyo qaali ahna heyga guddoomaan
labayda gobol Mardoodijeex iyo Hawd. Hanbalyo la mid ah ayaan u
fidinayaa dhammaan ciyaartoygii tartanka ka qayb galay,
maamulayaashi, ciidamada, si gaar ah Wasiirka iyo Wasaaradda
Ciyaaraha iyo dadweynha ay hormoodka ka yihiin daawadayaashu oon
laáantood ciyari jirteen. Waxii tusaalayn iyo toosin ah aan u dhigto
damaashaadka dabadeed.
Nabad iyo nabad ayaan idiin rajeynayaa.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxwynha ee Dhaqaalha,
https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|