Ciyaar Xiiso badan oo Shalay Garoonka 31 may ku Dhex mar tay Kooxaha Dhalinyarada Cuslaatay ee Gabiley iyo Hargargeisa

 



Ciyaartan oo daba Socotay Ciyaar saaxiibtino oo hore labada kooxood ugu wada ciyaareen Garoonka Gabiley....



Hargeysa (TNN)-Ciyaar Xiiso badan ayaa shalay ku Dhexmartay labada kooxood ee Dhalinyada Culslaatay ee Hargeisa iyo Gabiley Garoonka 31may ee Magaalada Hargeisa.Ciyaartan oo daba Socotay Ciyaar saaxiibtino oo hore labada kooxood ugu wada ciyaareen Garoonka Gabiley, bal se waxay mar labaad Ciyaar aad u xiiso badan shalay ku dhex martay garoonka 31may labadan kooxood.

Ciyaartaasi oo aad uxiiso badnayd Dhalinyarada Cuslaatayna ay isku dayayeen inay muujiyaan Ciyaar wanaagoodii baryo qaar ayaa shalay soo jiidatay Dadwaynihii Daawanayay Ciyaartaasi.
Ciyaartoyga laba kooxood oo badankoodu ka fadhiistay Ciyaaraha Somaliland ayaa dhiiri galin u samaynayay kooxaha da,yarta Somaliland si ay ugu dhiiradaan Sii wadadi ciyaaraha.

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay hal Gool iyo eber oo ay Guushu ku raacday kooxda Hargeisa oo Goolka guusha U dhaliyay Ciyaaryahanka Wayn ee Amiin C/laahi Xaashi oo ka mid ahaa ghalinya da ciyaaraha ka fadhiisatay.

Labada kooxood ayaa aad uxiisayaynayay inay Ciyaaro kale oo Saaxiibtinimo wada Ciyaaraan iyaga oo Wakhtiyo kale u balay inay Ciyaaro noocan oo kale ah ku wada Ciyaaraan Garoomada kubadda Cagta ee Gabiley iyo Hargeisa.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gabiley Maxamed Arts oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii Ka qayb galay shalay ciyaartaasi ayaa aad ugu mahadnaqay Labada kooxood sida ay isu xilqaameen iyo  Ciya ar wanaaga ay muujiyeen.


Jawiga Ciyaarta ayaa ku dhamaaday Jawi farxadeed oo aad uxiiso galiyay dadkii ka qayb galay daawashada ciyaartaasi.


Mustafe Future

Timacade News Reporter
Hargeisa, Somaliland
mccfuture@hotmail.com