Cismaan Hindi iyo Homepageka Waaheen filimka aad wadaan horaa loo soo galey

 

Cismaan intii lagu dhawaaqey doorashada ayaa isaga iyo koox hogaanka u hayaa ku  waash een in ay ku werwereegaan kuwa faaliya ee ficilada ibleyska aaminsan, waxa la sheegey in u Hargeisa gudeheeda , gabiley iyo tuulo kaleba ugu tegey dumar iyo rag wax faaliya isagoo rabey in u ogaado cidda ku guuleysaneysa doorashada, waxa u markii ugu horeyseyu la  kul mey ruux dumar ah oo aad loogu amaaney, taas oo ka qaadatey lacag badan, una  sheeget ey in ay wax akhrido islamarkaana ay shidato dhir kala duwan ka dibna seexato lana soo  to osto iyadoo ku riyootey waxa ay rabtey in ay wax ka ogoaato, habeen buu ku ag dhaxay, waxa ay tidhi subaxii iigu yeedha isagoo quraac cunaaya ayaa loo sheegey in ay dooneyso, xumada haysey ee iimaan daradaas u geysey baa u joogi kari waayey, markaas buu ka  kac ey cuntadii oo socodka ku faraxashey, markaas baa u ugu tegey gurigeedii oo aan sidaas  u ga fogeyn, waa meel Hargeisa ka baxsan, markii ruux shaqaale ahaa ku soo dhoweeyey una tilmaamey meesha ay faalisadii ku sugeyso, ayuu galay, islamrkiiba isagii oo aan hadal oo aan fadhiisan buu soo jiidhey laba la socdey oo midi baabuurka u wadey, midna kii u soo  sah amiyey ahaa oo albaabka kaga kaga hadhey, waayo? gabadhii unbaa markuu soo galey tidhi labada midab ee huruuda iyo akhdarka xisbiga leh baa cismaanow guushii raacdey ee maka aad la jeceshahay baa? Umuu jawaabin oo lamuu hadal dib ayuu u soo boodey oo soo jiidhey ragii la socdey ee kadinka ku sugaayey, iskuna deyey in ragii sugaayey u been u sheego, bal se wey ka soo daba baxdey oo tidhi waar maxaa ku heley ma midabada huruuda iyo  cagaar kaad ka xanaaqdey? Waa calanka riyadii la igu tusey bay tidhi, saaxiibkiisii la socdey ayaa sheegey in ay markaas fahmeen, cismaana uu diidey in u kala sheekeysto ragii arrinkan, faal iye kale oo isna loo amaaney dadkuna ku badanyihiin markuu u tegey oo Hargeisa  gudehe eda ah waxaaba la yidhi markuu arkey shaqaalihii ag joogey oo xidhan koofiyadaha UCID iyo KULMIYE ayuu iska noqdey oo yaabey, kan saddexaad oo rag badani goob joog ka ahaayeen waxa ay ahayd baa la yidhi Boorame, markii isagii iyo ragii la socdey u sheegeen waxa ay  d ooneyaan, ayun odeygii ku yidhi nimankan aad la socoto ee meesha ku keeney qaar baanu hore isu aragney oo aan garaneyaa, waxa aad i weydiineyso baan hore uga faaliyey una sheegey, miyaaney kuu sheegin waxaan ku idhi? markaasuu Cismaan yidhi waanu wada shaqeynaa oo anigu Hargeisaan ka immi waxba in aad is aragteen iimey sheegin, ma xisbiga ay ka shaqeeyaan baad tahay adna? Haa, mid baa ka ag yidhi waa madaxdayadii, kaas oo la sheegey in aanu hore wax u ogeyn isagu, odeygii unbaa ku yidhi, uma baahnidin in aan idiin dhigo ee lacagta ha iska dhameynina waataan hore idiinku sheegey in aad UDUBey  dhacde en. Faaliyeyaashaasu waxa ay Cismaan dhaxalsiiyeen hurdo la'aan, sas iyo baqdin aad u  ba dan, shaqaalihii Hotel u ka cunteyneyey habeen aan sii fogeyn baa u cay iyo aflagaado  bad an u u geystey, dad badan baa arkey ninku in casabadiisu aad u kacasantahay oo markasta hada qof ay is haystaan, markaas bal arrintan isaga iyo WAAHEEN wadaana ila eega.

Waxaad maqasheen in Osman Hindi la weerararey, dhaawacna loo geystey, Haddaba, waxa jirtey in wiilka weerarey oo ka tirsanaa UDUB u hawlgeliyey Cismaan Hindi, kaas oo  dhaliny aro kale isna sii hawlgeliyey, balse markii ay xaqooda ka waayeen, ay iyaka dhexdoodii  is qa b sadeen, wiilkii UDUB ahaana dhalinyaradii kale ku qanciyey in u xaqoodii uga soo qaadeyo Cismaan Hindi madaama u isagu la soo heshiiyey.

Waxa jirta in markii falkani dhacey ee u ka soo laabtey dhakhtarka u si gooniya u ula kulmey rag ka socda saxaafad u muuqata in ay kala shaqeyneyso belaayo abuurka oo diyaar u  aha yd taas oo ah (WAAHEEN) lana yaqaano ninka iska leh.

Waxa halkaas lagu alifey in dhacdadan lagu dabaqo sheeko hore ugu taxneyd oo la rabey in la fuliyo, taas oo ahayd in iyakoo adeegsanaaya saxaafado ku sheeg aqoon la'aani hayso oo danyare ah lagu faafiyo in Cismaan aflagaado u geysteen madax xisbiga Kulmiye ka tirsan, ka dibna u Cismaan ugu jawaabo wax laga cadhoodo isagoo bartilmaameed ka dhiganaaya madax gaar ah, ayaamo ka dibna la faafiyo in Cismaan la afduubey dhaawacna ay u  geyste en madaxdii Kulmiye ee u wax ka sheegey si arrintu run ugu ekaato, markaasna baadhis  lag ula kaco madaxda xisbiga si sumcadooda loo dhaawaco ama jawaab reerinimo ku saleysan loogu hiiliyo si dadka iyo doorashada loo khalkhal geliyo, waxa haddaba aad u fiirsataan sida ay isaga iyo WAAHEEN niman ka socdaa ugu fashilmeen qaabka ay u dhigeen arrintan, waxa ana laga hayaa sheekadan dhalinyarada lacagtu ka maqantahay laftigooda qaar ka mid ah, sheegeyna in meel dhow u arrintii ka heley.

Cismaan wuxuu yaqaanaa ninka dhaawacey, marnaba ku muu soo hadal qaadin marka u ka hadlaayo wareysiga u siiyey waaheen, iyana waxa ay ka badheedheen in aanay weydiin waxa ku kelifey ninka dhaawaca u geystey madaama la garanaayo lana shaqeynaayey  isa ga, iyo in ay yidhaahdaan Kulmiye inta aanad ku eedeyn ninkii dhaawaca kuu geystey waa UDUB waanu idiin shaqeynaayey ee maxaa iskaga xidhan Kulmiye iyo wiilkan lacagtiisa  dho wr ayaamood kuu daba taagnaa ee cid waliba ogtahay, waa saxaafad ujeedo kale lahayd baa halkaas kaaga cad. Waxaana u fiirsan doona oo faaleyn doona WAAHEEN ficiladeeda DUBBE IYO DOOLAAL.

Wareysi ujeedo gaar ah laga lahaa kuna saleysnaa inla faafiyo belaayo abuur ayey markale WAAHEEN u badheedheen, wariyihii sheegaayey barnaamijka ayaaba ku bilaabey ereyada ah in Cismaan Hindi lagu dhaawacey weerar la soo abaabuley, halkaas oo aad ka arkeyso sida ay u cadeysteen arrinkana u dhigiyaan, waxa Cismaan ugu jawaabey ninka  wareysana ayey markiiba, waxa horteyda yaala wargeyskala yidhaahdo Waaberi waxaana ku qorean buu yidhi in sarkaal ka tirsan Kulmiye u sheegey in ay dalka S/land dagaal ka ridiyaan, waxa anu isla markaas ku andacoodey in Kulmiye soo abaabuley weerarkan ka dib markii aan  jaw aab ka siiyey buu yidhi aflagaado ay Gudoomiye, mujaahid Siilaanyo iyo Mujaahid Mohamed Kaahin ii geysteen, waxa akhristow halkaas ka cad in arrintu tahay mid faashila oo ay iyagu abaabul u qorsheysnaa tan si aan is qaban karin ay rabeen in ay isu qabadsiiyaan, waxaana markiiba odeyaashiisii maqley la xidhiidheen qaarna uba tageen Cismaan, waxaabuu is yidhi wey ku soo booqdeen wey ku damqadeen, balse waxa ay u sheegeen in ay marar badan oo hore la hadleen una sheegeen in u ka waantoobo ficilada nabadgelyo darida abuuraaya iyo cayda, waxayna u cadeeyeen in aanay ka aqbaleynin in u kula soo galgasho been abuur iyo ficil dhalinaaya nabadgleyo daro, qaarkoodna waxaabey yidhaahdeen waar filim hore loo soo galey baad 2010kii meteleysaa dadkana ka fadhiiso waad waalateye, waxa la xaqiijiyey in u odeyaashii qaarkood halkaas la isku faro saari gaadhey.

Haddaba, anigu isaga lama yaabani oo wax aanu isu geysan kumey dhicin, balse WAAHEEN oo ay u muuqato wiilka UDUB u shaqeynaayey ee lacagtiisii isaga iyo dhalinyaro kaleba  maq an tahay lana garanaayo magaciisa, reerkiisa iyo shaqadiisaba waxa ay ugu badheedhey in ay Cismaan la faafiso nabadgelyo darrad, beenta iyo cayda una buunbuuniso wixii lid ku ah madaxda Kulmiye iyo doorashooyinka la filaayoba. Waxaase hore loo ogaa in nimankii hore u isticmaaley Cismaan baradana ka saarey, beentana u sheegey, kaadhkana ka gubey kagana baxay arrimo badan, kuna ridey baddan u ku jiro ay weli sidii aalad yar oo kolba la buuxiyo ay u soo afuufeyaan, Balse WAAHEEN waxaan leeyahay caafimaadkii Cismaan iyo mustaqbalkiisiiba idiinkaa la idiin haystaa.

 

 

 

 

Amina Goljanno