Cismaan Cabdillaahi
Cigaal oo ka tirsan gudida fulinta ee Xisbiga
Talada Haya
Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo ka
tirsan gudida fulinta ee Xisbiga Talada Haya ee UDUB ayaa xisbiga
KULMIYE ku eedeeyay inuu wado siyaasad xumo uu ugu yeedhay Ku qabso
ku qadi mayside, taas oo horseeday inay ku fashilmaan doorka ay
Xisbiyada Qaranka kaga jiraan isla markaana la jaanqaadi kari
waayaan shirarka iyo wada tashiyada u socda seddexda xisbi qaran.
Isaga oo cismaan Hindi siyaasada Hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYe ku
sifeeyay mid majara habawsan oo aan lahayn meel ay ka socoto iyo
meel ay ku dhamaanto toona, waxaanu intaa ku daray in
masuuliyiintoodu yihiin siyaasiyiin in badan saaxadda siyaasadda ku
soo jiray haddana aanay cadayn mowqifkooda iyo yuhuuntooda
siyaasadeed, shacbiga reer Somalilandna ay ku beer laxawsadaan wax
uu ugu yeedhay Power Sharing ama awood qaybsi, taasi oo aan meelna
dastuurka kaga oolin oo uu Kulmiye iskala laab kacay.
Cismaan Hindi waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu caawa la
yeeshay weriye Xasan-keefkeef oo ka tirsan shabakada wararka ee
Qarannews, waraysigaas oo uu si kulul u naqdiyay majaraha Xisbiga
KULMIYE haysto iyo qarka uu jafayo waa sida uu hadalka u dhigaye
waxa uu u dhignaa sida tan:
Su’aal: Cismaan waxa jirtay in xisbiyada qarankaniyo Kamooshinku ay
kulmayeen ayaamahii ina soo dhaafay, maxaa ka wada hadasheen?
Jawaab: Haddaanu xisbiyada Qaranka nahay maanta ilaa shalay waxaanu
isugu nimi sidii aanu uga wada tashan lahayn arrinta Komishanku noo
soo jeediyay ee Muddo Kordhinta wakhtigii loo cayimay inay
doorashadu qabsoonto, kaas oo ay Komishanku soo jeediyeen inaanay u
cuntamayn wakhtiga doorashada loo cayimay ee 29.March.2009, sidaasi
darted loo baahan yahay wakhti dheeraada, markaa haddaanu nahay
Xisbiga UDUB iyo Xisbiga kale ee UCID waanu soo dhawaynay
garawshiiyaha komishanka hase yeeshee waxa ku gacan saydhay xisbiga
KULMIYE, iyana waxa weeye dib inaanu ugu noqono oo aanu walaalahayo
u caqli celino oo aanu u sheegno duruufta ay ogyihiin ee Muddo
kordhinta keentay inay Markhaati ma doon tahay.
Waxaananu u ballansanahay Berri Salaasada haddi Alle yidhaahdo,
hadii ay na diidaana Kulmiye, go’aankaas annagu waanu saxeexnay waxa
ay u taallaa inay jawaab cad ka soo saaraan komishanka qaranku,
arintani ma khusayso golayaasha qaranka iyo cidkale toona, ee waa
arin u taala kamooshinka.
Su’aal: Cismaan sida aad tibaaxday maalmahan u danbeeyay seddexda
Xisbi Qaran iyo Komishanku shirar bay lahaayeen waxa jirtay in la
isla qaatay in muddo 90 Maalmood ah dib loo dhigo doorashada, markii
horena xisbiga KULMIYe wuu ogolaa laakiin markii danbe shalay waxa
ay sheegeen in haddii la kordhinayo muddadaas inta ka horaysa la
dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo ka madax banaan Xukuumadda
Madaxweyne Rayaalle, Arrintaa sideed u aragtaan?.
Jawaab: Waa nasiib darro in siyaasada xisbiga KULMIYE ee Macan-gaga
ah ee Jahawareersan ee dhinac ay u socoto iyo dhinac ay ka socoto la
garan la’yahay ay maanta sal u noqoto weedhaha siyaasada ku dhisan
ee KU QABSO KU QADI MAYSIDE. Somaliland waa la ogyahay distoor baa
yaal xeerar baa yaal, kuwaasi oo si cad u qeexaya in Madaxweynaha
Maanta jooga uu bedeli karo oo kaliya Madaxweyne la soo doortay,
kolkaa xisbiga KULMIYe way iska indho tirayaan distoorka, waxaanay
rabaan inay wadanka ka dhaliyaan buuq iyo qas aan jirin.
Arintan dib loo riixay doorashadu in ay qabsoonto ma aha mid ay
xukumadu ka danbaysay, xisbiyada qarankuna way ogyihiin kamooshinka
iyo umada reer Somaliland way ogtahay, xukumadu diyaar ayay ahayd,
waxana ay diyaar u ahayd in ay qabsoonto doorashadu wakhtigeeda,
kuwa jeclaa in ay dib u dhacdo waa Kulmiye, ee doonaayay in ay qas
ku abuuraan dalka iyo dadka, taasina wax soconaysa ma aha oo nin
muraad leh wadanka ma qasi doono, xukumadu waxa ay mar kasta
raacaysaa dastuurka iyo qawaaniinta dalka u taala taasi ayaana
soconaysa, waxa aan ku leeyahay cidna sharciga kama weyna.
Runtana hadii loo tago iyo xaqiiqda waxa og gudiga kamooshinka oo ka
wada kooban sadexda xisbi qaran, oo iyagu soo bandhigay in ayna
suurto gal ahayn in ay doorasho qabsoonto sababo dhowr ah awgeed,
taasi oo ay ugu horayso dib u dhicii inagu yimid xiligii la ina
qarxiyay oo mudo dib u dhac ah inagu keenay iyo kala shaandhaynta
tirada dhabta ah ee codayn doonta oo iyana wakhti u baahan in la
kala saaro, waxaas oo iskaashaday ayaa ka mid ah waxa dib inoo
dhigay markii aanu dhagaysanay kamooshinka qarankana ee ay noo
sharaxeen waanu ku qancnay hadaanu nahay xisbiyada qaranka macaa
iyagu way ogyihiin oo xaqiiqda meesha taala way ogaayeen waana ay
taabcsanaayeen.
Markii ugu danbaysay ayuunbay balaayo is tusatay oo kursigu u
sawirmay in ay sidaasi ku helayaan ay hada ku hadaaqayaan taasina
waa riyo been ah ee meesha waxa loo baahanyahay in lagu kala baxo
cod bixin xalaal ah oo aan qofna laba kaadh oo bug ah hoosta kala
soo bixin ee qof kastaaba uu hal kaadh la soo baxaa dabadeedna
codeeyaa, taasi waa ta saxda ah ee caalamka iyo dadkeenuba doonayaan
lakiin Kulmiye waxa uu rabaa in uu baal xoofto iyo boob uu wax ku
qaado iyo cago juglayn been been ah, dee taasina soconmayso oo waa
la soo jeedaa ee yaanay been isu sheegin shicibkana wareerin.
Su’aal: Haddii aan ku weydiiyo su’aal taas ka duwan waxa jirta in
Madaxweyne Rayaalle Maanta u baxay safar uu ku tegeyo wadanka
Ingiriiska, halkaas oo ay ku sugan yihiin badiba Masuuliyiinta
Mucaaradka, waxaana dadku leeyihiin dawlada ingiriisku waxa ay
Rayaalle ugu yeedhay si ay wax uga weydiiso dacwad ka dhan ah isaga
iyo xukuumadiisa oo Mucaaradku u gudbiyeen, arrintaa maxaad ka
leedahay?
Jawaab: Horta waa nasiib darro in suuqyada Hargeysa waxa lagu hayo
uu ka danbeeyo xisbiga KULMIYE, oo ah dacaayado raqiis ah oo uu
KULMIYe rabo in Somaliland siyaadeeda lagu foof-daran habaabiyo.
Madaxweyne Rayaalle halkaas (Ingiriiska) waxa uu ka helay Marti qaad
rasmi ah oo lagag wada hadlayo danta Somaliland iyo mida Ingiriiska,
socdaalkana waxa uu ahaa mid sii qorshaysan markaa markii ay maqleen
madaxweynaha ayaa tagaaya UK, ayay suuqa waxaasi maalaayacniga ah
gashadeen oo ay dadka ku majaro habaabinayaan guulaha safarka
madaxweynaha oo ah mid rasmi ah, waana been waxa ay suuqyada la
taaganyihiin.
Su’aal: Idinku ka UDUB ahaan rajo intee leeg baad ka qabtaan inaad
mar labaad hantidaan doorashada Madaxtooyada, ama taageero intee
leeg baad haysataan hadda?
Jawaab: Xaqaaiqa runta ah marka laga duulo, waxaanu is leenahay
doorashada dhawr boqol oo Kun ayaa KULMIYe iyo UDUB u dhaxayn doonta
ugu yaraan 70% umada waanu hantiyaynaa baanu is leenahay,waxa aananu
ku kalsoonahay shicibkayaga iyo dhamaanba umada reer Somaliland,
xisbiga UDUB-na waa xisbi nabadeed oo horumar balaadhan iyo
qorshayaal dhaadheer umada u wada caalmkuna maanta waxa ay sugayaan
doorashadeena, markaa xisbiga UDUB iyo xukumadaba waxa miiska u
yaala qorshayaal wax qabad oo xaqiiq ah oo la arki doono.
Maanta waxa guul inoo ah in aan dalkeenii oo dhan joogno oo
Somaliland ay midaysantahay oo gacmaha la is haysto hadii Kulmiye
yimaado waxa hubaal ah in ay sidii lagu yaqaanay ay dadka iska hor
iyo daba keeni doonaan oo ay colaado sokeeye abuuri doonan oo ay
wadanka kala qaybin doonaan magaalo kastana ay colaado sokeeye ay
dhex dhigi doonaan, markaa waxa aanu uga digaynaa shicibka in ay ka
foojignaadaan xisbigaasi oo ayna codkooda eersan.
Su’aal: ugu danbayn waxaan Xisbiga KULMIYe waxyaabaha uu ololaha ku
galo waxa kamida in isbedel loo baahan yahay, idinku maxaad arrintaa
ka leedihiin?
Jawaab: Horta isbedelka aad sheegaysaa ma mid siyaasadeed baa mise
waa mid leadership ah , Kulmiye waxa uu u jeedaa isbedel marka
uuleeyahay in hogaanka dalku gacantooda galo oo waxay had iyo jeer
ka dhawaajiyaan inay iyagu ku cusub yihiin siyaasada iyo hogaanka
sidaa darted mid cusub loo baahan yahay, laakiin arrintu sidaa maaha
waxaan doonayaa inaan ka dhawaajiyo ragga KULMIYE ka taliya nin aan
xukuumada soo marin majiro haddii ay noqoto Axmed Siilaanyo, Muuse
Biixi, Maxamed Cabdi Iskeerse, haday tahay Cabdi Aw Daahir, ama
haddii ay tahay Gaboose, Maxamed Xaashi. markaa marka ay leeyihiin
isbedel baanu rabnaa xagee bay iyagu ka keenayaan, dhibta jirtaa
waxay tahay ragaa soo maray xukuumada ee ku guul daraystay ee la
ogyahay.
Kulmiyena wax isbadal ah oo ay hayaan ma jirto, waa dad fikir
gaboobay uu ka wada buuxo, cidkastaana way ogtahay oo xitaa caruurta
ayaa ka dheregsan in ay kursi ay ku fadhiistaan mooyaane ayna lahayn
wax qorshe ah, waxan aad arkayso waa wax xukumadihii kala duwanaa
laga caydhiyay markii ay gudan kari waayeen xilalkoodii markaa iyagu
in ay cid dhaliilaanba ma aha.
Sida ay doontaba ha ahaatee waxa aan leeyahay haday wax isla hayaan
badka ha iskeenaan oo doorashada la galaa, waxba yaan la
goolaaftamin oo been la isugu sheekayn iyo waxaasaan samyn hadii
kursiga la iiga kici waayo, kursigana sharci ayuunbaa lagaga kacayaa
hadii laga kaco xoog iyo dam damta ay raga qaarkood sheeganayaan waa
sheeko baralay iyo huuhaa nina sharciga kama weyna ayaan leeyahay.
Qarannews
|