CIMRIGAY INTUU JIRAY CARRO EDEG INTAA MARAY WELLI CAYNKAN KUMA ARRAG

 


1. Cuqubada Ilaahay iyo cudur aan la garanayn caadollow u soo keen waa caasi kuwani eh

2.Caaqil iyo carruur iyo cawo dhalad ma eegaan cidna uma daneeyaan

3.Cibaadada wanaagiyo camalada ilaahay ayey ceeb u jiidaan cudurkani ma guuraan

4.Cirfiidada shaydaankiyo cadawyada ilaahay caradeena soo galay in la cidhib tiraa wacan

5.Cudur bay ka qaadaan nabad ceeshka dunidiyo caqli inuu shaqeeyee waa maxay canbaartani

6.Ciladoodu waxay tahay caalamkaa an gaadhniyo cududeenna adag bay calool xumo ka qaadeen cadhadani ma guuraan,ceebtani wareegtaa

7.Cawaankani roorayaa,cumaamad iblays wataa,carruuraha gawracaa

8.Cawdaa u gu i doontoo cadho allaa ku iman doontoo ,culimaday khilaafeen,casharaday qaloocsheen

9.Caamadani is qaxisaa carruuteennii maahee waa camalo shaydaan waa ceebbo soo baxay

10.Cimrigay intuu jiray carro edeg intaan maray welli caynkan kuma arag

11.Caawa caynkan aan nahay caadil mahadii weeyaan ,cidhifyada ha laga jiro yaanu cadawgu soo gelin cid kastaba ha sheegtee
 

 

 

 

By: Abdirahman Ibrahim Bouh