Ciidanka Qaranka Oo Faah-faahin Ka bixiyay Hawl-galkii ay ku galeen Talleex

 


 

Hargeysa (TNN):- Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Cismaan Cabdilaahi Siciid ayaa sheegay in cutub ka mid ah ciidanka qaranku uu gaadhay degmada Taleex ee gobolka Sool. Waxana uu tilmaamay in ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada asi.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Cismaan Cabdilaahi Siciid oo shalay u waramayay qaar ka mi d ah warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in aanay wax dagaal ahi ka dhicin qabsashada magaalada Taleex waxana uu xusay in ciidanka qaranku isku fidin doonaan xuduuda Soma liland.Cismaan Cabdilaahi Siciid oo ka hadlayay qabsashada magaalada Taleex waxa uu yid hi “Taleex waa degmo ka tirsan gobolka Sool ee Jamhuuriyada Somaliland ciidanka Qaranku awalba wuu joogay gobolka Sool. Markaa cutub ka mida ciidanka qaranka ayaa Taleex gaa dhay, waxaana hore u joogay ciidamo deegaanka ah oo ciidanka qaranka ka tirsan, markaa kormeer ayay ku tageen si nabadana way ku gaadheen.”

“Magaalada Taleex cadow lagu duulo ma joogo waa dhul Somaliland ah, cid haysatayna ma jirto. Ciidanka qaranka si caadiya ayuu u tagay waana lagu soo dhaweeyay. Haba yaraat ee wax dagaala oo iska caabina oo ciidanku la kulmay ma jiro. Bishii horena degmooyin kale ayay tageen ciidanka qaranku laakiin Khaatumo ku maanaan ogayn Taleex oo ma joogaan haddii shir ka dhacayna dadka deegaanka way shiri karaan.”


Afhayeenku waxa uu tilmaamay in ciidanka qaranka ay gaadhi doonaan xuduudaha dalka oo dhan, “ciidanka qaranku xuduudaha Somaliland wuu tagayaa manuu qabsan Taleex waa ciidan magaaladiisii tagay, awalba gobolka Sool wuu ku sugnaa oo ciidan xoog badan ayaa jooga. Sidaa daraadeed degmooyinka xuduudaha waanu tagayaa.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dhirbaaxo ku dhufan doonaan cidii ku soo xad gudubta xuduuda Somaliland “diyaar baanu u nahay cid kasta oo ku soo gardaroota xudu uda Somaliland, cid kasta oo soo gasha difaaceedii waanu leenahay. Puntland waa gobol ka mida Soomaaliya xuduud baanu leenahay Soomaaliya. Xuduudka Somaliland waa mid caal amiya oo la yaqaano oo gumaystihii jeexay oo sida loo kala dagan yahay la yaqaano.” ayuu yidhi afhayeenka ciidanka qaranka Somaliland.”
 

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland