Ciidanka Booliska Oo Xabad Ku Kala Kaxeeyay Dad weyne Xamili Waayay Surmiga Biyo La'aanta Ee Taabatay Caasimada Hargeysa

 

"Luuqada Xukuumadu ay wax ku fahantaa waa Mudaharaadyada ee waxaanu hilfaha u laabi doonaa xafiisyada ay fadhiyaan Wax Ma Tarayaasha Rayaale," Fadxiya Axmed Ciise


Haween, Carruur, iyo dhalinyaro aad u badan oo ka mid ah dadweynaha degm ada Axmed Dhagax, ayaa caawa gadooday, ka dib markii habeenkii siddeedaad ay Biyo u soo dhici waayeen, waxaanay mudaharaad aad u balaadhan ay ka  sa meeyeen Jidka laamida ah ee u dhaxaysa Cisbitaalka gaarka ah ee Edna  Mate rnity Hospital illaa Garoonka weyn ee kubadda cagta ee Hargeysa Stadium. wax aanay jidkaasi kala xidheen muddo laba saacadood ku dhow.

Dadweynahaasi oo ay Ciidanka Boolisku ay ku rideen xabado aad u badan si ay u kala kaxeeyaan ayaa waxay wadadaasi ku gubeen taayiro iyagoo Gaadiidka Dawlada ee watay astaanka Lambarka gaadiidka dawlada ee (GT) shiidayay.

"Dawladu dhagaha ayay ka furaysatay inay ummadan reer Hargeysa ay Biyaha u soo furto waxaan halkan ka caddaynaynaa in aanu mudaharaadyo balaadhan maalmaha soo socda bilaabi doono haddii aanu nahay dadweynaha ku dhaqan shanta degmo ee caasimada Hargeysa, waxaanu galaynaa xataa  Madaxtooya da haddii maalintii sagaalaad aanu ku biyo beelay caasimadii Somaliland" sidaas waxa yidhi Nuur Cismaan, oo ka mid ahaa dhalinyaradii hor kacaysay mudahara adkaasi oo aad u cadhaysnaa.

"Luuqada Xukuumadu ay wax ku fahantaa waa Mudaharaadyada ee waxaanu hilfaha u laabi doonaa xafiisyada ay fadhiyaan Wax Ma Tarayaasha Rayaale U Shaqeeyaa,"ayay Tidhi Fadxiya Axmed Ciise, oo ah Hooyo ka mid ah dadkii muda haarkaasi ka qeyb qaatay.

Ciidamo boolis ah oo aad u badan ayaa la geeyay jidkaasi, kuwaasi oo illaa imika ku sugan, waxaana goobta yimid Taliyaha Hoggaanka Hawl gelinta ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in ciidanku goor dhawayd ay Saldhiga Iftin ee degmada Axmed Dhagax ku xidheen dhawr dhalinyaro ah, oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaadatay mudaharaadka.

Mid ka mid ah dadweynihii mudaharaadkan soo qaban qaabiyay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ay shanta degmo ee magaalada Hargeysa ay si wada jir ah maalmaha soo socda isugu soo baxayaan mudaharaad weyn oo lagaga soo horjeedo wax uu ku tilmaamay surmiga biyo la'aanta ee maamul xumadu keentay.


Muddo todoba cisho ah waa mudaharaadkii saddexaad ee dadweynaha reer Hargeysa ay kaga cabanayaan biyo la'aan, hase ahaatee xukuumada Somaliland ayaan cabashadan wax jawaab ah ka bixin.





Ramaasnews