Ciidammadu Waa Mujaahidiin La soo Dagaalamay Afweyne, Damiirkoodu Siin Maayo In Wixii ay ka Dagaalameen kula Kacaan shacabkooda

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  UCID Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in Komishanka  Doora shooyinku yihiin kuwa masuulka ak ah ceebta iyo fool xumada qaranka  Somalil and kala kulmay dib-u-dhaca doorashooyinka, sidaa darteedna dhawaaqan  ha da ka soo yeedhay ee ku sheegeen in aanay ku qabsoomayn muddadii loo  cayi may uu yahay wax aan qiimo lahayn oo aan cidna dhegaysanayn.


Guddoomiyaha oo xalay khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya, waxa uu sheegay in mooshinka maamuus-ka-xayuubinta ah ee golaha wakiilada  hor yaalaa uu yahay mid ka dhashay ceebta Komishanku u soo hooyeen, sidaa  dar aadeedna aanay ahaynba in wakhtigan laga hadlo doorasho wakhtigeedii ku  qa bsoonta maadaama buu yidhi; ‘uu miiska saaran yahay mooshin  madaxwe ynaha xilka lagaga qaadayo.’


Md. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan dhawaaqa  Ko mishanku ku shaaciyeen in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigii loogu talogalay ee 27 September 2009, waxa uu yidhi; “Horta khalkhalka maanta jira waxa ka masuul ah Komishanka Doorashooyinka oo waa nimanka halkaa na joojiyey ee doorashooyinkii inay qabtaan ku guul daraystay, markaa hadalkan ka soo yeedhay mid wax taraya maaha, wax qiimo ah oo uu leeyahayna ma jirto, waana nimankii shalay ololaha u qabtay xisbiga qudha ee lahaa  doorash aa dhacaysa ee waa in xisbiyadu ka qaybgalaan ololaha.


Komishanku iyagaa ka muul ah maamuus-ka-xayuubinta Golaha Wakiilada  hor yaal, kadib markii ay ku fashilmeen inay dalka ka qabtaan doorashooyin, haddii mooshinkii maamuus-ka-xayuubinta madaxweynuhu miiska yaal in doorashaba laga hadlo maaha, hadalka Komishankuna wax ka soo qaad malaha.”


Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyey sida uu u arko ciidammada xad-dhaafka ah ee la soo hordhoobay xarunta Baarlamanka iyo lacago qayrul-xad ah oo  xuku umaddu ku bixinayso sidii loo fashilin lahaa mooshinka maamuus ka xayuubinta ah, waxa uu kaga jawaabay; “Ciidammada Somaliland u shaqeeyaa waa  mujaa hidiin la soo dagaallamay taliskii Afweyne oo dalka ka xorreeyey, markaa  damii rkoodu siin maayaan inay shacabka Somaliland kula kacaan wixii ay ka soo  dag aalameen iyo sidii ciidammadii Siyaad Barre ula dhaqmi jireen shacabka maatida ah ee reer Somaliland. Waxaan anigu aaminsanahay in ciidammadeennu aanay ku dhaqaaqi karin tallaabooyin dalka lagu curyaamiyayo iyagoo quluubtooda ku sawiran tahay halgankii qadhaadhaa ee ay xorraynta dalka u soo galeen.


Lacagta la qaybinayo ee xad-dhaafka ah waan maqlay, markaa waxaan  leeya hay lacagta Ina Rayaale ma laha ee waa lacagtii ummadda ee ka cuna oo ka footeeya, sidii doorashooyinkii oo kale ee inta laga qaatay xoolaha badan oo laga cunay hadana laga codeeyey.”


Waxa kale oo guddoomiyaha la waydiiyey haddii lagu guulaysto maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha maxaa idiinka qorshaysan buuxinta jagadaas, maa daama oo aanay doorashadii madaxtooyadu qabsoomayn si aan kursigu u  ma dhnaan, waxa uu yidhi; “arrintaasi xisbiyada oo qudha uma taal ee waa mid u taal shacbiga Somaliland oo dhan iyo golayayaasha qaranka, tallaabada la  raa cayaana waxay ku qoran tahay dastuurka,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Eng. Faysal Cali-waraabe




Source:Jamhuuriya Online