Ciidamada Booliska Somaliland oo Maanta Xabsiga Dhigay Gudoomiyaha Urur Diimeedka Xisbullah

 

 


Sheekh Maxamud C/laahi Geelle waxa y Xukuumaddu dhawr jeer u taxaabtay Xabsiga, hase yeeshee mar kasta ......


Hargaysa (TNN) qaar ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa manta xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamud C/laahi Geelle oo shalay shir jaraa’id oo uu ku wareerayo masuuliyiin ka tirs an Xukuumadda iyo dad kaleba inay yihiin Kooxo Diimeedyo kala duwan oo doonaya Somaliland inay Fawdo galiyaan.

Sheekh Maxamud C/laahi Geelle waxa y Xukuumaddu dhawr jeer u taxaabtay Xabsiga, hase yeeshee mar kasta iyada oo aan Maxkamadd gayn ayay iska sii daysaa, xadhigan imikana lam a garanayo inuu la mid yahay kuwii hore iyo inkale.

Shirkiisii Jaraa’id ee shalayna wax aka mid aha hadaladiisa “Waxan la hadlayaa Labbada Wasii r ee kala ah Wasiirka Maaliyada, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo aan Nasteexo u jeedinayo, Ugu Horeyan Waxan leeyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maalin Dhaweyd waxad Sheegtay in Aamanka Somaliland uu yahay Boqolkiiba Boqol yahay Mid Sugan, Gaaladuna Been Sheegaya an, malaha Adigu gaal Odhan mayside, Imikana Waxad sheegtay in Ingiriiska iyo Gaaladu Run sheegen, Amni Daradii ingiriisku sheegayeyna ay Somaliland Xididad u siibtay ayaad Warbaahi nta u sheegtay, Wasiir ma maalinta Horaad Qaldanaydoo waxba maad ogeyn, Mise maantada Qaldantahyo Dan kale ayaa soo gashay meesha, Muda Somaliland qaadan mayso in hdal Masu ul Dawladeed uu hadalkiisu isburiyo, Aadanay Dhib kugu tahay If iyo Aakhiro meel uun ku adk ayso ayaan ku leeyahay,”Ayuu yidhi Guddomiyuhu Sheekh Ma xamed

Wax kale oo ka hadlay baayaan dhawaan ka soo baxay koxada Alictisam waxanu sheegay in ay kooxdasi tahay tii dhashay Kooxda Alshabab, waxanu ka dayriyey in kooxadasi dooansyo in Somaliland u soo xawisho nabadgelayo darada ka jirta somaliya. “Kooxo magacyo sita kuna qadhaabta magaca diinta islaamka asal ahaana laga soo dira dibadaha markaa waxaan leeyah ay jameecaadkan diba laga soo dirayoow dadkan iyo dalkan iyo diintan si ay khalkhal u galiyaa n loo soo wakiishayoow dadku waa dadkiinii diintuna waa diintiiniie shilimo yar oo aydiin daadi yaa yaanay indin kala qiimo badnaanin shilimada iyo dhaqaaluhu way iska dhamaan laakiin dadka iyo diintu midna qudhi maayaan jaacaadkaa si gaara waxaan carabka ugu dhufanayaa la ba jameeco oo aad moodo inay si gaara ugu mamsan yihiin inay kol uun xukunka gaadhaan ta koowaad mid la yidhaa al ictisaam oo asalkeedu yahay itixaad”Ayuu yidhi

Sheekh Maxamud Cabdilaahi geel wax kale oo uu baaq u diray wasiirka Maaliyada waxanu yid hi ““Wasiirka Maaliyada waxan leeyahay Wax laysla Dhexe maraya in habeen dhaweyd aad hotelka Maansoor oo aad Cusuumad Balaadhan aad ku sameysay oo dhaqaale badan aad ku bixisay, hadaba wasiir waxanu maliyeenayaa in aanay lacagtaasi ahayn hanta meel ku taalay laba mid uubay ka timid ama waa handti dadkani lahaa ama waa hanta kaasoo gashay ururka aad ka tirsan tahay ee islaax hadii ay tahay hantidii dalkan iyo hadii tii jameecada kale ee aad ka tirsan tahay tahayba walaal waxaan ku leeyahay umadani way baahan tahay burbur dhaq aale ayaa haysta oo burbur akhlaaqeed baa haysta mushkilad caafimaad baa haysata oo dhi baatada umadan haysata lama soo koobi karo Hadii ay jirto lacagta aad halkaa ku kaambayn garaynaysay waxaan kugula talinayaa imika kaa dhacdaye umadaa lacagtaa u baahane dany a rteena agoonteena bukaan keeda haloogu naxariisto oo umada hala galiyo lacagtaasi.”Ayuu yidhi.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland