Ciidamada Booliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay Shucayb Maxa med Muuse, oo ahaa Musharax u tartamaya Golaha Wakiillada



Hargeysa (TNN) :-Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ah Xubnaha Doorashadda Golaha Wakiil adda ee Gobolka Maroodi Jeex u Tartamaaya kana Tirsan Saraakiisha Xisbiga Ucid oo Xilka Xoghayaha Be eraha uu ka hayey’ ayaa Goor Dhawayd Xibsiga ay u Taxaabeen Ciidamadda amaanka ee Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yusuf Kayse Guuxaa oo Warkani ii Xaqiijiyey’ ayaa sheegay in Qoyska Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo Xisbiga UCID la soo Xidhiidhay inay u la socod siiyeen in Goor dhawayd ay Ciiddamo kuwa ahaanka ee Dowladda Somaliland ka Tirsani Xabsiga u Taxaabeen Mura shax Shucayb Maxamed Muuse oo Hargeysa ku sugnaa’ balse Xoghaye Yuusuf Kayse wuxu sheegay in aanu ilaa hada ogayn Xisbiga UCID Sababta ay Dowladdu u cuskatay cid kala soo xidhiishayna aanay jirin Xisbiga sababta rasmiga ee Dowladdu ku sababaysay iyo dambi loo xidhay Sarkaalkan Xisbiga ka tirsan ee sido kale ka mida Xubnaha 20 ka Murashax ee UCID uga qaybgalaaya Doorashadda Golaha wakiiladda ee Somaliland.

Ugu dambayn Murashax Shucayb Maxamed Muuse ayaa maalintii Salaasadii Salaasadii ee ina dhaaftay S axaafadda u sheegay in Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye ay Shirqoolo iyo Jalaafooyin ka dhan ah Murashaxnimaddiisa Kursiga Baarlamaanka ee xisbiga UCID uu kaga sharaxan yahay lagu doona ayo in xoog iyo Awood Dowladdeed loo adeegsanaayo si looga faro maroojiyo ama uu u Tanaasulo balse Taa badalkeeda uu ku Hanjabay in aanay marnaba arin u Cuntamaysa oo lagu baraq jabin karo aanay ah ayn isku dayga Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ay isaga dagaalka kula jiraan waa sida uu hadalkiisa u dhigaye.