CIIDAMADA BOOLISKA OO KA SOO CELIYEY ENG FAYSAL CAABUDLA ISAGA IYO WAFTI XISBIGIISA UCID AH

  

Ciidamada Booliska ee Kaantaroolka Caabudla ayaa Maanta iska hortaagay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wefti oo hogaaminayey in ay Saaka taagan , una gudbaan Magaalada madaxada Gobolka Gabiley ee Gabiley.iyada oo Ujeedada wafitga uu hogaaminayay Eng Faysal Cali waraabe lagu sheegay in ay ka qayb galayeen xafald uu xisbigiisu kaga furanayay Xafiis magaalda Gabiley xadhigana uu ka jaro Gudoomiyuhu xafiiskaas.

Ciidamada Booliska ee Somaliland ee ku sugan Bar kaantarool ee tuulada Caabudla ee u dhaw Abaarso ayaa waxay dib ugu soo celiyeen magaalada Hargeysa iyaga oo ku sheegay in ay amar ku haystan in Gudoomiyaha iyo Waftigiisa in aanu ka gudbin Bartan kaantarool.

Gudoomiyaha xisbga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, oo arrintan ka hadlayey, waxa uu ka horjoogsiga ay ciidamdu ku horjoogsadeen safarkooda ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka hormarinaysa nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hanno qaaday, waxana uu xukuumada si kulul ugu dhaliilay arrintan.

Maaha markii ugu horreysay ee ay xukuumadda is-hortaagto dibna u soo celiso xubno ka tirsan Axsaabta Mucaaridka, balse toddobaado ka hor ayey ahayd markii ay ciidamada Boolisku isla tuulada Caabudla ay ka soo celiyeen Dr. Obolos, oo ka tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye, xili uu ku sii jeeday Magaalada Gabiley.

Dib usoo celintaa ka dib ayaa warbaahintu su'aalo dhawr ah waydiisay Eng Faysal, su’aalahi iyo jawaabiina waxay u dhaceen sidan:

Guddoomiye ficilkani maaha mid cusub ee wuxuu hore ugu dhacay qaar ka mid ah saraakiisha Axsaabta oo ay ku jiraan Guddoomiyayaal xisbi, markaa waa maxay talaabada aad qaadaysaan?

Ficilo badan oo aanu samayn karno ayaa noo furan ee dalkayaga ayaanu u naxaynaa, markaa ninkaa (Rayaale) in yar baa u hadhay, marka doorasho fiicani inoo gasho ILLAAHAY baa qaawinaya, markii hore shaadhkuu tuuray, macawistuu tuuray haddana nigiska ayuu tuurayaa, isaga oo qaawan ayuu ka baxayaa Insha ALAAHU. Waa ninkaa Adhiga iibinaya, ee TOTAL shidaalka shubaya ee meel kasta ku jira ee kaluumaysanaya ee kiishka wayn inoo soo toshay, inaga ayaana isugu wacan oo waxaynu wax u dhiibanay nin aan waxba ahayn.

Guddoomiye taageerayaashii xisbiga UCID iyo dhalinyaradii Gebilay idinku sugaysay maxaad ku qancinaysaa?

Waxaan leeyahay waad mahad-san tihiin, maantana awoodu 70% waa dhalinyaro, 4 oday oo la siiyo shaani ayaa been u sheegay oo yidhi Gabiley way kuu xidhan tahay, xoogu maanta waa dhalinyarada iyo haweenka waa kuwii dalka xoreeyay waa kuwii u dhintay, waxaanu leenahay codkiina bixiya oo is abaabula, dalkuna waxa uu u bahan yahay in laga saaro dadkan maanta gacanta ku haysta, way ina ceebeeyeen sharafteenii bay dileen.

Bal dadkeenaa maanta dal qudha la saaxiibi kari waayay, iskadaa Ictiraafoo, safarbuu tagayaa wuu soo noqonayaa, markaa ninkii Sakaaradu dhaaftay wuxuu yidhi ta danbaba, shantan sanno e danbaba waa kaase eega, anaga ayaana badbaadinayna.

Af-waynaa inaga tagay oo ka balaayaysnaa oo fariid ahaa, xaajigani wuu iska tagayaa, si fiicana waanu sagootiyaynaa, laakiin anaga iyo reer Awdal isku kayo diri maayo, oo odhan maayo markii uu saaqiday reer baa la igu dilaayaa, maalin igumay qaadateen inaan ka soo saaro godka, laakiin aniga ayaan samaynayn. Ma aniga ayuu Hargeysa iigu diidaa inaan Gabiley tago Rayaale, dalka shisheeyaha ayaanu ka ilaalinaay’e ninkii aanu dooranay la qasan mayno, horaanan u sheegay inuu kufsaday dalka, laakiin cod baanu kaga kicinaynaa Kursiga.

 

 


Togaherer