|
CIID MUBAARAK ..KU CIIDA CAAFIMAAD.
  
Waxa inoo dhammaatay bisha ugu kheyr badan bilaha, bishii quranka,
bishii taraawiixda, bishii sadaqada, bishii naxariista, bishii
soonka Alle, ee miskiin iyo maalqabeen ka sintay gaajada iyo
haraadka. Waa mid ka markhaati ah midnamadeena iyo in jaceylka iyo
cibaada da Alle ku dhisantay sinnaan. Waajib loo siman yahay iyo ajar
la wado doonaayo.
Mahad oo dhan ALLE ayaa leh, ILAAHA inaga dhigay Muslim, ILAAHA
inagu tilmaamay ina ynu nahay ummadda ugu kheyr badan ummadaha, Waxa
nasiib leh inta Alle waafajiyey so onka, taraawiixda iyo quraan
akhriska, inta raacsatay sadaqad iyo quudinta saa'imiinta.
Waxa iyana nasiib leh inteena caafimaad iyo nabad ku ciidaysa ee
meel nabad iyo naruuro ah ku tukanaysa salaadda ciida, wadajir u
akhriyeysa takbiirta cabsi laáan. Waa nimco ay garanayaan inta ay ka
maqantay.
Waa ayaan barakaysan oo Islaamku ku midoobay, caddaan, madow,
maalqabeen, faqiir, taliye iyo loo taliye, wiiliyo waayeel, rag iyo dumar. Waa kulan farxadeed, waa madal xara go,
waa muuqaal Alle ka cabsi iyo muujinta midnimada Islaamka. Waa
dabaaldeg iyo dama ashada daafaha dunida camiray.
Waxa ina kala qaybiya wax kasta oo damac adduunyo ah. Tartan ganacsi,
tartan siyaasa deed, ilaa tartan ciyaareed. Waxa ina mideeya diin iyo
camal kasta oo leh kheyr ma guurta ah. Wanaag iyo walaalnimada
diintu waa daawada keliya ee khilaaf kasta soo afjari karta, kolka
sida Eebbe ina faray lagu camal falo, iyadoon
la qaloocin, waxna lagu darin, waxna laga saarin.
Waxa dalkeena iyo mandaqadaba ka taagan abaar, gaajo iyo macaluul
xun. Haddaba inag oo ogsoon in kumanaan danyari Somaliland ku
dhibaateysan yihiin, haddana waa leys dha amaa oo tan ugu xumi waa
tan Soomaliya ka taagan ee aynu ku aragno shaashadaha tiifi iyada
caalamkoo dhanna damaqday. Inagoon iloobayn fuqarada iyo masaakiinta
gudahee na ku baahsan, ayey tahay inaynu sadaqada u fidino kuwa inaga
sii liita. Waxa ku jira khe yr badan iyo masiibada ayaa lagaga
badbaadaa. Waxaynu la baxno wax ka weyn ayuu Alle ina siin doonaa.
Waxaan xusuustaa islaan dawarsanaysay oon xoogaa lacag ah u dhiibay
ayaa waxa isasoo ag taagay nin weyn oo curyaan ah, intaanu daaqada
gaadhiga i soo gaadhin ayey islaanti waxii aan siiyey badh siisay.
Naxariista islaantaas waligey ma iloobi doono. Waa wanaag lagu daydo.
Waxa farxad gaar ah ii ah in baaq aan hore u soo jeediyey in
Somaliland dad iyo dawladba ka qayb qaataan taakulinta Walaalaheena
Soomaliya ku macaluushan in la hirgeliyey maal fiicana la qabtay,
welina hawshu socoto. Haddaba inkasta oo qof qof ahaan qurbojoogu
ga can fidiyey, haddana sida Guddiga ka soo yeedhay, waxa qurbojooga
Somaliland laga filay aa taageero muuqata oo nidaamsan. Insha Allah
weynu yeeli tilmaanta Guddiga Qaran ee u Gargaarka Dadka Tabaaleysan.
Akhri oo guji Linkan
http://samotalis.blogspot.com/2011/08/somaliland-oo-600-oo-kun-oo-dollar-u.html
Ka akhri linkan hoose maqaalkii aan hore u qoray.
http://samotalis.blogspot.com/2011/08/soomaaliyey-u-gargaara-dadkiina.html
Ciid mubarak Somaliland, dawlad iyo shacbiba, sidoo kale ciid
muabarak dhammaan Sooma aliyey meel aad joogtanba. Alle haynu
waafajiyo tubta toosan,. Allow na cafi oo noo naxa riiso, Allow inta
bugta daawee, inta baahan baahi tir, inta gaajeysan dhergi, inta
halowsa soo hadee, Allow Islaamka u gargaar, halka colaadi ka jirto
nabad ugu bedel, Allow xaqqa u hiili, Allow daalinka iyo dulmiga
naga qabo. Aamiin.
Ciida ha leys cafiyo oo niyad san ha lagu wado ducaysto. Kheyrka
aynu isla jeclaano, shark ana aynu wado nacno, xaqqa iyo daacadda
aynu u hiilino, gar-darrada iyo dulmigana aan meel uga soo wada
jeedno. Aan u damqano oon gargaarno inta inaga itaalka yar, inaga
adduun yar, inaga caafimaad darran.
Nabad, caafimaad iyo barwaaqo Alle haynagu simo ciidan ciideeda iyo
qaar kale oo badan. Aamiin.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127
|
|