Calanka Tawxiidkaa Tudhsiin Tuug Maleegaale by Saeed Issa Eleyeh

 



Hadaad dib ugu noqotaan maqaalkaygii aan ka qoray PROF SAMATAR IYO SOMALILAND waxa ad dib u xasuusan kartaa wakhti ka hor intaan Samatar iman waxaan ka hadlayay oo hadda soo if baxaya iyo adigoo dib u liqi doona qiirada aan sii ridnayn ee billaa cilmiga ah iyo aragtida gaaban eed xagga Samatar kaaga ifaysay.

Si kasta ha ahaatee waxaan in badan ka digay jubada loo qabo nin mabaadiidiisa siyaasadeed aynay mara ku raali galin kari iyo qiirada ay shacabka Somaliland caanka ku yihiin marka Soma liland la amaano.

Dadwaynaha iyo dawlada Somaliland Waxay si qurux badan u soo dhawreyeen prof fanaan Samatar taasoo waajib ahayd , wanaageeda lahayd , waayaheeduna muuqan doono.

Taariikhda calanka tawxiidku hadaan wax yar ka idhaahdo waa mid Somaliland khaas u ah ku na salaysan Sooyaalka Taariikhiga ah Ee Cadaaladeed ee gunta iyo aassaaska u ah jiritaake eda.

Haddii aan wax ka idhaahdo jiritaankiisa, taasooy dad badan oo kaskoodu yar yahay u haysta an Calan dad gaaarihi leeyihiin ee ay ka maqantahay inuu yahay tawxiidkii aduunka dhan loo abuuray ee jiritaankeena suura gadhay. Hadaan si kale u eegno calankan seefi kuma garab s awira, taasoo macbaheedu yahay in tawxiidka qaadashadiisu aanay qasab ahayn diinta Islaa mka. Somaliland waa dhul Barakaysan oo markasta oo adduunka kale fasahaado ayada diinta Islaamka ee tawxiidka ku salaysani ay kusoo hadho waligeedna baaqi ku ahaato ayadoo cid kasta oo magansata nabad nabadgelyo siisa, taasina ay tahay sababta Nabigeena (C S W) ugu soo diray hijradii u horaysay taasoo marka horeyba dadku diintii Islaamka iyo tawxiidkii Nabi ciise soo gaadhsiiyay iyo nabiyadii ka horeeyayba ay haysteen oo ay sugayeena bushaar ada Nabi muxamad C S W.

Dad badan ayaa u haysta Ardul xabuush AMA Abasiiniya dhul ay xabashiyi lahayd aanse u ga ranayn in dhulku mid ahaa markii hore, markii bambana Tawxiidka iyo diinta Islaamka darteed Lagu kala baxayna magacii Abasiiniya na uu u hadhay Boqortooyadii Itoobiya ka talinaysay wakhtigaas sida tusaale ahaan, mabda ahaan Soomaaliya iyo Somaliland ugu kala baxeen ma gacii horena ay Soomasliya ugu hadhay. Taariikh ahaana waxaa kuu sii cadayn karta calaama daha taariikhiga Islaamka ee wali kasii qoyan xeebaha Somaliland sida masjidka Qiblataynka ah ee Zaylac ku yaal kaas oo ah Maskidka labaad ee Qiblataynka ah ee aduunka maanta ka jira

. Taariikhdaas taxanaha ah badankeedii waa la burburiyay waddamo bandana way fadhatayst een sida Masar , Turkiga iyo Boqortooyadii Ingiriiska taasoo baaqiyaadkiina magaalada Zaylac uu ku gubay ninkii la odhan jiray BILLE RAFLE walhtiyadii 80 tanaadkii la dagaalan Taariikheed ka Somaliland darteed.

Hadaan dib idiin xasuusiyo Cidii ugu horaysay ee tawxiidka diidaa waxuu ahaa IBLIIS, bani aa damna waxaa ugu horeeyay umadihii Nabi Nuux C S, markii IBLIIS uu shantii nin ee saalixiinta ahaa ay dhinteen ee uu ninka wayn isaga soo dhigtay si ay asnaam uga samaystaan shantaa non, oo uu halkaa ku khiyaameeyey , kuwaasoo ku xusan Suuratul Nuux ayagoo asnaam ah, halkaasaana ugu horaysay shirig lala yimaado.

Hadaba Cidii calankan AMA tawxiidkan diidaa waa CID baadi cad ku sugan, cidaanay run ka ah ayn amase raalika ahayn wuu guba oo kuma hoos noolaan karaan mana hoos joogsan karaan sidaa Prof Samatar uu u gubay ayuu u gubaa.



GABILEY , hadaan hadal kooban ka idhaahdo magaalada Gabiley, waa magaalo Cajiib ah oo uu yaalo SCAN Khaayimiinta sheega amase kuwaan qawlkooda , ficilkooda iyo qulluubtoodu kala jeedo, taasna waxaa daliil u ah tariikhda ood dib u eegto ka soo bilawday inta dawlad Soonaal iyeed jirtay sida C/ RASHIID , C/Raxmaan, Siyaad, Cigaal, Riyaale ilaa Siilaanyo, soona urrurri oo aad u dheeho. Hadaan xagaa kor u dhaafiyo walhtiyadii British Somaliland dib ugu fiirso ge esinimadii iyo Xigmadii Ina Xaggaa dheere.

 



Sociologist Saeed Issa Eleyeh