Cibaadada
Bisha Ramadaan ee barakaysan waa fursad qofku cusboonaysiiyo
iimaankiisa,oo cibaadada iyo camalka suubban ka dhigto halbeeggiisa
nolosha,cibaadada oo isugu jirta waxa waajibaadka ah ee Alle innagu
faral yeelay iyo waxa ka sugnaaday Rasuulkeennii nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee,iyo wax kasta oo wanaagsan oo qofku
hor Alle u sameeyo isagoo niyadda ku haya in Alle ka siin doono ajar
iyo khayr,Akhriska Quraanka iyo digriga Alle iyo waajibaadka kale oo
dhan waa in qofku ku dadaalaa,Alle waa ka aqbalayaaye insha Allah.
Cibaadadu waa ta Alle subxaana watacaalaa,inoo abuuray oo Alle
mooyee ma jiro cid xaq lagu caabudaa:
وما خلقت الجنّ والإنس إلا ليعبدون ما أريد منهم من رزق وما أريد أن
يطعمون إنّ الله هو الرّزّاق ذو القوة المتين( الذاريات)
Aayadda:Umaan abuurin Jinka iyo Insiga waxkale inay i caabudaan
mooyaane,kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq
ah oo leh quwad xoog leh.
Alle Isagaa korreeyee,wuxu ina amrayaa in Isaga keliya aynu
caabudno,oo amarkisa u hoggaansanno:
وَقَضَى رَبُّكَ أَلآ تَعْبُدُوا إِلآ إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ
إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ
كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ
لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً( الإسراء)
Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay inaan Isaga mooyee cid kale la
caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid
ah ama labaduba uu da’ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo
gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin,oo ku dheh
hadal wanaagsan.
Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegayaa in keligii la caabudo,oo aan
loo shariig yeelin,sidoo kale loo sameeyo ixsaan Waalidka iyo dadka
Qaraabada ah iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaarka,qofka laga helo
fulinta arrimahan oo dhami,wuxu ku sifoobayaa sifada qofka Muuminka
ah ee Alle ugu cibaadaysanaya si xaq ah:
واعبد الله ولا تشركوا به شيئًا وبالوالدين إحسانًا وبذي القربي
واليتامى والمسكين والجار ذى القربى والجار الجنب والصّاحب
بالجنب(النساء)
Aayadda:Alle caabuda oo ha u shirki yeelina,Waalidka iyo dadka
Qaraabada ah iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaark kuu dhow iyo
Jaarka aad isku dhegsan tihiin iyo Saaxiibka aad isku
xigtaan(culimada qaar waxa ay ku fasiraan qofka aad is qabtaan)
ixsaan u sameeya dhamaantood.
Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku
kaco,ee dar Alle u sameeyo,ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono
iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama waxa uu hawl ahaan
ama ficil ahaan u sameeyo,ee ula yimaaddo:
قل إنّ صلاتي ونسكي ومحياي ومماتيّ لله ربّ العالمين لا شريك له وبذالك
أمرت وأنا أوّل المسلمين(ألأنعام)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar
Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan
yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay amray,waxanan
ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.
waxa waajib ah ee Alle innagu faral yeelay iyo waxa sunnaha ah iyo
waxa mustaxab ah,ee la jecel yahay samaynteeda intuba waa cibaado
aad ugu hoggaansamayso Alle, oo amarradiisa u fulinayso si habsami
ah,oo ku eg itaalkaaga iyo inta aad awooddo.
Cibaadada oo ah u hoggaansiga dhamayska tiran ee aad Alle ku
adeecayso,ee aad raacayso lana imanayso wuxuu ku faray,kana
dheeraanayso waxa uu kaa reebay,bal haddaynu waxyaalaha Alle waajib
yeelay ee diinteenna ku cad qaar ka sheegno:
Salaaddu waxay ugu horreysaa ashaadada ka dib waxa qofka muslinka ah
laga rabo, waana camalka ugu horreeya ee Qiyaamaha la xisaabayo
qofka,waana waxa kala saara Muslinka iyo Gaalka,ee kala sooca laguna
kala garto:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم“العهد بينكم وبين الكافر الصّلاة“.
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaatee,waxa uu yidhi: waxa idinka iyo gaalka idiin dhexeya,ee la
idinku kala saaraa waa salaadda.
Salaaddu waa cibaado Alle ina faray,oo gudashadeeda ajar aynu ka
helno,sidoo kale waxa gudashada salaaddu qofka ka reebtaa oo ka
fogeysaa xumaha iyo faxshiga:
إنّ الصّلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر والبغي ولذكر الله أكبر(العنكبوت)
Aayadda:Salaaddu waxay reebtaa faxshiga iyo xumaha iyo sinada,oo
digriga Illaah ayaa weyn.
Salaadaha faralka ahi waa shan salaadood Maalintii iyo
Habeenkiiba,waxana mid kasta Alle u sameeyey waqti xaddidan oo u
gaara,salaaddana fadligeeda ugu sarreeyaa waa in waqtigeeda la
tukado:
إنّ الصّلاة كانت على المؤمنين كتاباً موقوتا(النّساء)
Aayadda:Salaaddu Muuminiinta waxay u tahay mid waqtiyaysan,oo leh
waqti go’an.
waxana salaadda marka jamac lagu tukado ay dheer tahay ta kale 27
derejo,markaa waxa aynu u ordaynaa oo u guntan nahay waa in aynu
derejo sare helno.
Marka qofku salaadda gudanayo Eebbihiis ayuu hor taagan yahay oo la
munajonayaa, oo wuxu Alle ugu dhow yahay marka uu sujuudsan
yahay,waa in uu qofku ducada badsadaa,oo waa in uu salaaddiisa si
khushuuc leh u gutaa:
والّذين هم فى صلاتهم خاشعون(المؤمنون)
Aayadda:waa kuwa salaaddooda ku khushuucaya.
Salaadaha sunnaha ah ee salaadaha faralka ah ama ka horreeya ama ka
danbeeya,iyo kuwa habeenkii dadkoo hurda aad dar Alle u kacdo,oo
salaatul leyl tukato,iyo salaadda la tukado barqada,ee salaatul duxa
la yidhaahdo,intuba ajarro qaaliya ayay leeyihiin:
روي عن أبي هريرة رضي الله عنه أنّه قال:قال رسول الله صلى الله عليه
وسلّم لا يحافظ صلاة الضحى إلا أوّاب”
Xadiiska:waxa Abu Hureyra,Alle ha ka raalli noqdee,laga weriyey,in
Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame yidhi:ma ilaaliyo salaadda
duxe ee Barqada qof awaab ah,oo denbi dhaaf dalbasho badan mooyee
qof kale.
Waxa cibaadooyinka Alle innagu faral yeelay ka mid ah sakada,oo u
kala baxda ta laga bixiyo maalka ama xoolaha,oo markay sannad ka soo
wareegtoba la eego inta xooluhu le’eg yihiin iyo inta ka baxaysa,oo
la siiyo dadka baahan ee Masaakiinta iyo Qaraabadaba leh,waxa kaloo
sakada laga bixiyaa nafta qof kasta oo markaa ama maalintaa haysta
quudkiisa,sakadu waa rukniga 3aad ee Arkaanta Islaamka,sakadu waxa
ay daahirisaa wixii laga bixiyey,haddii xoolo laga bixiyo waxa ay u
noqotaa wax safeeya oo dahiriya,haddii qof naftiisa laga bixiyona
sidoo kale waa sadaqo dahiraysa,oo nadiifinaysa:
خذ من أموالهم صدقة تطهّرهم وتزكّيهم بها وصلّ عليهم إنّ صلاتك سكنٌ
لهم والله سميع عليم (التّوبة)
Aayadda:(Nebi Allow)ka qaad maalkooda sadaqad daahirisa oo
nadiifisa,oo u ducee ducadaadu waxa ay u tahay naxariis iyo
degganaan iyo xasilooni’e.
Cibaadada salaadda iyo sakada qofkii sida laga rabo u gutaa,khayr
badan buu heli:
إنّ الّذين آمنوا وعملوا الصّالحات وأقاموا الصّلاة وآتوا الزكاة لهم
أجرهم عند ربّهم ولا خوف عليهم ولا هم يحزنون) البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeyey,ee camalka saalixa ah
sameyey,salaaddana oogey ee la yimid sakada waxay leeyihiin
ajarkooda,oo ay Illaahay agtiisa ka helayaan,wax cabsi iyo murugo
ahina uma sugnaanin.
Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana
Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar
Alle,oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha
iyo hadalka xun ee aan wanaagsanayn.
يا أيّها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الّذين من قبلكم
لعلكم تتقون (البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,waajib ayaa laydinkaga
yeelay Soonka, sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka
horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
Soonka isagoo sunne ah qofku waa gudan karaa,oo isagoo awooddiisa
iyo itaalkiisa ku salaynaya,wuxu soomi karaa maalmaha Isniinta iyo
Khamiista asbuuciiba,ama waxa uu soomi karaa maalin dhaaf waa
soonkii Nebi Daa’uud oo kale’e,ama bishiiba wuxu soomi karaa
saddexda maalmood ee 13,14 iyo 15 ka,ee loo yaqaan ayaamu biid, waxa
kaloo sunne ah in la soomo maalinta carrafa,ee xajka buurta carrafa
la taagan yahay,sidoo kale maalinta la yidhaahdo caashuuraa,ee ah
maalinta 10aad ee bisha 1aad ee sannadka hijriga Islaamka,waana lagu
dari karaa maalinta ka horreysa iyo ta ka danbaysa,waxa iyana sunne
ah oo la soomaa 6da shawaalka,ee ah bisha ku xigta bisha Ramadaan,oo
ilaa bilowgeeda iyo dhamaadka bishaa shawaal aad ama lixda maalmood
isku xejin karto ama kala googoyn kartid.
Waxa isna ah rukniga 5aad Xajka,oo isagu ku xidhan awoodidda ama
calaa karaan, qofkii awoodi karaya ayuu xajku ku waajibey,ka kale
Alle ma kellifo qofna,oo awoodiisa wax dhaafsiisan kama dalbo,Isagaa
u cilmi leh Addoomadiisa.
الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى
الحج(البقرة)
Aayadda:xajku waa bilo xaddidan oo go’an,oo qofka gala waajibka
xajku,waa in aanu la iman wax dareen shahwadeed ah oo uu
haweenaydiisa la wadaago,iyo wax fisqi ah iyo muranba xajka
gudihiisa.
Xajku waa cibaado ku waajib ah Muslin kasta oo awooda mar keliya
noloshiisa,kii mar wax ka badan xajka guta waa sunne oo ajar buu ka
helayaa,waxa uu qofku sidoo kale u xajiyi karaa waalidkiisa,marka
aanu safri karin caafimaad iyo da’ darteed,ama haddii uu mootan
yahay,oo geeriyooday.
Camal kasta oo dar Alle uu qofku u qabto,oo ku dalbayo raalli
noqodka Alle,oo Illaahay ugu dhowaanayo,camalkaasina yahay mid
bannaan oo diintu ogoshahay,waa cibaado,oo ajar iyo abaal fiican buu
ka helayaa qofka sameeyaa:
عن أبي ثعلبة الخشينيّ جرثوم بن ناشر رضي الله عنه عن رسول الله صلى
الله عليه وسلّم قال:”إنّ الله تعالى فرض فرئض فلا تضيعوها،وحدّ حدودًا
فلا تعتدوها،وحرّم أشياء فلا تنتهكوها،وسكت عن أشياء رحمة لكم غير
نسيان،فلا تبحثوا عنها”
Xadiiska:waxa Abi saclaba Alkhushayni Jarsuum Ibnu Nashir,Alle ha ka
raalli noqdee laga weriyey,in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame
yidhi:Alle Isagaa korreeyee,wuxu faral yeelay farallo ee ha
dayacina,oo wuxu sameeyey xadad go’an ee ha ku xad gudbina,oo wuxu
xarrimay ashyaa ee ha burinina,oo wuxu Alle ka aamusay waxyaalaha
qaar iyadoo raxmad idiin ah oo aan illowshiinyo ahayn,ee waxyaalahaa
ha baadhbaadhina ee sidoodaa u daaya.
Wax kasta oo Alle abuuray Illaahay bay u tasbiixsadaan,oo caabudaan:
تسبّح له السّماوات السّبع والأرض ومن فيهنّ وإن من شيءٍ إلا يسبّح
بحمده ولكن لا تفقهون تسبيحهم إنّه كان حليًا غفورًا(الإسراء)
Ayadda: Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku suganiba Alle ayay u
tasbiixsadaan,ma jiro shey aan Alle u tasbiixsan,laakiin waxaydinaan
fahmeyn qaabka iyo sida uu u tasbiixsanayo.
Cibaadada Alle inoo jideeyey way badan tahay,waana raxmad iyo fursad
Alle ina siiyey,oo ay tahay in aynaan iska dayicin,oo ka
faa’iidaysanno:
عن أبي مالك الحارث بن عاصم الأشعري رضي الله عنه قال رسول الله
“الطهور شطر الإيمان ،والحمد لله تملأ الميزان،وسبحان الله والحمد لله
تملآن-أو تملأ-ما بين السّماء والأرض،والصّلار نور ،والصّدقة برهان،
والصّبر ضياء،والقرءان حجة لك أو عليك،كلّ النّاس يغدو فبائع
نفسه،فمعتقها أو موبقها”رواه المسلم
Xadiiska:waxa laga weriyey Abi Maalik Xaaris Ibnu caasim oo Ashcari
ahaa,Alle ha ka raalli noqdee,in Rasuulka Alle yidhi:daahirnimadu
waa iimaanka badhkii, Alxamdulillaahina waxa ay buuxisaa
miisaanka,subxaana Allah iyo Alxamdulillaahina waxay buuxiyaan inta
Samada iyo Arlada u dhexaysa,salaadduna waa nuur,sadaqaduna waa
burhaan(xujo iyo marag),Quraankuna ama xujuu kuu yahay ama xujuu
kugu yahay,dadkoo dhami way kallahaan oo naftooda iibiyaan,waa mid
naftisa xoreeya iyo mid halaajiya oo hoojiya.
Qofku xalaal quudashadiisa iyo ka fogaanta dagidda Shaydaanka,iyo ka
feejignaantiisu waa cibaado:
ياأيّها النّاس كلوا ممّا في الأرض حلالا طيّبًا ولا تتّبعوا خطوات
الشّيطان إنّه لكم عدوّ مبين(البقرة)
Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada yaalla ee xalaasha wanaagsan
ah,hana raacina tallaabada iyo wadada Shaydaanka,cadaw dhab ah ayuu
idiin yahaye.
Amaanada ilaalinteeda iyo ka soo bixisteedu waa cibaado:
قال رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَدِّ
الأَمَانَةَإِلَى مَنْ ائْتَمَنَكَ وَلا تَخُنْ مَنْ خَانَكَ(مسند
أحمد)
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaatee yidhi: Amaanada u celi ciddii ku aaminta,oo ha khiyaamin
adigu ka ku khiyaama.
Sida loo tacaamulayo ee wax loo kala iibsanayo,ee daymaha loo kala
qaadanayo iyo dhamaan mucaamalaadkoo dhami waa cibaado,markaad sida
Alle doonayo u fuliso:
يا أيّها الّذين آمنوا إذا تداينتم بدين إلى أجل مسمّى فاكتبوه وليكتب
بينكم كاتب بالعدل ولا يأب كاتب أن يكتب كما علّمه الله) البقرة(
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,haddii dayn aad kala
deynsataan qora oo ha idiin qoro dhexdiinna qore caadil ah,oo yaanu
diidin qoruhu in uu u qoro sidii Alle u baray.
يا أيّها الّذين ءامنوا لا تأكلوا أموالكم بينكم بالباطل إلا أن تكون
تجارة عن تراضٍ منكم ولا تقتلوا أنفسكم إنّ الله كان بكم
رحيمًا(النساء)
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeyow,ha u kala cunina xoolaha si
baadil ah, iyadoo mid ganacsi dhexdiina ah,oo aad raalli isaga
tihiin uu yahay mooyee, nafihiinnana ha dilina,Alle waa mid idiin
naxariis badane.
Cabsida Eebbe iyo adeeciddiisa oo aad ku dadaasho inta awooddaada
ah,waxa ay ka mid tahay cibaadada Eebbe:
فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا
وَأَنفِقُوا خَيْرا ًلأنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ
فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(التغابن(
Aayadda:Alle ka cabsada inta aad awooddaan ee karaankiinna ah,oo
maqla oo adeeca,oo wax bixiya waxay khayr u tahay naftiinna’e,kii
naftiisa ka ilaaliya shaxeexnimada iyo bakhaylnimada kuwaasi waa
kuwa aflaxay.
Cibaadada ay cabsidu ku dheehan tahay ee sida fiican loo guto,Alle
waa abaaliyaa:
ومن يتّق الله يجعل له مخرجًا ويرززقه من حيث لا يحتسب ومن يتوكل على
الله فهو حسبه(الطلاق)
Aayadda:Qofka Alle ka baqa,waxa Alle u furaa dariiqyada,oo wuxu ka
arsaaqaa meelo aanu ka filayn,kii Alle talasaartana Alle Isagaa ku
filan oo kafaalo qaadanaya.
Gaaladu ma caabudaan Alle waxay caabudaan sanamo iyo hawadooda,oo
Shaydaanka ayay jidkiisa raaceen oo caabudaan:
ويعبدون من دون الله ما لم ينزّل به سلطاناً وما ليس لهم به علم وما
للظالمين من نّصير (الحج)
Aayadda:waxay caabudayaan Alle sokadii wax aan Alle u soo dejin
xujo,oo aanay wax cilmi ah u lahayn,daallimiintu ma helayaan wax
gargaar iyo taageero ah.
Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa in uu Alle keligii caabudo,oo wax
kasta oo ka mid ah noloshiisa uu ka dhigo ku dhaqanka diinteenna,iyo
shukri naqa Eebbe,oo had iyo jeer eego oo hubiyo waxa uu samaynayo
in diintu u bannaysay,oo Alle ka raalli yahay iyo in kale,markaa
wuxuu qofkaasi mutaysanayaa nolol fiican oo Ifka iyo Aakhiroba
ah,waana qof u hoggaansamey amarka Eebbe,oo ficil kasta ka dhigay
cibaado Alle:
وروي عن النبي صلى الله عليه وسلم أنّه قال: الكيس من دان نفسه وعمل
لما بعد الموت، والعاجز من أتّبع نفسه هواها وتمنّى على الله.
Xadiiska:waxa laga weriyey Nebiga,nabadgelyo iyo naxariis korkiisa
ha ahaatee,in uu yidhi:Qofka raganimada lihi waa ka naftiisa
ilaaliya,ee u shaqaysta waxa mowdka ka danbeeya,caajiskuna waa ka
naftiisa raaciya hawadeeda,ee haddana Alle ka fila wanaag.
Dadka cibaadada suubban sameeya ee sifada Muslinka huwan,waa kuwa
dareensan waxa Alle u abuuray,ee dareensan nimcada iyo wanaagga Alle
ku mannaystay,iyo sida Alle ugu hawl yareeyey gudashada cibaadada,oo
ku xaddidan awooddiisa:
وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الأَرْضِ هَوْنًا
وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا وَالَّذِينَ
يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا وَالَّذِينَ يَقُولُونَ
رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ
غَرَامًا(الفرقان)
Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi,waa kuwa dhulka u socda si
deggan oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan
jaahiliintu,salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya
iyagoo Alle u sujuudsan iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan,oo
odhanaya:Rabbiyow naga badbaadi cadaabka Jahannama,waxa weeye Cadaab
halis ah,oo darane.
Cibaadada waxa ka mid ah in aad ku fekerto oo ku cibro qaadato
khalqiga Eebbe:
ويتفكرون في خلق السّموات والأرض ربّنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا
عذاب النّار(آل عمران)
Aayadda:waxay ku fekerayaan abuurta Samooyinka iyo Arlada oo
odhanayaan: Rabbiyow uma aad abuurin si baadil ah,Adiga ayaa xumo ka
nasahane,naga badbaadi Naarta.
Alle qofka si fiican u caabuda oo ka cabsada,Ifka iyo Aakhiroba
wanaag buu siiyaa:
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال إن
الله تعالى ، قال”: من عادى لي وليـًا فقد آذنته بالحرب ، وما تقرّب
إليَّ عبدي بشيء أحبَّ إليَّ مما افترضته عليه ، وما يزال عبدي يتقرب
إليَّ بالنوافل حتى أحبه ، فإذا أحببته كنتُ سمعه الذي يسمع به ، وبصره
الذي يبصر به ، ويده التي يبطشُ بها ، ورجله التي يمشي بها ، وإن سألني
لأعطينَّه ، وإن استعاذني لأعيذنه ، وما ترددت عن شيء أنا فاعله ترددي
عن قبض نفس المؤمن ، يكره الموت وأنا أكره مساءته”.
Xadiisul qudsiga:waxa Abu Hurayra,Alle ha ka raalli noqdee laga
weriyey,in Rasuulku sallaallaahu calayhi wasalam sheegay,in Alle
yidhi:kii collaystay oo cadawtinimo ku sameeya qof i aaminsan oo i
talo saartay,dagaal baan la gelayaa,oo waxa Addoon iigu soo
dhowaado,waxa aan ugu jecel ahay waxa aan ku faral yeelay, kamana
suulo Addoonkaygu in uu iigu soo dhowaado sunnayaasha,ilaa aan ka
jeclaado,oo haddii aan jeclaado waxan u noqdaa maqalka uu wax ku
maqlayo,iyo aragga uu wax ku arkayo,iyo gacanta uu wax ku
qabsanayo,iyo lugta uu ku soconayo, oo haddii uu wax i waydiisto
waan siinayaa,oo hadduu i magan galo waan magan gelinayaa,oo sheyna
kama noqnoqdo qabashadiisa,sida markaan ka qabanayo nafta qof Muumin
ah,wuxu karhaa mawdka Anna waxan karhaa wax kasta oo dhibaya.
Dadka oo aad khayrka la wada jeclaato oo u calool xaadhnaato,isla
markaana ugu yeedho wanaagga iyo waxa diintu ina farayso,waa nooc
cibaadada ka mid ah:
ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ
الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ
أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ
بِالْمُهْتَدِينَ (النحل)
Aayadda:ugu yeedh(dadka)xaqa iyo jidka Alle,adoo adeegsanaya xikmad
iyo waano wanaagsan,ulana dood dadka tii(dooddii) ah mid
wanaagsan,Alle waa ogyahay ciddii dariiqa ka luntay,wuuna ogyahay
ciddii hanuuntay.
Gudashada waajibaadka Alle iyo adeeciisa sidoo kale adeecidda dadka
hoggaanka haya(Culimada iyo Maamulka),ee xaqa ku toosani waa
cibaado:
يا أيّها الّذين ءامنوا أطيعوا الله وأطيعوا الرّسول وأُولى الأمر
منكم(النسّاء)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,adeeca Illaahay,oo adeeca
Rasuulkiinna iyo cidda idiin talisa ee idin xukunta.
ciddii ku toosnaata Alle waddadiisa oo cibaadada si fiican u
gudata,Alle waa u abaal gudaa oo deggani iyo cabsi la’aan buu ku
beeraa,wax kastana waa u fududeeyaa:
أَلا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّهِ لا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلا هُمْ
يَحْزَنُونَ الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ(يونس(
Aayadda:waar hooy awliyada Alle(kuwa Alle ku xidhan ee jecel)uma
sugnaanin wax cabsi iyo murugo ahi,kuwa Alle iyo Nebigiisa
rumaysay,ee ahaaday kuwo cabsanaya.
Cibaadadu waa wixii la inoo abuuray waana waajib Alle ina
saaray,keligii ayayna xaq tahay in la caabudo,oo la dalbo raalli
noqodkiisa iyo raxmaddiisa mar walba.
Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raacaaya
Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane
Cimriguna markuu go’o Jannuu cidhifsanaayaaye
Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoontahaye
Kalsoonidu inay camiri waa caadla’aan sugane
Ciddi wax le’eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye
Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane
Nafta ciirsataa Allaha way cadho go’aysaaye
Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka
Cawadii timaadaba eega camalkiisa
Cisho iyo ayaan caadilkii Janno ka dhawraaya
Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo
Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taaggeedda
Cilmigay diintu qabto iyo sharciga cayntiisa
Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye
Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta
Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane
Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye
Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo’e
Cuqdadli’ida waxawgu wacan waa cibaadada’e
Cadhali’ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha’e
Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda
Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya
Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya
Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e
Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|