Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madax
tooyada ka tirsan
Hargeysa (TNN)-Chief Of
Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa
shaqadii ka eryay saddex muwaadin oo hawlo kala duwan ka hayay
xarunta Madaxtooyada So maliland.
Saddexdan xubnood oo kala ah
Yaasiin Nuur Mooge, oo ahaa agaasime ku xigeenka Xafiiska A
rkiifiyada Madaxtooyada, Axmed Cabdillaahi Maxamud oo ahaa xoghayaha
wasiirka madaxtoo yada iyo Xuseen Sheer, oo ahaa xoghayaha
Golaha Wasiirada, waxa shalay xafiisyadooda loo dhigay qoraalo lagu
amrayo in shaqadii laga joojiyay.
Sida ka muuqata qoraalka uu Xirsi Cali Xaaji Xasan, shaqada kaga
joojiyay mid ka mid ah sad dexda muwaadin, waxa uu u
adeegsaday luuqad kakan, isagoo ujeedada qoraalka uu ku soco
dsiiyay ciwaan uga dhigay [ERIS] oo ah eray luuqad ahaan adag, marka
loo eego nidaamka m aamulka wanaagsan.
Waxa uu Chief of Cabinet-ka Madaxtooyadu ku wargeliyay in shaqadii
lagala noqday. “Shaqadii aad u haysay madaxtooyada way kaala noqotay,
waanad u madaxbanaantahay inaad shaqo kale raadsato.” ayuu Xirsi ku
yidhi qoraalkiisa.
Dhinaca kale, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen ilo
xogogaali, waxa uu gacan ka h adal dhex maray Yaasiin Nuur
Mooge oo ka mid ah saddexda nin ee shaqada laga joojiyay iyo Chief
of Cabinet-ka Madaxtooyada, kuwaas oo isku maandhaafay nidaamka
shaqada looga jo ojiyay, waxase markii dambe kala dhex galay
laba nin oo goobtaas ku sugnaa. Yaasiin, ayaa la sheegay inuu
dalbaday in haddii shaqada laga eryay la siiyo xuquuqdiisii, taas oo
keentay in muran adagi dhex maro isaga iyo Xirsi. Qaar ka mid ah
baraha Internetka Somaliland ayaa qo ray in Xirsi Cali Xaaji
Xasan, mindi yar oo la socota qalabka xafiisyada ula soo baxay
Yaasiin Nuur Mooge, markii uu hadalku ka taagtaagmay, laakiin noomay
suurtogelin inaanu Xirsi Cali Xaaji Xasan, dhinaciisa wax ka
weydiino arrintan.
Ma jirto wax asbaab ah oo uu masuulkan madaxtooyada ka tirsani u
adeegsaday shaqo ka jo ojinta muwaadiniintan, lamana oga in
arrintani salka ku hayso waxyaabo kale, maadaama oo aan si rasmi ah
loo cadayn sababta ay saddexdan muwaadin shaqadooda ku waayeen.
Source: Geeska.net
|