Cawil Cali Ducaale Oo La Sheegay Inuu Ku Biirayo Kulmiye Iyo Siciid Sulub Oo Lagaga Guuray Guri Caska Udub

 

 



Hargeysa  (TNN) – Wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo ka mid ahaa xubnihii guddida fulinta ee xisbigii Udub ee saaxada siyaasada ka hadhay ugu firfircoon aa, ayaa la sheegay inuu ku biirayo xisbiga Kulmiye.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloola Ambassador Cawil, ayaa sheegay in Mr Cawil oo ka mid ah xubnaha guri caska Udub lagaga guuray uu go’aansaday in markii ay dhawaan saaxiibadiisii Cali Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir ay ku biireen urur siyaasad eedka Wadani uu isaguna uga digo roganayo Kulmiye, taas oo ilo wareedyadu ay intaa ku da reen in muddadii ka dambaysay markii Udub ka baxay saaxada siyaasada, isla markaana uu ka hadhay ka qaybgalka tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka qabso omi doona 28 November 2012-ka, uu kulamo uu ku xodxodanayo xukuumada iyo xisbiga Kulm iye uu la kala yeeshay masuuliyiinta sare, isla markaana ugu bandhigay mawqifkiisa ku waja han halka uu geedigiisa siyaasadeed ee Kulmiye ugu soo digo roganayo.

Mr Cawil Cali Ducaale oo ahaa wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumadii Udub ee Rayaale oo mu ddadii siddeeda sanadood ee xukuumada Kulmiye ay mucaaridka ahayd uu ka dhexeeyay da gaal siyaasadeed oo culus weedho dhiif lehna u marin jiray warbaahinta xisbiga Kulmiye ay aa la sheegay in muddadii xukuumada Kulmiye talada haysay uu qaaday talaabooyin iyo olo layaal uu ku doonayay in xil looga dhiibo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isagoo saxaaf adana muddooyinkan u dambeeyay xukuumada iyo hogaanka dalka u marinayay weedho uu ku difaacayo hogaaminta siyaasada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana u muuqday mid hadalada uu shirarka jaraa’id ka odhanayo laga soo Tifaftiro Madaxtooyada.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumadii Rayaale Siciid Sulub Maxamed, is la markaana la baxay intii khilaafka Udub Socday hogaamiyaha Ruuxiga ah ayaa baryahan ku maqnaa dalka Imraadka Carabta kana mid ahaa xubnihii ay saaxiibada dhaw ahaayeen, ayaa n ilaa hada isaguna cadaynin halka uu uga guurayo guri caska Udub ee ay kaga guureen saa xiibadiisii, hase yeeshee waxay ilo wareedyadu sheegayaan in Mr Siciid Sulub safarka uu Ima raadka ugu baxay ay la xidhiidho mid uu kaga gabanayo xaalada siyaasadeed ee ku ciirsan ee uu ku jiro, kuna laba boglaynayo halka uu geedigiisa siyaasadeed sal dhigan doono.
 

Source:Haatuf