Caways loogu Magacdaray u Hiilinta Afka hooyo oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Hargeisa:-

 



Caways xiiso badan oo loogu magac daray U hiilinta Afka hooyo ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeisa, Xafladaasi oo ay soo Qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska hargeisa, Waxaa Daadihinayay Qoraaga Caanka ah ee C/raxmaan C/laahi (Ina Guri Barwaaqo).

Munaasibadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socota Jaamacada Hargeysa, Qorayaasha Caanka ah ee reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Xasan Cabdi Madar, Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Barnaamijkaasi oo loogu magac daray Habeenka Aqoon-yahanka iyo Naadiga Akhriska ee Hargeisa Waxaa uu ka mid ahaa barnaamijyada ugu Xiisaha badan ee soo mara magaalada Hargaysa baryahaa iyo baryahaa, Barnaamijkaasi oo ku saabsanaa isla markaana loogu talo galay sidii aan horaba u sheegnay in loogu hiiliyo afkeena hooyo(Af soomaaliga),oo dhamaanba ay aqoonyahanadii iyo abwaanadii halkaa ka qayb galay ay isku raaceen inuu ku dhaw yahay dhimasho Af Soomaaligu sida afafkii hore ee dabar-go’ay oo bari dhaw la waayi doono hadii aan la helin Dawlada Adag oo illaalisa.

Madashaasi oo xiiso gaar ah lahayd waxaa ugu horayn hadal kooban ka jeediyay isu-duwaha NaadigaAkhriska Hargeisa Maxamed Dahir, waxaanu aad ugu mahadnaqay dadwaynihii ka soo qayb galay madashaasi iyo sida ay usoo ajiibeen ka soo qaybkeeda,

Maxamed daahir waxa uu Xusay in Dadwaynuhu ka dharagsanyihiin Asaaska naadiga iyo waxyaabaha uu ka shaqeeyo balse waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Sidii dhalin yarada wakhtigani ugu Hamiyi lahaayeen inay Badalaan jiilka ka horeeyay oo iyagu wakhtigoodii u huray Horumarinta Bulshada.waxaana uu ku booriyay Dadaalka iyo karti in looga baahanyahay Dhalinyaradda sanadkan Cusub kaalin wax ku ool ahna ka qaadano.

Waxaa isaguna Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Xasan Cabdi Madar waxaanu uga Mahad Naqay Qoraagu sida Fiican ee Dharka somalida ugu labisanyahay iyo sida uu ugu heelanyahay illaalinta iyo kor uqaadida Afka Somaliga.

Xasan Cabdi Madar Waxaa uu si gaar ah ugu Nuuxnuuxsada Kaalinta ay Buugta Qoraagu kaga jiraan Bulshada iyo u hiilinta Afka hooyo waxaa Tusaale usoo Qaatay oo uu tilmaamay in Dadku ay waydiiyaan Magac ay Caruurtooda u bixiyaan. Waxaanu kor u taagay Buug uu qoray Guri Barwaaqo oo magaciisu yahay (Magac Bilaash uma Baxo) kaasi oo uu tilmaamay inuu ka helo Magac kasta oo loo bixinayo Caruurta somaliyeed

Boobe Yuusuf Dacaale oo isagu hadal kooban halkaasi ka jeediyay isaga oo ugu Mahad naqay Naadiga akhriska Hargeisa Buugaagta Bil walba ay u soo bandhigaan bulshada Waxaa uu tilmaamay in ay laba arimood ugu Naxdin badan yihiin marka uu arko kuwaasi oo kala ah, Baabuurta Dhuxusha magaalada Dhex deeda sida ee soo jarta dhirta oo qoyan, iyo Magacyada Meheradaha oo qof waliba ula boxo Magaca uu doono kuwaasi oo u badan Magacyo Qalaad.Waxaana uu Dusha ka saaray Masuuliyada Arintaasi Dawlada hoose oo aan Xil iska saarin.

Boobe waxaa uu aad ugu Dheeraada Qaladaadka Saxaadu ka samayso Qoraalka Afsomaliga isaga oo Xusay inaan Xil wayn la iska saarin Sixitaanka Afka hooyo,Boobe waxaa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Arko Qoraa C/laahi Guri barwaaqo oo in badan ku maqnaa wadamada Qurbaha.

Intaa ka dib waxa Hadalka la wareegay Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax( Ina Guri Barwaaqo) oo ahaa Shaqsiga Xallay Martida loo ahaa. Waxaa uu si Qoto dheer u gudo galay Mawduuc Balaadhan oo ugu Talo galay in uu ku dhiiri galiyo Dhalinyarada Reer Somaliland ee Xalay Madashaasi isugu timi. Waxaa uu Sheegay in Hargeisa oo ahayd Hoygii Fanka iyo Suugaanta la Dhaxal wareejiyay oo ay Noqotay Hoygii Aqoonta.

Waxaa uu ku dheeraaday oo uu sharaxaad ka bixiyay Ereyga AF: oo uu tilmaamay Baaq Codeed oo u jeedo Qeexan leh, waxaa uu tilmaamay in Af-ku dadka gaar u yahay, kana mid yahay Nimcooyinka illaahay ku manaystay Noolaha, waxaa uu xusay in noolaha kale ay hadlaan balse aanay isku af garan, Waxa kale oo uu sheegay Carabka oo ah saldhiga dhawaaqa hadalka oo inta xaraf ee aad ku hadlayso carabka ayaa suurtagelinaya in dhawaaqoodu soo baxo.Waxa uu aad u sharxay Ereyada Somaliga iyo kala duwanaanshahadooda. Waxa uu si kooban uga waramay Af ka Somaliga iyo Ilbaxnimadeena.Waxa uu Ereyada Afsomaliga u kala Qaybiyay laba Qaybood oo kala ah,Eray dhaqameedyo iyo erey Saleedyo.

Waxaa ka mid ahaa Hadaladiisii “ Qolo waliba ilbaxnimadeeda iyada ayaa iska leh. Ilbaxnimadeeni Miyi ayay taalaa. Inta taalaana waa inagu filan tahay oo inaa le’eg tahay. Dhibaatadu halka ay inaga haysaana waa ilbaxnimada wadamada galbeedka iyo Carabta” ayuu yidhi Qoraagu.

Ina Guri barwaaqo Waxa uu Si faahfaasan usharay Daawooyinka iyo Cudurada aynu iska Dawayn jiray wakhtiyadii hore isaga oo Arintaa ka hadlayana Waxa uu yidhi

“Daawada iyo Cudurada aynu iska dawayn jirnay. Dadkeenu waxa ay yaqaaneen Cudurada la iska dhaxlo o imika lagu barto Jaamacada Caalamka (Cudurada la iska dhaxlo). Dadkeenuna ay yaqaaneen cudurada ili ma qabatayga ah ee ay ka mid yihin indho Xanuunka. Sida Cuntada loo kaydsado.Hilibkeenu waa inagu filnaa, Hadhuudhka waa la qaadan jiray cuntadiisa ka sokaw Waa lagu safri jiray. Xanjada waan lahaan jirnay oo laga samayn jiray dhir ay ka mid ahaayeen Xangeeyada, Gacayrada, kidiga Xabagtiisa, Dhiig joojinta dhirta ayaynu ka samaysan jirnay (Homor, shan bogsiiye) ”.

Waxa uu aad ugu dheeraaday ereyada Afafka Qalaad ee aynu Adeegsano iyada oo si cad aynu ubaal marno kuwii afsomaligu lahaa oo uu tusaale usoo qaatay

Hadhimo: Qado

Casho: Xiraad

Suxuur: Hiraab

Qoraagu waxa kale oo uu tilmaamay in Afkeen ka wanaagsanyahay Afafka Qalaad qaar badan oo ka mid oo uu tusaaleyaal badan usoo qaatay waxaa kale oo uu ka waramay in Afku isaga qoran hadan dhinto, mar uu ka hadlayay siyaabaha Afku u dhiman karo waxa uu yidhi

“Afafku iyada oo la qoray ayay hadana dhintaan, sida faraaciinta iyo sumayrintaba qoraarlkoodii waa la hayaa waanay dhinteen, haday ereyadu dhintaan oo aad halkoodii mid kale galiso waa dhimanayaa. Hadii afafku ay walaalo yihiin dhibi ma jirt. Laakiin, ereyada oo dhalan rog lagu sameeyo. Ilbaxnimooyinka oo la isk a moosi waayo. Dadka lehi hadii ay wax u arki waayaan in afkoodu qiimo leeyahay. Maamul jira hadii uu dar yeeli waayo. Dadka oo bara kaca kuna biira qowmiyad kale,Badbaadadiisuna waxay noqonaysaa intaa caksigeed oo la sameeyo”

Waxa uu si baaxad leh u sharxay Magacyada Somalidu ay la baxaan iyo siyaabaha loogu bixiyo iyo sidoo kale,oo uu shegay in Wargeysyada Somaliga wax ku qora in ay sameyaan Khaladaad tiro badan. Waxaanu halkaasi ka sheegay war si khaldan ay u daabacday shabakada wararka ee Hadhwanaagnews. Isaga oo tilmaamay in arintaasi ay salka ku hays. “ laba wiil oo lagu wareeray DaLalka Baakistaan” halka ay ahayd inay ka qoraan laba wiil oo lagu weeraray dalka baakistaan, waxaa kale oo uu soo qaato war kale oo khaladaad badan lahaa oo Shabakadaasi Hadhwanaag daabacday. Waxaa uu Tusaale kale u soo qaatay

Degelka Blog.com: Guriga Madaxwaynihii hore ee Somaliya Cabdi Qaasim ayaa Maanta Fadhato ku sameeyay Ciidamada somaliyaaed” “ Xaalada Magaalada Muqdisho oo Maanta Dagan markii ay maanta Dagaalo ka dhaceen” “Inan yar oo la yidhaahdo twinkle oo marka ay indhaha dhig ka daynayso “

Waxaa uu iyana meesha ka xusay Khaladaad ay sameeyeen Websityada BBC-da iyo Ramaas News oo lagu daabacay,

Waxa uu si wayn u canaantay Nin qoray buug uu ku soo qaatay qaar ka mid ah ereyada aalada Kombuyuutarka. Waxa u halkaasi ka sheegay in todobada xaraf ee libin laabma uu ninkaasi ku daray todoba kale. Waxaanu soo jeediyay In lagu daayo kaliya intii Guddida Af Somaligu ay barigaa sameeyeen.

Ugu Danbayntii waxa uu halkaasi ka tiriyay Maanso ku saabsan Dhibta haysata luuqada Somaliga oo uu sameeyay, waxaana lagu soo gabo gabeeyay Su,aalo la waydiiyay qoraaga oo dhamaantood si cilmiyaysan uu uga jawaabay.

Guri Barwaaaqo waa aqoon yahan ku takhasusay Luuqado badan, waxna ku soo bartay Jaamacada Kaamil town, dugsiga Faarax Omar, Sheekh Bashir, Qurbaawi in badan Scuudi ku qoray. Qoray ilaa 8 Buug. Waxaa hadda soo saaraa Majalada Hal Aqoon. Waxa ka mid ah buugaagta ugu caansan ee uu Qoray, Magac Bilaash uma baxo. Hal Bixinta Ereyada Kombuyuutarka, waxaanu kaga tagay dardaaran iyo guubaabo guud oo loogu hiilinayo Afkeena hooyo ee somaliga.



Mustafe Abdikariin Ali

Timacadde News Desk
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com