Caways Loogu Magac-daray Doorka Dhalinyartu Ka Qaadan Karto Ilaalinta Afka Soomaaliga Oo Xalay Lagu Qabtay Gabiley

 



Cawayskan uu soo qabanqaabiyey Naadiga akhriska ee Timacadde, ayaa waxa ka soo qayb-gal ay Masuuliyiinta heer Gobol ...Daawo Sawirada


Gabiley (TNN)- Caways ballaadhan oo uu gadh-wadeen ka ahaa qoraaga weyn ee reer  Somalila nd Maxamed-baashe Xaaji Xasan oo uu ku soo bandhigay muxaadiro uu si qoto-dheer ugaga hadlayay doorka dhalinyartu ka qaadan karto ilaalinta afka somaaliga, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Gabiley.


Cawayskan uu soo qabanqaabiyey Naadiga akhriska ee Timacadde, ayaa waxa ka soo qayb-g alay Masuuliyiinta heer Gobol iyo Degno ee Gabiley, Aqoonyahanno, Xubno ka tirsan Naadiga Halkaraan iyo Dalladda Dhalinyaradda somalialnd ee Sonyo, Marti sharaf iyo dhalinyarto aad u fara badan.


Ugu horayn Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Bede oo halkaa ka hadlay, ayaa  qora aga Maxamed-baashe ku soo dhaweeyey magaalada Gabiley, isla markaana si weyn ugu  maha dceliyey muxaadirada ballaadhan ee ku saabsan baraarujinta dhalinyarta ee ilaalinta afka  hooy o ee uu ka jeediyey madashaas.

Waxa kale oo maayarku tilmaamay in cid kasta uu waajib ka saran yahay ilaalinta iyo qiime-u-yeelista afka soomaaliga, oo uu xusay inuu yahay af muddan in lagu faano, isla mar ahaantaana waxa uu sheegay in da’yarta looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta afka soomaaliga.DSC01610

Ka hor inta aan lagu soo dhawayn qoraaga waxa si guud mar ah taariikhda qoraaga halkaa ka soo jeedisay Naciima Yuusuf Cilmi oo ka mid naadiga akhriska ee Timacadde Readers Club.

Intaa ka dib, waxa migrafoonka lagu wareejiyey qoraaga Maxamed-baashe Xaaji Xasan, oo  gu ud ahaan u mahadceliyey Naadiga akhriska ee Timacadde iyo ka soo qaybgalayaashii cawayska, isaga oo aad ugu dheeraaday waxbaahihii suurtageliyey in afka soomaaligu ilaashamo oo uu  ka ydsamo, waxaana uu hoosta ka calaamadiyey inay xuddun u ahaayeen sugaantii kala  duwana yd ee bulshadu ku dhaqmi jirtay.

Waxa uu sheegay in suugaanta soomaalidu ahayd mid qaabaysan oo hab qaafiyadaysan ku  so cota, oo cid kastaana ku dhaqmi jirtay nidaamka u dejisan, taas oo lagama maar maan u ahayd quruxda iyo hufnaanta afka.


.Waxa uu qoraagu aad ugu dheeraaday quruxda uu leeyahay afka soomaaligu iyo sidii ay u  ade egsan jireen dadkii hore ee dhaqan yahanka iyo hal-abuurkii hore ee aan nasiibka u helin af  qor an oo hab sugan leh.


Waxa uu ku nuux-nuuxsaday sida wax-ku-oolka ah ee loogu baahan yahay ilaalinta afka  sooma aliga, oo uu sheegay inuu halis ku sugan yahay, isaga oo sheegay in dadka waa weyn looga baahan yahay inay caruurahooda baraan afka soomaaliga.

Qoraagu waxa uu si gaar ah u xusay in dhalinyarta waajib weyni ka saaran yahay inay u hawl galaan sidii ay cilmi-baadhis mug ugu samayn lahaayeen afka soomaaliga oo ah afka ay asal  ah aan ku abtirsadaan, isla markaana loo baahan yahay in la hawl galo kobcinta, ilaalinta, horuma rinta iyo isku dubbaridka qaabdhismeedkii wanaagsanaa ee afka soomaaligu lahaa.

Waxa kale oo uu Maxamed-baashe ka dayriyey xaalada uu afka soomaaligu ku sugan yahay iyo in luqado badan oo ajaanib ahi weerar culus ku hayaan, isla markaana ay baro-bixin weyn ku sumaynayaan, taas oo uu tilmaamay in dhalinyartu si gaar ah ugu baraarugto badbaadinta afkooda hooyo.

Waxa kale oo qoraaga halkaa lagu waydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha afka soomaaliga iyo muxaadaradii uu jeediyey.

Gabogabadii Barnaamijkaasi lagaga hadlayay ilaalinta afka hooyo ayaa waxaa su,aallo aad u tiro badan oo la xidhiidha mawduuca laga waydiiyay qoraaga, kuwaasi oo uu dhamaantood si faahfaasan oo cilmiyaysan uga jawaabay.

Ugu dambayntii waxa cawayskaa soo gabagabeeyey Badhasaab ku xidheenka gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali case), oo aad ugu mahadceliyey qoraa Maxamed-baashe Xaaji Xasan, oo aad ugu dheeraaday taariikh dheer oo ay soo wada-mareen, isla markaana ay isugu  dambays ay muddo laga joogo 27 sano.

Waxa uu aad ugu booriyey da’yarta inay ka faa’idaystaan aqoonta qoraanimo ee Maxamed-ba ashe, isla markaana ay door ka qaataan waajibka ka saaran ilaalinta afka soomaaliga.



Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheerare01@hotmail.com
Gabiley/Somaliland